google_somaliNabad-flagwelcome
visitors counter aminartsbbc-som voa-somalia al-jazeera
jambo
WAR DEG DEG AH : Taangiyada Ciidamada AMISOM Oo Dagaalka Kasoconaya Magaalada Muqdisho Si Toos Ah Usoo Galay.
Wednesday, 10 March 2010 17:41
amisom_tangiCiidamada Midowga Afrika ee loo yaqaano AMISOM ayaa si toos ugu biiray dagaalka xoogan ee ka soconaya magaalada Muqdisho, kaasoo Xoogaga Mucaaradka saaka kula wareegeen fariisimo dhowr ah oo ku yaala Waqooyiga Muqdisho.

Taangiyada ay leeyihiin Ciidamada AMISOM ayaa ka qeyb galaya dagaalka, kadib markii Xoogaga Mucaaradka ku soo dhowaadeen qadka cagaaran ee ay horay u asteeyeen, waxaana dagaalka yahay mid xowli ku socda.

Jugtii ugu cusleyd ayaa laga maqlayaa magaalada Muqdisho, waxaana dagaalka uu yahay mid xoogiisa ka socda aaga Hotel Galobal oo ay la wareegeen Xoogaga Mucaaradka.

Madfaca ka dhaca Taangiga ayaa si xoogan looga maqlayaa guud ahaan Caasimada Muqdisho, iyadoo dagaalka yahay mid si guud saameyn ugu yeeshay Caasimada.

Dagaal saaka waabarigii hore ka bilowday magaalada Muqdisho ayaa Xoogaga Alshabaab waxay ku jiireen difaacyadii ay lahaayeen Ciidamada Dowladda oo laga soo saaray meelo dhowr ah oo ay kaga sugnaayeen Waqooyiga Muqdisho.

Lama oga in dagaalka ay ka qeyb galayaan AMISOM inuu yahay kii ay Dowladda KMG maalmahan qorshihiisa gacanta ku heysay, hase ahaatee waxaa uu noqonayaa mid ay Dowladda u aragto fursad weyn, bacdamaa ay dhici karto in Mucaaradka laga xoreeyo aagaga ay haatan heystaan ee magaalada Muqdisho.

Allgalgaduud Media
This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it

 
2abdiwaxid1JAMAA150208bar1som_15_isbadal
JDFspdc1Stop_Ethnic_Cleansinghiiraale22forum_1Raas_LogobuaaleFreeAbdulle3waqtiga_salaadan
hani_dhagool63638
MarceyLogo1
buurgeesoole easado
Copyright 2009 © allgalgaduud.com / News and Information About Somalia