google_somaliNabad-flagwelcome
visitors counter aminartsbbc-som voa-somalia al-jazeera
jambo
WAR DEG DEG AH : Dagaal Kulul Oo Saaka Aroortii Ka Qarxay Muqdisho.
Wednesday, 10 March 2010 08:28
breaking_newsWaxaa sii xoogaysanaya Dagaalo culus oo tan iyo saaka waabarigii ka soconaya Waqooyiga Magaalada Muqdisho, iyadoo dagaaladaas si toos ugu dhaxeeyaan Ciidamada Dowladda KMG iyo Xoogaga Mucaaradka ee ka soo horjeeda.

Sida ay sheegayaan wararka dagaalka ayaa ka socda aagagii bilihii la soo dhaafay isku hor fadhiyaan Ciidamada Dowladda iyo Xoogaga Hubeysan, iyadoo dagaalka uu bar bar socday madaafiic culus.

Goobaha dagaalada sida daran uga socdaan ayaa waxaa ka mid ah Xaafadaha Shibis iyo C/casiis, waxaana dagaalka xoogiisa ka socdaa agagaarka Hotelka Global, iyadoo la maqlayo rasaasta culus iyo madaafiicda ay is weydaarsanayaan.

Xoogfaga Mucaaradka ayaa weeraro kula soo jermaaday Ciidamada Dowladda waabarigii saaka, taasoo keentay in Ciidamada laga soo durjiyay aagagii dhufeysyada kaga jireen.

Dagaalka saaka ka socda magaalada Muqdisho ayaa imaanaya xilli qorshe abaabul dagaal kii ugu dambeeyay ay wado Dowladda KMG, kaasoo ay ku dooneyso in ay ku qabsato Magaalada Muqdisho.

Allgalgaduud Media
This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it

 
2abdiwaxid1JAMAA150208bar1som_15_isbadal
JDFspdc1Stop_Ethnic_Cleansinghiiraale22forum_1Raas_LogobuaaleFreeAbdulle3waqtiga_salaadan
hani_dhagool63638
MarceyLogo1
buurgeesoole easado
Copyright 2009 © allgalgaduud.com / News and Information About Somalia