Wednesday, June 19th, 2013

Falanqeynta Kulanka Xiisaha Iyo Xamaasada Leh Ee Horyaalka La Liga Ee Kooxaha Valencia v Barcelona.

Published on February 3, 2013 by   ·   No Comments

cayaar1Kulanka: Valencia v Barcelona, Weeraryahanka kooxda Valencia Roberto Soldado ayaa ku soo laabtay garoonka tababarka ka dib dhaawac uu la maqnaa, waxaana laga yaabaa inuu ku soo bilowdo kulanka caawa ay Barcelona kula ciyaarayaan Mestalla.

Si kastaba, Dani Parejo iyo Jonas ayay u badan tahay inaysan ciyaari doonin dhaawac awgii, halka Nelson Valdez uu isna shaki ku jiro inuu ciyaari karo.

Daafaca bidix Jeremy Mathieu ayaa ka soo kabsaday dhaawac canqowga ah laakiin ma ciyaari doono kulankaan, halka Sofiane Feghouli uu ka soo laabtay koobka qaramada Afrika waxaase laga yaabaa inuu kursiga keydka ku soo bilowdo.

Barcelona ayaa dib u soo dhaweyn doonta Gerard Pique ka dib markii uu ganaax kaga maqnaa kulankii ay 5-1 kaga badiyeen isbuucii hore kooxda Osasuna.

Weeraryahan Isaac Cuenca ayaana ka maqan Barca ka dib markii maalintii ugu danbeysay ee suuqa kala iibsiga amaah lagu siiyay Ajax.

 

Garoonka: Mestalla Stadium Waqtiga: 9pm SGA

cayaar2
Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com

Readers Comments (0)




Muuqaal

. .