Wajeer (AGGM): Wararka ka imanaayo Magaalada wajeer ee Gobolka waqooyi bari ee kenya ayaa sheegaya in qarax ismiidaamin ah halkaasi kadhacay kasoo oo dhaliyay khasaaro nafeed iyo mid dhaawac ah.
Qaraxaan ayaa ksoo baxaya warar kale duwan wallow qaar badan sheegayaan in uu isqarxiyay nin madow ah kaasoo isku soo xiray waxyaabaha qarxa isla markaa la beegsaday Ciidamada amaanka oo halkaasi maraayay.
Halka wararka qaar sheegayan in qofka isqarxiyay oo yahay nin soomaali ah oo labeegsaday Ciidamo halkaasi roondo sameynayay waxaana weli kahadlin madaxda Dalka Kenya oo lagu wado in saacadaha soo socda kasoo baxao warar kale duwan.
Khasaaraha oo dhaliye qaraxaan ayaa lasheegay in ay kadhinteen ciidamada kenya ilaa 2 askari halka tiro kale dhaawac kasoo gaaray qaraxaasi waxaana siweyn looga maqlay xaafadaha magaalada wajeer ee Gobolka waqooyi bari ee kenya.
Gobolka wuqooyi bari Ayaa Mudooyinkii Dambe tan iyo Markii ay Ciidamada Kenya Gudaha u galeen Dalka Soomaaliya waxaa ka socday Falal Amaan daro ah, Qaraxyo iyo Dilal Qorsheysan oo intooda Badan ay Sheegteen falaagada nabad diidka ah ee Al-Shabaab.
Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com