Wednesday, June 19th, 2013

Dowladda Iiraan Oo Sameysatay Diyaarad Dagaal Oo Aysan Qaban Karin Raadaarada.*Daawo Sawirada*

Published on February 3, 2013 by   ·   No Comments

plane 1Tehran (AGGM): Xili Dowlada iiraan u Muuqato awooda carbeed marka laga Reebo dalka Masar iyo Suriya oo dagaalo ka socdaan ku dhawaad 2 sanao ayaa saacado ka hor waxa uu Madaxweynaha dalkaas ka qeybgalay xaflad lagu soo bandhigayay dayuurad dagaal oo madaxda dalka Iiraan ku tilmaameen inaysan arki karin raadaarada.

Madaxweynaha dalk Iiraan Axmedinajad oo Dalka Iiraan ku soo dhaqayay sanadihii la soo dhaafay siyaasad horumar leh ayaa ka Qeybgalay xafladaas waxa uuna ku Tilmaamay diyaaradaas in ay tahay mid lagu Hor marinayo Difaaca wadanka maadaama  wadanka uu leeyahay cadow badan.

Axmedinajad  ayaa sheegay in Dowlada Iiraan ay samaynayso wax walba oo ay ku Difaacayso dadka iyo dalka Iiraan. Sidoo kale  Dayuurdan ayaa  lagu soo bandhigay xaflad ka dhacday magaalada Tehran lagana daawaday taleefishinka dalka Iiraan ayaa madaxweyne Axmedinajad waxa uu sheegay in dayuuradan ka mid tahay dayuuradaha dagaalka loo isticmaalo kuwooda ugu horumarsan.

waxaa lagu Beegay xafladan 34 guurada kacaankii ka dhcay dalka Iiraan 1979kii, 10- cisho ka hor ayay ahayd Markii Dowlada Iiraan ay soo bandhigtay gantaal loogu magic daray Pishgam kaas oo uu saarnaa daayeer nool, waxana uu gantaalkan gaaray fogaan ah hawada sare 120km (75 miles).

Reer galbeedka ayaa ka yaaban horumarka xowliga ah oo uu ku socdo Difaaca Iiraan oo Maraykanku iyo Yuhuuda ay doonayeen in ay mar uun dabka ka lumiyaan oo ay u Weeraraan sida 21-Marso 203 ay u Weerareen mid ka mid ah awoodihii Xiligaas ee Wadamada Carabta.
plane 1

plane

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com

Readers Comments (0)




Muuqaal

. .