Xog Lahelay (AGGM): Warar rasmi ah oo kusoo dhacay shabakada Allgalgaduud Media ayaa waxa ay xaqiijinayaan in Falaagada Al Shabaab ay hoosta ka xariiqeen qorshe weeraro looga fulinayo magaalooyinka Garoowe iyo Hargeysa ee xarumaha maamulada Puntland Iyo Somaliland.
Warkan ayaa sheegaya in falaagada argagixisada ah ee Al Shabaab ay diyaariyeen ilaa 20 ruux oo loogu talagalay inay fuliyan weerarada waxaana ragaan ay markoodi hore lagu soo diyaariyay buuroleyda Galgala.
20-kan naftood haligeyaasha ah ayaa hada waxa ay soo gaareen magaalooyinka Garoowe iyo Hargeysa waxaana xogtu intaa ku dareysaa in ilaa 4 Xarumood ay la damacsan yihiin weeraradan oo aan la carabaabin.
Warkan sida hoose looga helay saraakiil sare oo katirsan sirdoonka maamulada Somaliland iyo Puntland oo ka gaabsaday magacyadooda ayaa waxa ay xaqiijiyeen in xarumo qarsoodi ah ay Al Shabaab kuleeyihiin magaalooyinka Garoowe iyo Hargeysa, islamarkaana ay ku dhamaystiran yihiin adeegyada loogu talagalay weerarada si aad ahna sirdoonka labada maammul ay ulla socdaan dhaq dhaqaaqa xarumahaas.
Falaagada argagixisada ah ee Al Shabaab ayaa Saraakiil katirsan ururkooda oo ku xeel dheer qaraxyada waxa ay keeneen magaalooyinka Garoowe iyo Hargeysa si aan qorshahooda u dhicisoobin.
Xogtan sida hoose lagu helay xili Falaagada Al Shabaab ay shaaciyeen in deegaanada Puntland iyo Somaliland weeraro ka fulin doonaan hase yeeshe xogta lahelay kuma ay cada goobaha bartilmaameedka u ah.
Maamulka Puntland iyo Beesha Caalamka ayaa waayahaan danbe waxa ay marwaliba walaac ka muujinayeen soo galintaanka falaagada Al shabaab ee sida xowliga ah ugu soo qul qulayay buuraha Galgala.
Falaagada Al Shabaab ayaa horay qaraxyo ugagaystay magaalooyinka Boosaaso iyo Hargeysa oo ay ka kala arimiyaan maamulada Puntland iyo Somaliland kuwaas oo naftooda ay ku waayeen Wasiiro iyo xildhibaano iyo taliyeyaal ciidan.
Isku soo wada duub oo dowladdaha Ingiriiska iyo Ierland ayaa waxa ay todobaadki tagay ugu baaqeen muwadinniinta kasoo jeeda dalalkooda amaba dalalka reer Galbeedka ah inay isaga soo baxaan deegaanada Maamulka Somaliland, taa oo xaqiijinaysa dhaq dhaqaaqa ay ka wadaan Falaagada Al shabaab deegaanada Puntland iyo Somaliland, falaagada Al Shabaab oo ah musiibo ka soo if baxay geeska africa iyaga oo wakiil u ah ururka aragagixisada caalamiga ah ee Al Qaacida.
Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com