Wednesday, June 19th, 2013

Ugaaska Guud Ee Beesha Sade Ugaas Maxamed Ugaas Cumar Oo Ka Tacsiyeeyay Geerida Ku Timid Allaha U Naxariitee Suldaan Cabdi Cali Sokor.

Published on February 2, 2013 by   ·   1 Comment

ugaaskaMuqdisho (AGGM): Innaa lillaahi Wa Innaa Ilayhi Raajicuun, Waxaan halkaan Tacsi tiiraanyo xambaarsan u dirayaa dhamaan umadda Soomaaliyeed guud ahaan iyo gaar ahaan shacabka aan walaalaha nahay ee ku dhaqan gobolada Jubooyinka oo dhawaan si lama filaan ah uu Suldaankoodii Suldaan Cabdi Cali Sokor ku  geeriyooday magaalada Nairobi

Anigoo ku hadlaya magaca beesha Sade Daarood waxaan marxuumkaas alle Subxaanahu Watacaalaa uga baryayaa inuu janadii Fardawsa ahayd ka waraabiyo iyo eheladiisii iyo qaraabadiisana Samir iyo iimaan ka siiyo.

Marxuum Suldaan Cabdi Cali Sokor waxaa uu ahaa hogaan dhaqan oo waxyaabo badan oo wanaagsan lagu xusuusto, dadka deegaankana ay tabi doonaan.

Ugaas Maxamed Ugaas Cumar Ugaas Xirsi
Ugaaska Guud ee Beesha Sade Daarood

Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com

Readers Comments (1)

  1. suldan sayid says:

    A/c waac idin salamayaa bahda allgalguddu.com
    salaan kadib walaalayalaw beehsaan Sade uma baahna hada in dab lashidee maxamed ugaas xaashi ugaas uma ahan beesha Sade
    beeshu ugaas way leedhay ee fidnada maad ka dhe daysaan umada
    teeda kale adinka maxaad ka helaysaan fidnada iyo dadka oo aad isku dirtaan
    wiilashaan waa walaalo kii beeshu u garatay ayaana ugaasnimada loo caleema saaray




Muuqaal

. .