Wednesday, June 19th, 2013

Baaq Ku Wajahan Madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya Iyo Dhamaan Ummada Soomaaliyeed.

Published on February 2, 2013 by   ·   3 Comments

baaqWaxaa mahad oo dhan u sugnaatay Alle Subxaanahu Watacaalaa, waana Alle mahadii marba hadii ummada Soomaaliyeed ay heleen dowlad aan KMG ahayn, si wanaagsana ay u shaqeenayaaN Madaxda Qaranka Soomaaliyeed, Madaxweynaha, R/wasaaraha iyo Xukuumadiisa iyo Riisul Baarlamaanka.

Intaa kadib waxaan baaq u dirayaa dhamaan ummada Soomaaliyeed hadii ay joogaan dalka gudihiisa iyo dibaddiisaba, baaqaas oo aan ugu sheegayo in si hagar la’aan ah loola shaqeeyo Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya (Far Kaliya Fool Madhaqado).

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxaan u dirayaa baaq waxaana ka codsanayaa inay xakameeyso awaamiirna amaba Sharciyo kasoo saarto ragga sheeganaya inay yihiin Madaxweeynayaal maamul goboleedyo, sababtoo ah dastuurka sida uu qeexayo waxaa ku qoran laba gobol iyo waxii kabadan oo ay dadka ku nooli isu tageen amaba ku heshiiyeen ayaa waxa ay noqon karaan Maamul Goboleed.

Haddaba waxaan aragnaa indhaha aynaan ka daboolan karin qodobki dastuurki dhigayay oo ay ku tumanayaan shaqsiyaad iyagu qurbajoog ah, sababtoo ah waxaad arkaysaa rag dagmo ama laba dagmo ku sheeganaya inay yihiin Madaxweeyneyaal maamul goboleed, taa waaba ay roon tahay’e oo waxaad kale oo aad arkeeysaa kuwo aanba tagi karin deegaanada ay leeyihiin waxaanu u nahay Madaxweeyneyaal, sidaa awgeed waa in dowladda federaalka Soomaaliya ay si dag dag ah wax uga qabataa qodobka Dastuuriga ah ee shaqsiyaadkaas ku tumanayaan.

Waxaan kale oo aan baaq u dirayaa iyaguna dhamaan qurbajoogta sheegata xilalka Madaxweeynenimo, waxaana leeyahay fadlan bilaa calaykum walaaleyaal wax jira ama muuqda maqarin kartaane intaad xishootaan ka waantooba been abuurka qaawan iyo qodobka dastuurtuuriga ah ee aad ku tumanaysaan, waxaana cad oo muuqata qaarkiin inaysanba tagi karin deegaanada ay sheeganayaa inay Madaxweyneyaal ka yihiin.

Waxaan rajaynayaa in dowladda Sharciyo kasoo saarto qodobka dastuuriga ah ee lagu tumanayo, dadkuna dhoowraan Dastuurka iyo sharciga u yaal dalka Soomaaliya.

Wabilaahi Towfiiq

C/llaahi Cabdi Jaamac
Nairobi, Kenya
Email.garaad1044@gmail.com

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com

Readers Comments (3)

  1. deeqo says:

    Duqun aab meel haysab hadal bi macno ha ayaad ku had leysaa hawey hadalkiisa cid rabta ma lah jubalan waa ismeysaa in sha alag amah ka baxa mah hakanin haweye dabadoobe darood dabe dhiigii dadimeysaan

  2. xalimo says:

    si muslinimo ayaan raba gabadhaan in aan ula taliyo anigu hawiyana maahi daaroodna maahi muslim baan ahay balse qoraaladada markasta waxan ku arkaa inaad ugu mashquulsantahay hawiye qabiil aan danbi galin ma jiro haba la kala daradee ninkii danbi geystana asaga ayaa leh oo laga xisaabtamaya aniga waxan ku leeyhay shaqsi danbigii ha lawareegin ee iska dhaaf kheyrka ka shaqee iyo waxad ajir ka helyso gobolka shabeelada hoosana waa gobol gobolada ka mid ah ee ka qeb qaado maslaxada muhiim baad tahaye hadadad soomali tahay

  3. xalimo says:

    imean jubada hoose soory




Muuqaal

. .