Sunday, May 26th, 2013

Gudiga Kacdoonka Iyo Nadaam Raadinta Jubbooyinka Iyo Gedo Oo Baaq Culus Soo Saaray.

Published on February 2, 2013 by   ·   2 Comments

top newsWaxaan taageeraynaa isla markaasna si aan hagar lahayn u soodhawaynaynaa dhawaaqa iyo kacdoonka ah in G/Jubbooyinka maamul iyo nadaam iyo kaladanbayn loosameeyo.

Waxaana soodirnay Gudi xaqiiqo raadis ah waxa dhabta ah oo meesha kajirana soocadeeyo gudigaas waxaa Hogaaminayo dr Abdiqani Sh Cali Diini Waxaana Cadaynaynaa in ay wakiil buuxdo nagayihiin:

Sade iyo soomaaliwaynbo maanta waxay ubaahantahay nabad Waxaa layiri tuke caanaha waa arkaa laakiin madhamo , mudanayaal iyo warwooyin alle aan ka baqno 22 Sano ayaan dabo taagnay kuwo aan nadaam iyo maamul midna noohorseedayn halaag iyo bubur baan kaqaadnayd.

Waxaan mar labaad cadaynayna mowqifkanaga ku aadan gedo iyo jubbooyinka  in maamul buuxo loosameeyo dadkana waxaan ugu baaqaynaa nabad iyo nolal iyo qabyaalada iyo nin jaclaysiga oo lagatago.

Mudanayaal iyo Marwooyin, waxaan filayaa inaydaan ka garasha liidan dawacada garatay inay dhegta u raariciso dawacada kale dhawaaqeeda, oo aad dhagaysataan dhawaaqa bulshadiina ok

Haddii aan dulmaro wixii dhibaato soo gaarey ummaddii soomaaliyeed khaasatan Gobalada jubooyinka iyo Gedo

labaatan iyo labo sano ah, gaar ahaan bulsho weynta iyo danyarta waxyaabaha aan haddeer ka xusi karo waxa ka mid ah:

A-Wax kasta oo ummadi ku noolaato kuna naalooto in ay waayeen kana burbureen.
B-Barakac,burbur,iyo hoy la’aan qabsatey intii ka soo hartey dhimashada.
C-Dhimashada ka sakow, dhaawac daawo la’aan ugu le’dey duurka
D-Dhaqan burbur ku habsaday guud ahaan ummaddii Soomaaliy
E-Burbur baahsan oo ku habsadey dhaqankii,hiddihii iyo sharaftii Beeshaan lahaan jirtay guud ahaan iyo gaar ahaanba.

Mooraalka dadka da’da yar oo dhammaantood intii ka soo hartey xabbada in ay u hanqal taagaan in ay mar uun ka baxaan wadankoodii hooyo oo aan wax rajo ah ka soo jedin.

Dadkii u qaxay wadamada dibadda oo dhaqan guur iyo diintii iyo hidihii wadankooda hooyo ka xuubsiibtey,isla markaana wata dhaqamo shisheeye.

Da’yarta hadda joogta gudaha iyo dibadaba oo aan hadeer garan Karin qiimaha wadankooda hooyo iyo dawladnimo midna. la,
Arimahaas iyo kuwo kaloobadan oo jiro ayaa nagu kaliftay in aan go,aan ku gaarno dadkayagii iyo dalkayagii in aan usoogurmano si aan dhibaatada ku habsatay wax ugaqabano inshaa allah

Talosoojeedin.

1.Waa in ladhisaa maamulka jubbaland iyada oo aan cidna loodabo fariisan dibna aan loodhigin

2:Waa in cidkasta oo wax sooqoratay waxbay qarsanayaan aan cudurdaar lagadhiganin oo madasha la iskugutago wax cusubna la islaqaato

3:Waa in aan cudurdaar laga dhiganin gobalka xor ma ahayn war xagee xar ah ma xamarbaa xor ah baydhabo miyaa xor ah ?dad maamul leh ayaa wax xoreeyo oo hogaan leh .

4:In alle lootoobadkeeno si dhab ah la iskuna dhiibo

Walaaleyaal kuwa sheeganayo mas,uuliinta maantana ku andacoonayo in aan maamul lasamayn iyaga oo mar marsiyo ka dhiganayo xorma ahan gobalada

Waxaan leeyahay dadka hajawareerinina hadad xalkeenaysaan 22sano ayaan idin dabataagnane godna aad nagu gurdayseyna, hadad kawaydeen dantiina dadka ka hortaga.

Shacabka rer jubbaland waxaan leeyahay war hoy nin xilrabo yuusan idin lugoynine fadhiga kakaca oo nadaam iyo maamul sanaysta nin mushaarqaatay ilmihiisa ayuu kukorsan laakiin nabada iyo nadaamka dadka oo dhan baa kunoolaado

Gudiga kacdoonka iyo Nadaam raadinta Jubbooyinka iyo Gedo

1:Col Hussein Mohammed Abdille  Bikolo

2:Eng Ali Jaamac Hussein Ali dheere

3:Nabadon Badal Ahmed Warsame

4:Abukate Abdikaadir Mohamed Tahliil

5:Dr Ahmed mohamuud Ilkadheere

6:Gudoomiye Maryan Sh cali

7.Nabadoon Gaboobe Cali hiirad

8.Ahmed Shirre C/laahi Taray

9:Nabadon C/rizaq Mohammed Barqadle  Kali

10:Dr sh Ahmed Ibraahim

11:Cabdicasiis ahmed Warsame Gudoomiya ururka dhalinyarada Denmark

12:Nabadoon Hundubay Caanood

13:Col, Cumar Xaashi

14, Dr Abdifitax Adan Timajilic

15, Sugow Faaqid

Intaas waa gudiga kumeelgaarka ee yurub .

Waad Mahadsantihiin

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com

Readers Comments (2)

  1. wil marehan says:

    asc walal ani wan idun ku taageersan nahay dhamaantiin rayigiina iyo taladad soo jeediseen lkn waxan filaya maanta in beesha sade oo dhan halrayi tahay waana lahubaa haday israacdo beesha sade in aay dhismayso jubaland guul ku wii guulaysta ale ha idin kadhigo

  2. Hulanji says:

    Salan kadib wa mahad santihin wa howl fican in ad dadkina dalakaba lo kaco markan arkay magacyadina waxba moda iney idinka maqantahay howshina iyo tabelehiina waa ok lkn magacyadi dadki sabarlooga juboyinka ee beesha ahaa kuma arko xiligana ma ahan xiliyadini ee iska hor mariya dadkii sabarloga idin ahaa oo ha idin hogamiyeen markas weey shaqeyneysa ma ahan xiligi xudumey sheq cali iyo ama cw iyo caqliga ha shaqeyo w/s wad mahadsan tihin




Muuqaal

. .