Buuhoodle (AGGM): Wararka naga soo gaaraya magaalada Buuhoodle ee xarunta gobolka Cayn ayaa waxa ay sheegayaan in Maanta magaalada Buuhoodle uu ka dhacay dibadbax balaaran oo ay isu gu soo baxeen bulshaweynta kudhaqan magaalada buuhoodle sida Culuma’udiinka, Waxgardaka Ururada Haweenka iyo madax katirsan maamulka khaatumo oo uu hormuud ka ahaa Madaxweynaha Maamulka Khaatumo Maxamed Yuusuf Jamac (Indho Sheel).
Dibadbaxan ayaa waxaa lagu canbaaraynayey hadal kasoo yeedhay Madaxweynaha Puntland Dr. Faroole Hadalkaas Oo Ahaa In Maamulda Somalialand Iyo Puntland Aygalayaan Heshiis Ayna dhici karto haday is afgartaan inay isla Go,ayaan islamarkaana Go,aan kaqaadanayaan Dawladda Federaalka Soomaaliya.
Hadalkan ayaa waxaa si kulul uga jawaabay Madaxweynaha Maamulka Khaatumo Mudane Maxamed Yuusuf Jaamac (Indha sheel) isaga oo sheegay in uusan Faroole matalin Umada Kunool Putland Shacabka Reer Putlana Ay Yihiin dad Jecel midnimada iyo wadajirka Soomaaliya .
Isaga oo siiwata hadalka ayuu Madxweynaha Khaatumo Mudane Indha Sheel waxa uu maah maah usoo qaatay “Dameerku Markuu Ciyo dadku Shaydaanka Ayay Iska Naaraan, Hadalka Faroolana waxa uu udhigan yahay Dameer ciyay, waxaana uu ugu Baaqay Shacabka Uu Usheeganayo inuu Madaxweyne u yahay Inay Shaydaanka Kanaaartaan Dameerka Ciyay” waa sida uu hadalka u dhigay Madaxweyne Indha Sheel.
Dhanka kale waxaa dibadbaxan mas’uulyiin fara badan oo ay kamid ahaa Agaasimaha Wasaarada Arimha Gudaha Ee Maamulka Khaatumo Maxamud Sheekh Cumar Isaga Oo Guubaabiyey Shacabka Reer Putland Inay Iska Qabtaan Waxii Nabdgalyadooda iyo sharaftooda wax udhimaya.
Isku soo wada duub oo hadalkan kasoo yeeray Madaxweynaha Puntland Faroole ayaa waxa uu caro galiyay dhamaan qeeybaha bulshada ee dalka Soomaaliya haba ugu badnaadaan kuwa kasoo jeeda deegaanada Puntland.
Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com