Saturday, May 25th, 2013

Maxamed Saalax Annadif ” Ragga U Dagaalama Falaagada Al Shabaab Waxa Ay Joogaan Puntland Iyo Somaliland”.

Published on February 2, 2013 by   ·   No Comments

maxamed saalax annadifAddis Ababa (AGGM): Danjiraha ururka midawga Africa u qaabilsan arrimaha Soomaaliya danjire Max’ed Saalax Annadif ayaa waxaa uu sheegay in dagaalamayaasha Al-Shabab ee ciidamada dawlada Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ka saareen gobolada koofurta iyo bartamaha Soomaaliya ay hadda gabaad ka raadsanayaan deegaano ku yaala maamul goboleedayada Somaliland iyo Puntland.

danjire Max’ed Saalax Annadif waxsaa uu sheegay in tan iyo markii c iidamada dawlada iyo kuwa AMISOM ay la wareegeen labada Shabeelle iyo Jubbooyinka ay keentay in cubnaha ugu sar sareeya Al-Shabab ay bilaabaan inay ka cararaan gobolada ku yaala bartamaha iyo koofurta Soomaaliya oo ay meelo kale gabaad u doontaan.

Danjiruhu waxaa uu sheegay in xog ay hayaan ay sheegayso in badan oo ragga Shabaab u dagaalama ah ay wadanka ka baxeen halka inta ugu badan ay tageen meelo ay ka mid yihiin degaanada ay ka jiraan m/mulada Puntland iyo Somaliland.
“Qaarkood dadka ayay ku milmeen qaarna meelaha ay mamul goboledyadu ka jiraan ayay tageen Waxaana isku dayayaan inay soo qaadaan weeraro dhumaalaysi ah” ayuu yiri safiirka Midawga Africa u qaabilsan arrimaha Soomaaliya. Max’ed Annadifi.

Qeybta sirdoonka ciidamada Midawga Africa ee AMISOM ayaa shaacisay in xubno ka tirsan Xarakadda Al-Shabab ay tageen deegaanada m/mulada Somaliland iyo Puntland si ay halkaasi weeraro uga soo abaabulaan.

Ciidamada dawlada iyo kuwa AMISOM ayaa Al-Shabab ka qabsaday gobolo ay muddo maamulayeen.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com

Readers Comments (0)




Muuqaal

. .