Ankara (AGGM); Qarax ayaa maanta ka dhacay bannaanka hore ee safaaradda Maraykanku ku leeyahay magaalada Ankara. Ugu yaraan 2 qof oo ka mid ah ciidamada ilaalada safaaradda ayaa dhintay.
Goobjoogayaal ayaa sheegayaa in qaraxan uu geystay qof isa-soo miidaamiyay.
Gaadiidka gurmadka deg-dega ah iyo shaqaalaha dab-damiska ayaa si deg-deg ah goobta uu qaraxu ka dhacay u gaaray.
Goobta uu qaraxu ka dhacay ayaa waxaa ku yaalla dhowr safaaradood oo ajanabi ah.
Sannadkii 2008-dii, saddex nin oo hubeysnaan iyo saddex boolis ah ayaa ku dhintay weerar ka dhacay bannaanka hore ee safaaradda Maraykanku ku leeyahay magaalada Istanbul.
Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com