Manchester United ayaa garoonkeeda Old Trafford waxa ay si sahlan kaga talaabsatay kooxda Fulham iyagoo ku dubtay 4-1 ciyaar ka tirsaneyd wareega 4aad ee FA Cup.
Man United ayaaba ciyaarta hogaanka u qabatay daqiiqadii labaad markii garsoore Clattenburg uu u dhigay rigoore markii Aaron Hughes uu kubad gacanta ku taabtay isagoo ku dhex jira diilinta ganaaxa.
Ryan Giggs ayaa u soo istaagay rigoorada islamarkaana gool u sarifay inkastoo goolhayaha Fulham uu raacay taabtayna kubada hadana ma uusan awoodin inuu celiyo.
Goolkaas rigoorada ah ayaana lagu kala nastay qeybtii hore ee ciyaarta.
Qeybtii labaad ayaa United ay fursad u heshay inay hogaanka geed dheer ku sii xirato, waxaana goolkii labaad u dhaliyay Wayne Rooney goolkaasoo mid qatar ah isagoo caawin ka helay Anderson.
Labo daqiiqo ka dib ciyaarta waxa ay noqotay 3-0, ka dib Chicharito ayaa markaana shabaqa soo taabtay ka dib markii Fulham ku guuldareysatay inay iska bixiso karoos ka kala yimid Nani iyo Rooney.
Daqiiqadii 66aad ayay United gool kale sii heshay, Hernandez ayaa mar kale shabaqa soo taabtay iyadoo kubadiisa ay ku sii dhacday Hughes, waxaana United ay si wacan uga faa’ideysatay daafacyada Fulham oo ciyaartii caawa ay u aheyd habeen xun.
Fulham ayaana gool soo ceshatay daqiiqadii 77aad ka dib markii kooner uu soo tuuray Karagounis uu madaxa la helay Aaron Hughes meel xun kubada ka geliyay shabaqa.
Guushaan ay Manchester United gaartay ayaa ka dhigeysa inay haatan u talaabeen wareega 16ka kooxood ee FA Cup.
Waxaana ay haatan isku diyaarin doonaan kulanka horyaalka ee ay bartamaha isbuucaan la ciyaarayaan kooxda Southampton.