ulka Algeria ayaa noqday xulkii ugu horeeyay ee koobka Qaramada Afrika ee si rasmi ah uga hara koobka, ka dib markii guuldarro 2-0 ah ay ka soo gaartay xulka Togo, waana guuldaradoodii labaad ee wareega group-yada.
Gool uu dhaliyay ciyaarta oo nusa saac socota Emmanuel Adebayor ayaa ka saaciday xulka Togo inay hogaanka u qabtaan ciyaarta. Waa goolkii ugu horeysay ee Adebayor uu ka dhaliyo koobka qaramada Afrika muddo 315 daqiiqo oo uu ciyaaray.
Qeybtii labaad ayaa Algeria ay la soo baxday ciyaar qatar ah laakiin waa ay ku guuldareysteen inay ka faa’ideystaan fursadihii ay heleen, iyadoo ciyaarta oo afar daqiiqo dhiman uu hakad ku yimid markii mid ka mid ah goolasha uu qalcooday, taasoo sababtay in la bedelo.
Laakiin arin yaab leh ayay sameeyeen maamulka ciyaarta, inkastoo ciyaarta ay ka harsaneyd afar daqiiqo xilligii hakadka la geliyay islamarkaana taas la dhameystiray waxa ay waqtigii dheeriga ah ku dareen 13 daqiiqo oo dheeri ah, halkii celcelis ahaan ay ka ahaan laheyd kaliya 5 daqiiqo, Togo ayaana heshay goolkeedii labaad daqiiqadii 4aad ee 13 daqiiqo oo ciyaarta lagu daray markii uu goolka u saxiixay Wome.
Togo ayaa gacanta sarre laheyd, waxaana ay haatan leeyihiin seddex dhibcood oo ay la wadaagaan Tunisia, halka Ivory Coast oo sidaan ku xaqiijisatay wareega 8da ay leedahay 6 dhibcood.
Algeria labadii kulan ee ay ciyaareen koobka qaramada Afrika waxaa soo gaartay guuldarro iyadoo kulankii hore ay guuldarro ka soo gaartay Tunisia, iyo haatan oo ay guuldarro ka soo gaartay Togo.
Inkastoo ay ka hareen koobka waxa ay kulankooda ugu danbeeya la ciyaari doonaan xulka iska sii xaadiriyay wareega 8da ee Ivory Coast.
Halka Togo ay u baahan tahay kaliya barbaro inay la gasho Tunisia si ay ugu soo baxaan markii ugu horeysay wareega 8da koobka qaramada Afrika, madaama ay ka goolal fiican tahay xulka waqooyiga Afrika.