Wakiilka Mario Balotelli ayaa weli ka rajo qaba in uu Balotelli ka tagayo Manchester City kahor inta uusan dhamaan xilliga suuqa.
Balotelli ayaan lagu soo darin kooxdii maanta ka badisay kulan ka mid ahaa tartanka FA naadiga Stoke waxayna taasi sii hurisay wararka la isla dhex marayo ee ah inuu weeraryahanka reer Italy sii joogayo Etihad Stadium.
Tababaraha City Roberto Mancini ayaa sheegay Jimcihii in Balotelli uu sii joogayo kooxda Man City inkastoo lala xiriirinayay kooxda AC Milan.
Si kasta ha ahaatee Madaxweyne ku xigeenka Milan Adriano Galliani ayaa albaabada u furay suurtogalnimada in Balotelli kadib markii uu beeniyay in Kaka iyo Drogba ay kooxdiisu la soo wareegayso.
“Kaka iyo Drogba 101% ma imanayaan Milan. Balotelli? Imaanshihiisa waa 99.9%…” ayuu Galliani u sheegay milannews.it
Waxaa jira warar sheegaya in Milan ay jeclaan lahayd in amaah ay kula soo wareegto Balotelli, balse wakiilka weeraryahankan Mino Raiola ayaa sheegay in kooxda City ay diiday in ay ku bixiso amaah.
“Runta ku saabsan Mario? Waa inaad weydiisaa dad kale sababtoo ah aniga kama hadli karo,” Raiola ayaa u sheegay Radio Deejay.
“Illaa laga gaarayo January 31, wax walba waa ay dhici karaan, waan fiirinaynaa. Kama hadlayno lacag waayo ma jiro wax cad oo hadda la hayo.
“Laakiin waxaan meesha ka saari karaa in amaah lagu qaadanayo Balotelli. Agaasimayaasha City ma aqbalayaan taas. Sababtoo ah waxaa loo soo bandhigay lacag dhan €40million (£34m) markii ay socdeen ciyaaryihiin qaramada Yurub.”