Weeraryahanka kooxda Barcelona Lionel Messi ayaa tababarka kooxda Barcelona dib ugu soo laabtay maanta kadib markii uu weeraryahankan reer Argentine ay kooxda ka walwalsanaayeen dhaawac yar oo soo gaaray.
Gooldhaliyahan jebiyey rikoorka goolasha ayaa laga saaray dhamaadkii kulankii ay 4-2 uga badisay Barca khamiistii kooxda Malaga waxana uu Messi ka maqnaa tababarka Jimcihii.
Balse 25 jirkan ayaa saaka garoonka tababarka dib ugu soo laabtay isagoo la qaatay tababarka kooxda waxana la sheegay in uu diyaar yahay oo uu ciyaari karo kulanka Axada ee kooxdiisu la ciyaarayso Osasuna.
Barcelona ayaa weli waxa ay hogaaminaysaa horyaalka La ligaha iyadoo u soo gudubtay kulamada Semifinalka ee tartanka Copa del Rey ee ah koobka labaad ee ugu qiimaha badan ee laga ciyaaro wadanka Spain.