Thursday, June 20th, 2013

Agaasimihii Idaacada Radio Kismaayo Oo Laga Soo Masaafuriyay Magaalada Kismaayo. *Dhagayso*

Published on January 29, 2013 by   ·   14 Comments

Xuuraan_KismaayonewsKismaayo (AGGM):Wararka naga soo gaaray Magaalada Kismaayo  ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose ayaa waxa ay tibaxayaan in uu soo dhamaaday muran iyo isqab qabsi ka taagnaa Idaacada cusub ee magaalada kismaayo.

Muraankaan ayaa waxaa uu u dhexeeyay  Agasimaha cusub ee Idacadaasi ee loga soo magaacay Magaalada Muqdisho iyo Suxufiyiinta ka shaqaysa Magaalada Kismaayo.

Waxaana qodobada ugu badan ee la isku hayay ay ahaayeen in Agaasimaha cusub  ee idaacada Radio Kismaayo loo soo magacaabay si qaldan oo aan waafaqsanayn Dastuurka Fedaraalka Soomaaliya.

Ayadoo magacaabitaan ay ka biyo diideen  Suxufiyiinta Kismaayo ka howlgali jiray oo sheegay in aysan marna diyaar u ahayn in ay ka shaqeeyan Idaacada cusub ilaa laga badalayo Agasimaha idacadaasi.

Muran iyo isqab qabsi badan oo ragaadiyay hoowl maalimeedki Idaacada Cusub  ka dib ayaa waxaa Maamulka Magaalada Kismaayo u go,aan ku gaaray in  Agaasimahii Idaacadi Kismaayo laga masaafuriyo  Magaalada Kismaayo.

Col. Yasiin Nuur  Gaas  oo ah Gudoomiye kuxigeenka Maamulka Kismaayo  oo saaxaafada la hadlayay ka dib Musaafurinti Agaasimaha  ayaa waxaa uu sheegay in Maamulka Magaalada Kismaayo uusan marnaba u dulqaadan doonin cidii isku dayda in ay qalqal galiso Amaanka Magaalada Kismaayo oo uu dhiig badan u soo daatay.

Agaasimihii la musaafuriyay  oo xalay  ay waraysatay Idaacada Dalsan ee magaalada Muqdisho asagoo ku sugan  garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Muqdisho ayaa waxaa uu diiday in uu wax faahfaahin ah ka bixiyo waxa sababay in Magaalada Kismaayo laga masaafuriyo.

Isku soo wada duuboo waxaa shalay soo dhamaday muranki ka taagnaa Idaacada cusub ee Magaalada kismaayo  waxaana  Suxufiyiinta Magaalada Kismaayo ay hada ku mashquulsanyihiin  doorashada Agaasimaha  Cusub ee Idaacada Radio Kismaayo .

——————————–

Maxamed Cabdi
Kismaayo-Somalia

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com

Readers Comments (14)

  1. suldan sayid says:

    ninkaa dhinyarada ah hadii ay suxufiyiitnu diidanyihiin dhib maleh ayaga ha iska doortaan dhexdooda saxafi ay is fahmi karaan
    oo idaacada si daacadnimo leh ugu shaqayn kara
    teeda kale wax kasta yaan loo fasiran qabiil iyo qurun arintaan suxufiyiinta jubooyinka ayeey utaala

  2. mahamed says:

    walal aad baad oogu mahadsantihiin sida kooban eed warka u soo tabisaan, balse walalow dadka jubooyinka wada’dagan waa dad walaalo’ah. dabka kadaaya una hadla si dadka ay isagu soo duubmaan loona sameyo mamul waara oo dadka Gado iyo Jubooyinka gaadhsiiyo nolon waarto iyo awood muuqato. waxan lahadla yaa warsidaha allgalgaduud.com
    Mahad sanidiin.

  3. kunladirir says:

    ninkaas yaan lagu mashquulin

  4. wil absamre says:

    asc wll wad mahadsantihen sas halo delitiro arimahaa

  5. ahmed hussein says:

    saaxiib hadii la aryo ninka aad sheegaysid ma adigaa nin u magaaabi kara?.ogow waxaad qoreyso waa ceeb nin wariye ah waxaa ma qoro. Waxaad u hadleysaa sidii Muuse yalaxow oo kale. ee waxaad joogtaa Caabudwaaq ee waxba kaa galin Kismaayo ee cagadhigo.

  6. goobwayn says:

    asc all galgaduud ku ekoow gal gaduud beentana naga daaya waayo beentu waxba kuutari mayso collaadna waad ku hurin war islayaab oo waxaad qorqyso waxuu dhibaato ku yahay qabiilka aad sheeganayso waa hadii aad ru sgeegayso
    war armaad dhimataa adigoo jiran oo kismaayooy leh .

  7. saalax says:

    kkkkkk
    ninkan agasimaga ku sheegayso waa jabhadii bare hirale ka kaxaystay cabudwaaq dadku wayla socdaan hadalka hadii aad u qortay reerka meel gaar ah ayaa lagu qoraa waayo waxaad qortaan adiga iyo allgedo labaduba waa tullaa ayay tullaa ayay sidaas weeye ee meel gaar ah ku qorta hagalinina warka khaaska ah intenat keeh

  8. Cabaas says:

    Ninkaan la masaafuriyay wuxuu ka tirsanaa radio jigjiga. waligiis Somalia ma imaan hadda kahor wasiirka ayay jifo isku yihiin,marka waa sax in loo masaafuriyo wadankiisii

  9. hanad says:

    waa iga talo dadkiina dhinac ka raaca maanta talo ma haysaan soomaali nin walba tashay marka dadkiina iyo deegaankiina ayaa idiin baahan dhuusamareeb iyo galinsoor ayaa maant u baahan in aad ka hadashid

  10. wil marehan says:

    kkkk sxb dee waad aragta sida looga masaafuriyay ninkii isku sheegay in uu yahay agaasimaha kismaayo kuwakalena oo hogaamiyo axmed doofaar madawbe ayagana saas oo kale baa loo masaafuri doonaa waa yaab ogaadeen cagdheer dhulkoodii baa gumaysti haysta ee may udiriran waa ayaga ku soo yaacaye kismayo

    • sharaf says:

      WAAN QOSLAA MARKAAN AKHRIYO WEBSAYADA MAREEXAANKA waa inay ka bilaabaan boga hore kismaanyo bal maxaa kismaanyo ka galay waabaa inta hawiye ay raaceen bay qabsadeen say waxay u maleeyeen in saas dhul lagu helo bal fiiri ninka qoray wuxuu leeyahay yaasiin indho raadeer baa masaafuriyey oo yiri loo dulqaadan mayo oo dawladu waafadaraal misna wuxuu leeyahay ninka la masafuriyey waa ogaadeen marka macquul ma tahay in kismaanyo nin ugaadeen mareexaan ka masaafuriyo walaahay anigu inaan ahayn ugaadeen inkastoo aan ehelnahay laakiin waxaan kula talinayaa mareexaan inaydan waqti isaga lumin kismaanyo mana suuroobayso inaad xamed madoobe u khatashan sidii ina afgaduuud waagii cabdulaahi yuusuf taas waa laga foojigan yahay

  11. xalimo says:

    walahi waa idiin jeedaa dagala inku cusub kow dheh waxadse guran doontaan miraha aad ka heshaan hadii qabiil wax yahay 22 sano aya nin guul ka gaaray la arki lahaa waa taas soomali tusbax daatay noqotay war hooya wax isku fala ilaah ka baqa oo ogolaada maamulka in aad si cadalad u sameysataan ogaada maato iyo agoon nin curyaan ah ayaad ku tumaneysiin aaway dagaal ooge oo idil dhulka hoostiisa ayuu jiraa kii noolna rajo kuma noola waa danbiile xag aakhiro iyo aduunba iska daaya qabiil dowladnimo ayaa sharaf leh qofka haduu runta kuu sheego ma aha in la dhaho reer hebel ayuu la jiraa ani talo ahaan waxan idin leeyahay wax ha la barto si aad u ogaatan xaqaaga iyo xaqa walaalkaa tan kale hadii magaalan qabiil kalia qabsan karo waxa marqaati ma doonto intii ay gacankale ku jirtay iyo sidey u adkeyd qolo furato markii lays kaashadayna waad u jeediin joojiya qilaafka heshiya isska daya reer reer ku doorta qofka wanagiisa iyo aqoontiisa jifo ma shaqeyneyso forever xata hadii ay hesho kuma raxaysana xaqa hala qadariyo ilaah ka baqa waxa imaan doonta yoomul xisaab qof waliboow kheyr ka shaqee iska daa cudurka laabta kaga buuxa waxan nahay wiil iyo abtigii naag iyo ninkeet hooyo iyo wiil keed ha leys guursado si maslaxo u dhalato qilaafka joojiya

  12. kulmiye says:

    aniga waxey ilatahay nimanka iskaleh allgalguduud iyo kimanyo24 qabiil kinana dhiigad ku kariseen waxad ugur baan tumeysana mesha mayaalo moorgan iyo cabdi qaasin beey ahaa yeen niman kii idin quudin jiray iyagiina beertey galeen marka dadkina dhinac karaaca

  13. Xog-ogaal says:

    Dawladdu waxay idaacadda u keentay in ay ku kala bur buriso Maamulka Jubooyinka, oo loo arko in Maamul xoog leh sida Puntland in uu ka soo baxayo.

    Waxayna isticmaalaysaa koox ka tirsan Gedo. Madaxwaynuhu Hiiraan wuxuu dhahay Maamul samaysta, Jubooyinkana wuxuu yiri, ” Dawladda baa maamul u dhisaysa”, mar kalena wuxuu Madaxwaynuhu yiri, “Jubooyinka 4.5 ha loo qaybiyo”.

    Waa arrin cajiib ah, Muqdisho oo Magaalo madaxdii ah lagama maqal 4.5 ha loo dhiso.

    Ninkani waa dagaal ooge qarsoon oo ciishaysan.




Muuqaal

. .