Wednesday, June 19th, 2013

Maamulka Jubbaland Ma IGAD Baa Yagleelanaysa Mise Soomaali?

Published on February 21, 2013 by   ·   10 Comments

MaqaalMaqaal: Waxaa ah su’aal isweeydiin mudan maamulka Jubbaland ma urur goboleedka IGAD baa yagleelanaya Mise Soomaali?

Dadku waa inuu fahmaa ujeedka dhabta ah ee ka dambeeysa baroordiiqda iyo qaylo dhaanta urur goboleedka IGAD ay ku doonayaan inay ku dhistaan amaba ku yagleelaan maamul ay iyaga sameeysteen si beri uu u noqdo maamul ku adeega danahooda iyo qadiyadahooda.

Marka qadiyada maamulka Jubbaland laga hadlana macnaheedu ma uu aha in dadka iyo dowladda Soomaaliyeed ay diidan yihiin in maamul loo sameeyo deegaan ay ku nool yihiin dad Soomaaliyeed ee macnuhu waxa uu yahay ma yahay maamulka la yagleelayo mid dadka Soomaaliyeed u dhan yihiin? mase yahay maamul u adeegaya maslaxada iyo qadiyada Soomaalinimo?

Maamulkan hadda la sheegayo in lagu yagleelayo magaalada Kismaayo ma uu aha mid dadka u dhan yihiin kuna shaqeenayo qadiyada iyo maslaxada ummada Soomaaliyeed, hadii la yagleelana waxa uu noqon doonaa mid u adeega dad iyo dowlado shisheeye cidii doontaba madax haka noqoto’e waana in laga hortagaa inta ay goori goor tahay.

Haddaba shacabka Soomaaliyeed meel walba oo ay joogaan waa inay sida ugu dhaqsiyaha badan u kacaan unna muujiyaan moowqifkooda iyo dareenkooda ku aadan maamul u sameeynta Jubbaland oo aad hadda moodo taladeeda in ay tahay mid aan dowladda iyo dadka Soomaaliyeed gacantooda ku jirin.

Gabagabadi walaalaha Soomaaliyeed ee dega gobolada Jubbooyinka iyo Gedo hadii ay doonayaan inay sameystaan maamulka Jubbaland waa arin wanaagsan waana la soo dhaweenayaa ee waxba yeysan ka cararin dowladda iyo dadka Soomaaliyeed ee ha u soo cararaan, waana inay ogaadaan Soomaaliya waxa ka shaqeenaya oo qurra waa dadka iyo dowladda Soomaaliyeed waxa ay doonayaan ee kama ay shaqeenayaan wax ururka IGAD soo dhoob dhoobtay.

Wabilaahi Towfiiq

Cabdi Cabdulaahi Cismaan
Kismaayo, Soomaaliya

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com

Readers Comments (10)

  1. Sade_Jubalander says:

    Allgalgaduud your opinion does not matter. I am sorry but we the Sade people support and welcome Jubaland state of Somalia. After all it’s us the Sade people that started the project, and it will be us that will finish insh’Allah. Guul Jubaland guuleysta Raadeer or Aw-Liibaax for Jubaland president

  2. Garaad Wiil waal says:

    Allgalguduud way cadahay inaad u adeegaysaan xasan sheekh culusow iyo oday xaad balse ma iswaydiisay iyagu waxay kuu dhisi karaan, war hoy umada colaad ha u horseedina jubaland dadkeedu way tashteen hawiye dadkiisa maamul ha u sameeyo iyagaa nidaam iyo maamul diidee adna maamul noocaad rabto xaad iyo mooryaantu ha kuu sameeyaan.

  3. Sahal says:

    Daarood caada qaate laga waayi maayo. Allgalgaduud durbaan ayaaa lagaa dhex tumayaa, waxaaan kaa dhex dhaawaaqaya Xaad iyo Diiriye, sababtoo ah waxaad ku hadlaysaa fikirkoodii.

    Adeer beesha Sade kow ayay ka tahay maamulka Jubbaland, ee adigu orod oo Saleebeen iyo Cayr ka kici dhuusa mareeb iyo Galinsoor, waana la wada og yahay in magaaladii Caabudwaaq hawiye iyo Dir qarka u saaran yahay, oo ay khatar ugu jirto inay la wareeegaan.

  4. Geeel Qaaad says:

    @ allgalgaduud odhaahda ciwaanka saxa afsoomaligi baad kuciyaarteen yaa qorey ciwaanka ?? Horta jubalan umaydaan dhalan idinka ee maad caabud waaq ka hada shaan ree gedo ayay utalaa how shan

  5. puntlander says:

    kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk allgalgaduud waan layabanahy nimankan waan oaganahy meesha ayka gubanayann waa raysalwasaraha saacid oo aan lagala tashan xasan culusowna ugu goojiyey inu xilka ka qadayo oo siinayo isaaq because dadkisi ka tashaden oo uusan waxa taagero ah kahaysan oo jubooyninka aan lagalatshan marka sidasa ka hadlisiin adr mareexan waa dad xalaal shakhsina uma adegan dantooda iyo kan umada soomliyeed ayey u adaegan

  6. dalal diini says:

    Maqaalkaan waa maqaaal aan ku diirsadey ahna mid cabiraye Siyaasada Regional/Geo Politidal ka Geeska Africa.Shacabka qiiradu hayso Qaasatan dadka kasoo jeedo Gedo j/dhexe j/hose oo ay Qaasatan quseyso arimaha dhulkaas waa iney is weydiiyaan sababta ama maslaxada Ethiopian iyo Kenya u daneynayaan maamul ka curta deegaankaas oo waliba ay waa labadas dowladeede ay ku kala aragti duwan yihiin Politicly.Waa su aal jawaabteedu fudu tahay hadii caqliga caafimaadka qaba la tixraaco Caqligii wareersanina ay maskaxdiisu daalineyso!!

  7. wadaad yare says:

    Maqaalkaani waa mid xaqiiqo ka hadlaya,laakiin dad qiiqo qabiil heyso wax lama fahamsiin karo. Nasiib darrada jirta ayaa waxey tahey in dowladaha deriskaa noogu soo ganbadeen qabyaaladda oo ah baasiin iyo tarraq is ag yaalla. Haddaad is waasho waa la isku daarayaa adigaana ku gubanaya!

    Haddii la aammusana waa af sallax ku dheg, haddii la hadlana baasiinka iyo tarraqii way is ag yaallaan!

    Ra,iisal wasaaraha ayaa markaan uga habboon madaxweynaha inuu arrintaan soo faro geliyo,laakiin isagana caqabado la mid ah kuwa madaxweynaha heysta ayaa kolley heysta oo uusan arrintaan waallidaa uga hadli karin.

    Waan sugeynaa kolley cidda ugu horreysa oo baasiinka iyo tarraqa la is ag dhigey ku gubata,laakiin in lagu gubanayo shaki ma leh.

  8. buraale says:

    run tii wxaan aad u salamayaaqofkastaa oo soomaliah oo isu dheli tiran yahay garadkiisa iyo cumrigiisa wa xaanka soo joodaa dagana jubooyinka qaastan gado waxaan xasuusinayaa daadkaisku daalinayojubolan iyogado aderr daad kii lahaa baa u tashay waana kuwii waligood dufaacooda utaagnaa may yaay kal tashanyaan kiisoowerarijiray walee waa yaab runti rabi baa jecel tan waa istaag tay qofkii hor istaagana dee somali waa is taqanaa waxaa loo laaban 1991 taraaqdaa dhigayso bare hiiraale waa looyeri moorgana waaloo yeeri marka daad ka daciifka ha hadalleen lakiin waxaan ogay siinayaa qofkastaa oo dhashay sade waankalnoqonay kalsoonidee allgalgaduud waayo saaka waxaan ubaahnaan tageero saxaafadeed tiibaan ka waynay marka nin walaalkii iihiliyiri hoog alaa baday bareiyo mooranwasiir nimo lasiin madaama ay yihiin ragii utaagnaa dufaaca dhulkaas guul daad ka la daga mareexaan iyo ogaadeen haday daad kooda dhinacka raacin dee iagaa is ognadaam kaa qabanaayo

  9. wil marehan says:

    kkkk sxb to geel qaad adi soo ma ogid in uu kasoo jeedo axmad madobe ethoipa rer cabudwek waa dad soomaliya udhashay taariiq dheerna kule somalia jubaland iyo galgaduud soomaliya bay kuwada yaalaan ee ninka ethiopa kayimid dhulkiisa ha ulaabto oo gumaystaha haysta haka kiciyo ogaadeenkii 1977 kii ku mid soomaaliya qaxootiga miya maanta raba in uu noogu taliyo dalkeeyaga hooyo adeer qali laawe bad tahay orod dalkaakii iyo dadkaagii gumaystaha kaxoree

  10. Geeel Qaaad says:

    Wiil ilkayar jubaland anigaa kuuyeedhin taariikhna haceebenin taarikhba malihid degaana malihid waa horaa laga faramaroojiyay axmed islaam hadu ogaadenya kayimid ma ma aduu kala shan juboyinka waa degaankiisi ilaahay baa kuberay meel walba dadkaadi maanta way gubanayaan colaad baad galisay gaajay lagolongolayaan ee wax qabso tan anaa katalin ama waad ka haajiri




Muuqaal

. .