Thursday, May 23rd, 2013

Qaban-qaabadii Ugu Danbeysay Shirka Maamul U Sameynta Jubbooyinka Oo Ka Socota Magaalada Kismaayo.

Published on February 21, 2013 by   ·   9 Comments

top newsKismaayo (AGGM): Wararka naga soo gaaraya magaalada Kismaayo ayaa waxa ay sheegayaan in xiligan khilaaf xoogan uu ka taagan dhimaha maamul loo sameeyo gobollada Jubboooyinka iyo Gedo, ayaa haddana dhinaca kale magaalada Kismaayo ee xarunta gobollka Jubbada hoose waxaa ka soconeysa qaban-qaabadii ugu danbeysay shirka maamul u sameynta gobollka Jubbooyinka.

Wararku waxa ay sheegayaan in saacadihii ugu danbeeyay magaalada Kismaayo ay buux dhaafiyeen ergo ka kala socta gobollada Jubbooyinka iyo Gedo, kuwaasoo doonaya in ay ka qeyb-galaan shirka la filayo in labo cisho kadib uu halkaa ka furmo.

Ergada la filayo in ay shirkaasi ka qeyb-gasho ayaa loo qoondeeyay in ay noqdaan ilaa 500 oo ergo ah, iyadoo magaalada Kismaayo ay yeelan doonto 70 xubnood, halka degmooyinka kalana la sheegay in ay ka kala iman doonaan min 25 xubnood.

Ergada ilaa iyo hadda gaartay magaalada Kismaayo waxaa la sii dajiyay dhismaha Jaamacada Kismaayo oo ah goob amaankeeda siweyn loo adkeynayo, iyadoo halkaa laga dhisayo teendhooyin faro badan oo loogu talagalay in ay ergadu ku shiraan.

Wararku waxaa ay intaa ku darrayaan in magaalada Garbahaarey ee gobollka Gedo ku sugan yihiin ergo ka socta shirka maamul u sameynta gobollada Jubbooyinka iyo Gado oo doonaya in ay maamulka iyo bulshada gobollka ku qanciyaan in ay shirka ka soo qeyb-galaan.

Iyadoo intaa oo qaban-qaabo ah la wado ayaa haddana waxaa muuqata in dowladda Soomaaliya ay ka biyo diidan tahay sida ay wax uga socdaan magaalada Kismayo, islamarkaana uu farqi weyn u dhaxeeya dowladda iyo maamulka KMG ah ee ka dhisan Kismaayo kaa oo uu horkacayo Horjoogaha jbahada Raaskambooni Axmed Madoobe.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com

Readers Comments (9)

  1. Geeel Qaaad says:

    War caydu waa maxay maxaad ku diidantahay in maamul laga hirgaliyo jubaland?? Waa guul usoo hooyatay shacabka deegaan ku nool

  2. Kkkkkkkkkkkkkkkkk says:

    Kkkk sxb iska caytan adi yaanan ku arkin bari adoo u nacablaynaaya

  3. Kiii says:

    @silig caytan AMA daah 3 dan gobol waa lagama maarman inay maamul helan! Maxaa Somali o dhan ka qaylisiiyay? Waa xaasidnimo Marka u niiki cadowgaaga!

  4. puntland boy says:

    asc wr wb adeer caydu waa ceeb qofkasta iyo gobolkasta wuxuu xaq u leyahay inuu ka tashado mastaqbalkiisa iyo haayaha fog aniga waxa ay ila tahay somalia waa dagalantay waxana laysu dilay qabiil xalka keliya ee lagu heshiin karo waa fadaraal iyo in qofkasta dhisto dhulkiisa adeer marka somalidu waxa ay ku mah mahdaa habar guskujira waxa ay ka hadasha waa row row wiilka caytamaya hadalkiisu waa row row

  5. Garaad Wiil waal says:

    Sheekadii ma waxay isku badashay in cay iyo aflagaado lagula dul kufo masuuliyiinta maamulka Jubaland iyo qoraaga mareegtan allgalguguug. Cajiib caydu waa calyo !!!!!

  6. goob wayn says:

    salaan kadib walaal nika caytamaya caqligii buu hadlay marka kaas oo kale looma baahna illah hanaga saaro saaxiib jubbaland waa dhisi waana la dhisi ama dhimo ama is qarxi

  7. Allgalgaduud Media says:

    Fariin Ku Socota Dhamaan Akhritayaasheena Qoraalada ka Dhiibta Fikirkooda Comments-ka.

    Fadlan caayda qaawan iyo gafka waa ka reeban tahay Comments-ka fikirkaaga dhiibo adoon shaqsi ama shaqsiyaad u gafeyn adoo ixtiraamaya amaba dhowraya Dhamaan dadka intiisa kale ee kula wadaaga akhriska qoraalada amaba Comments-ka.

    Qofki isku daya inuu u gafo amaba caaya shaqsi ama shaqsiyaad waxaanu ka qaadeynaa talaabo uu dib danbe ugu soo booqan karin shabakada Allgalgaduud Media.

    Mahadsanidin

    Maamulka Allgalgaduud

  8. abdi faarax says:

    Kismayo wa malago somaliyed nin ama qabil wax madhisi karan. Ee ha iska ilowan waxan dowlada somaliya somarin an sax mahan ee waqtiga ha iskaga dhu minin ayan leyahay waxa wado shirku shega an danaha umada dagan ana raliba ka ahen wa shinbiryow hesa wa in ey hostagan xasan shekh maxamud jalle

  9. PUNTLANDER says:

    @ Abdi faarax, caqliga alla kaaqaad, saa kaaba qaadyee. Soomaalida aad sheegayso sow kuwa guryahanagii Xamar xooga ku haysta maaha? ma ajaanib baa guryahayagii ilaa hada xaaraan ku degen? saaxiib soomaalinimada dad baa waa hore god ku ridey ee bal aan aragno ninkii wanaag ka dhaxla.




Muuqaal

. .