Tuesday, June 18th, 2013

Midkeebaa Degaankiisu Mahadiyey? W/Q.Suldaan Ali Abdulahi Hassan

Published on February 19, 2013 by   ·   2 Comments

midkeeWaxaan marnaba laga maarmin in lasoo bandhigo waxtarka & Dib-udhaca ay layimaadaan shaqsiyaadka Maanta Bulshadeenu Utaqaan Taajiriinta,waana Munaasab in midwalba kan kale Masawir looga Qaado si uu ugu daydo una anfaco marka hore  Degaanka uu kasoo jeedo.

Waxaana Qormadeena isku bar-bar dhigaynaa Labadan Hantiile ee kasoo kala jeeda Gobolada ,Togdheer,& Galgaduud waana Abdirashiid Mahamed Duale (Dahabshiil) iyo Ahmed-Nur Ali Jimcale (Maryacade).

Hadaba Labadan dhalinyarada ah ee hantidooduna kubeegan tahay xiligii Bur-burka hadana noqday Jirde & Uunlaaye ayaan Qormadan magacdarnay midkeebaa degaankiisu mahadiyey, waxaana is bar-bar dhigaynaa labada degmo ee ay kasoo kala Jeedaan ee ah Magaalada Ceelbuur iyo Burco, Magaalada Burco ayaa waxaad kaheli kartaa Warshado waxsoosara,Airport ay Diyaaraduhu kudegaan,Goobo Caafimaad, xarumo lagu xanaaneeyo Dadka xanuunada kala duwan qaba iyo goobo kale oo u Muhiim ah Nolosha Bini,aadamka.

Dhinaca Magaalada Ceelbuur hadii aan fiirino waxaad kaheli kartaa isgaarsiin Ganacsiyo Yar-yar,waxaana kamaqan dhamaan Waxayaabaha ay u baahanyihiin bulshada kudhaqan degaanadaas, waxaana usii dheer cadaadiska & dhibaatada Kooxaha aan Naxariista lahayn ee degaanadaas gacanta kuhayey Mudo kabadan 5 sano, Ciidamdii ugu horeeyey ee halkaas tagana waxaa Amarkooda bixiyey Sheekh Ahmed Ali Jimcale.

Hadaba isbar-bardhiga labada Tijaar wuxu noqday mid posative ah iyo mid negtive ah sababtoo ah waxaan tusnay  bulshada Shaqsi kastaahi sida uu u fekeray ayey noqotay natiijadii laga dhaxlay.

Waxaana faraynaa hantiile kastaahi inuu dadkiisa waxqabad Iyo daryeelkooda uusan hagar gelin, Waxaana xasuusinaynaa dadka reer Ceelbuur inuu sheekhu maalgelin u samayn doono waqti Dhow hadii eebe karaali noqdo.

Waxqabadka dadkaadu waa muhiim, hantidaaduna wey dhamaan xilikastaba hagaartee.

Suldaan Ali Abdulahi Hassan
Shacbaan5@hotmail.com

Fiiro Gaar Ah: Qoraalkan Waa Fikirka Qoraaga Marnaba Kama Turjumayo Fikirka Shabakada Allgalgaduud Media, Waxii Dhaliil Ah Amaba Amaan Ah Kala Xiriir Emailka Qoraaga, shacbaan5@hotmail.com

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com

Readers Comments (2)

  1. Shiine-shaam says:

    War doqonkaan ilka weyn sidii dameerkii ma reer burco ayaad dabada u dhaqdaaa nacasyahow adigaba galdaguud waadba ka soo jeedaa ceelbuurna xuduntaadaa ku xaabalan blse waxaa ku haayo waa cudur aan dawo lahyn ee allah s.w.t ka cabso waa la dhimanaaye,suldaana matihid suldaanka beeshana waa c.qube. Ee adiga yaa ku caalemo saarty waa su’aale?? Mise markaad xildhibaan somaliyeed ku hungoowday ayaad suldaannimo ku riyooneysaa malin cadq,ilka weynow alle ka cabso nin ku dhalakara misana adeerkaa ah sharaftiisa meel ha uga dhicin isku xishood,labada tujaarna waa labo bini aadan waxbana isagama duwana waana waa walaalo adiguna waxan ku dhihilaa,ina ad ku mashquuli layhd ceebaha dadkale waxaa ku fiican in aad adiga ceebahaaga ku mashquusho, walaalow IS XISAABI INTA AADAN LAGU XISAABIN,.

  2. saadiq says:

    kkkkkkkk
    war lagu qoslo oo runta kafog weeyey hadalkaasi! anigu labada nina ma aqaan laakiin labada shirkad waxaa danta umada ufaa”iidayn badan ninka aad leedihiin jimcaale ama x barakaat haddana isgaarsiinta leh
    waxaa kashaqeeya shirkadiisa ugu yaraan 1000. qof oo soomali ah waxaa nin walba kuhoosnool dadkiisa sidaas dartiid ilaa 20 kun oo qoys oo soomali ah ayuu shaqo ama biil usameeyey waana mahad sanayahay.

    ninka dahabshiil laaluush kasoo qaatay oo warkaan soo dhigayna waxaan leeyahay burco warshadaha kafuran dahabshiil iskama lahane waxaa leh dadka dagan wuxuu iska leeyahay warshadda lacagta xawisha iyo isgaarsiin uu hadda quja qujaynayo kkkkk bye.




Muuqaal

. .