Qaahira (AGGM): Jaamacada carabta ayaa dhinacadeeda taageero baalaran u muujisay dadaalka dowladdo badan oo uu Mareykanka ku jiro ka geysanayaa sidii loo qaadi lahaa xayiraada dhinaca hubka ee saaran dowladda Soomaaliya.
Shirka ama kulanka baarlamaanka Jaamacada carabta ee magaalada Qaahir ayaa laga soo saaray qoraal ama warbixin ugu baaqaya gollaha amaanka QM in ay sida ugu dhaqsiyaha badan uga qaadaan dowladda Soomaaliya cunaqabateynta ama xayiraada dhinaca hubka ee saaran.
Taageerada Jaamacada carabta ee la xiriirta dadaalka loogu jiro sidii loo qaadi lahaa xayiraada hubka ee saaran Soomaaliya ayaa la oran karaa waa mid sii xoojineysa culeyska gollaha amaanka lagu saarayo sidii ay deg deg arintaa go’aan uga qaadan laheyd.
Golaha ammaanka ayaa todobaadkan la filayaa inuu go’aan ka qaado cunaqabateynta hubka ee saaran Soomaaliya, kaasoo sanadii 1992-dii lagu soo rogay.
Dowladda Soomaaliya ayaa marar badan dhinaceeda ku cel celisay sida loogu baahan yahay in la qaado cunaqabateynta dhinaca hubka ee saaran Soomaaliya si dib u dhis xoogan loogu sameeyo ciidamada qalabka sida.
Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com