Caracas (AGGM): Madaxweynaha dalka Venezuella Hugo Chaves ayaa dib ugu laabtay dalkiisa ka dib markii in ka badan laba bilood cudurka kansarka looga daweynayey wadanka Cuba.
Madaxweynaha ayaa dib ugu laabtay magaalada Caracas sida lagu xaqiijiyey barta Twitter-ka ee madaxweyne Chavez.
Qoraalkiisa ayuu ku yiri mdaxweynuhu Halkan ayaa la igu sii daweyn doonaa, Hogaamiyaha Venezuela ayaa bishii December lagu qalay magaalada Havana ee wadanka Cuba, qaliinkaas oo socday muddo lix saacadood ah ayaa ahaa kiisii afaraad tan iyo markii la ogaaday inuu qabo cudurka Kansarka bartamihii sanadkii 2011kii.
Heerka kansarka uu qabo Chavez iyo nuuca uu yahay ayaa ah mid qarsoon oo aan la shaacin. Bishii January ee sanadkan ayaa ku xigeenkiisa Nicolas Maduro waxa uu ku tilmaamey xaaladda madaxweynahu inay tahay mid wanaagsan.
Kansarka haatan laga daweynayo Chavez ayaa dib loogu arkay bishii October ee sanadkii hore ka gadaal markii uu ku guuleystay in markale dib loo soo doorto.
Waqtigaa ayaa madexweyne Chavez waxa uu ku xigeenkiisa Maduro u magacaabay inuu xilka madaxweynaha sii hayo ilaa iyo inta uu shaqadiisa uga soo laabanayo.
Isha Ku Hay Allgalgaduud media
allgalgaduud@gmail.com