Wednesday, June 19th, 2013

Dowladda Kenya Oo Beenisay In Ay Wada Xaajood La Galayso Falaagada Al Shabaab.

Published on February 18, 2013 by   ·   No Comments

Colonel Cyrus OgunaNairobi (AGGM): Dowladda Kenya ayaa ku dhawaaqday in aysan wax wadaxaajood ah la gali doonin Maleeshiyaadka falaagada Al Shabaab ee ku biirtay ururka al-qaacidda.

Afhayeenka ciidamada wadanka Kenya  Cornel  Cyrus Oguma ayaa sheegay in ay marnaba maleeshiyada kooxda Al Shabaab la galeen wax wada hadal ah.

“Ciidamadeenu waxa ay galeen Soomaaliya kadib markii ay al shabaab ka fuliyeen weeraro fara badan gudaha wadanka Kenya  taas oo saameysay nabadgalyada Kenya iyo dalxiisayaashii imanjiray wadanka oo marar badan falagada Al Shabaab ay ka soo afduubteen gudaha dalka” ayuu yiri afhayeenka.

“Dawladda kenya waa uu cadyahay mowqifkeeda ku aadan argagixisada mana badalayno waana in aanan marnaba la galaynin wax wada hadal ah, hawlgalkeena aan Soomaaliya ku joognana waa uu u dhaw yahay inay soo afjaranto argagixisada, waxa ay sii wadaa in ay banayso goobihi ay hore u haysteen” ayuu markale yiri afhayeenka.

Maleeshiyada falaagada Al Shabaab ayaa horay u sheegtay in ay dileen askar Kenyaan ah,balse bayaan ka soo baxay maleeshiyada ayaa waxa ay ku sheegeen in ay haystaan Shan ruux oo u dhalatay wadankaaasi balse dowladda Kenya ayaana ka dabcin mowqifkeeda ku aadan in aysan wax wada hadal ah la galeen kooxda shabaab.

Ciidamada Kenya waxa ay  soo galeen Soomaaliya sanadii 2011 waxa ayna qeyb ka qateen hawlgalo fara badan oo al shabaab looga saray goobo ay gacanta ku hayeen oo katirsan gobolada jubbooyinka.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com

Readers Comments (0)




Muuqaal

. .