Peshawar (AGGM): Ugu yaraan afar ruux ayaa ku geeriyootay weeraro lagu qaaday xafiisyada saraakiisha dowlada iyo kuwa gudoomiyaha magaalada Peshaawar ee waqoyi galbeed dalka Pakistan sida ay xaqiijinayaan saraakiisha dowlada Pakistan.
Weerarka ayaa la sheegayaa inay ku qaadeen halkaasi ciidamo hubaysan oo looga shakisan yahay inay yihiin dagaal yahanka hoostaga Al qaacida.
Ma jirto cid sheegatay wali weerarkaasi masuuliyadiisa ee goor dhow lagu qaaday xafiisyada saraakiisha kala duwan ee dowlada Pakistan ee Magaalada Peshawar.
Dowlada ayaa sheegtay inay uga shakisan yihiin weerarkaasi inay fuliyeen dagaal yahanka Daalibaan ee dalkaasi kuwaasi oo horay weeraro sidan oo kale ah uga fuliyay gudaha wadanka Pakistan.
Qowmiyada Shiicada ee magaalada Quetta ee dalka Pakistan ayaa maanta sidoo kale diiday inay duugaan maydka 84 ruux oo shiico ah kuwaasi oo lagu dilay weerarkii gaariga loo adeegsaday ee sabtidii lagu qaaday suuq lagu iibiyo qudrada oo ku yaalay magalaadaasi iyadoo isku dhacyada iyo weerarda dhinaca diimaha ay galaafteen sanadkii aanu ka soo gudubnay dad ka badan 400 oo ruux.
Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com