Friday, May 24th, 2013

Kulamada Xiisaha Leh Ee Galabta FA Cup Ingiriiska Chelsea VS Brentford Iyo Manchestir City VS Leeds United

Published on February 17, 2013 by   ·   No Comments

fa cupKulanka: Chelsea v Brentford

Garoonka: Stamford Bridge

Waqtiga: 3pm SGA

Chelsea ayaa maanta ciyaareysa kulan ku celis ah oo wareega 32da ee FA Cup oo ay la leeyihiin kooxda Brentford.

Chelsea ayaa uga mahadcelinaya Fernando Torres goolkiisii ciyaarta oo 7 daqiiqo dhiman ee keenay inay barbaro 2-2 ah ku qabtaan kooxda heerka seddexaad ee Brentford kuwaasoo ciyaartii ku dhamaatay 2-2 ah labo jeer hogaanka u qabtay.

Chelsea ama Brentford oo maanta ay ciyaar xiiso leh ku dhexmari doonto Stamford Bridge ayaana midkood uu xaqiijisan doonaa inay u soo baxdo wareega 16ka ee FA Cup iyadoo midkood uu qaabili doono Middlesbrough.

David Luiz, Demba Ba, Victor Moses iyo John Mikel Obi ayaa diyaar u ah Chelsea ka dib markii ay ka maqnaayeen kulankii Europa League ay ka badiyeen Sparta Prague.

Ciyaaryahanka khadka dhexe Oriol Romeu ayaa ah ciyaaryahanka kaliya ee dhaawac muddo dheer kaga maqan Blues.

Tababaraha Brentford Uwe Rosler ayaan heysan wax dhaawac cusub ah kulanka ku celiska ah ee ka dhacaya Stamford Bridge.

Ciyaartoyda mudada dheer maqnaa weeraryahan Farid El-Alagui iyo ciyaaryahanka khadka dhexe Kevin O’Connor ayaa ah ciyaartoyda kaliya ee ka maqan.

LINE-UPKA MACQUULKA AH:

ku

Kulanka: Manchester City v Leeds United

Garoonka: Etihad Stadium

Waqtiga: 5pm SGA

Dhan kale kooxda Manchester City ayaa wareega 16ka ee FA Cup waxa ay ku soo dhaweyn doontaa Etihad Stadium kooxda heerka labaad ee Leeds United.

City ayaa u aragta koobkaan inuu yahay kan ugu macquulsan ee ay u tartami karaan madaama ay ka sibxadeen kooxda hogaanka u heysa horyaalka ee Man United 12 dhibcood, halka Leeds United ay dooneyso inay gaarto wareega 8da.

Kabtanka Manchester City Vincent Kompany ayaa dhaawac qaba waxaana ay u badan tahay inaan riski la gelin doonin.

Laakiin weeraryahan Carlos Tevez ayaa diyaar ah mar kale ka dib markii uu ku maqnaa arimo shaqsi ah, halka daafaca Matija Nastasic isna laga yaabo inuu soo laabto.

Goolhayaha Leeds Jamie Ashdown ayaa la filayaa inuu ku soo bilowdo ka hor goolhayaha joogtada ah Paddy Kenny.

Ciyaartoyda cusub Steve Morison iyo Stephen Warnock ayaa diyaar ah, halka weeraryahan El-Hadji Diouf uu isna raadsanayo boos ku soo bilaabasho ah.

LINE-UPKA MACQUULKA AH:

ku1

Isha Ku Hay Allgalgaduud media
allgalgaduud@gmail.com

Readers Comments (0)




Muuqaal

. .