Aleppo (AGGM): Ugu yaraan 150 ayaa uga dhimatay dhinacyada ku dagaalamaya dalka Siiriya, dagaal shalay ka dhacay xarun militari oo ku dhaw magaalada Aleppo.
Xoogaga mucaaridka ayaa la wareegay saldhiga militariga ee magaalada Sifeyara (Sfeira) ee ku dhaw magaalada Aleppo.
Ciidamada Dowlada ayaa laga saaray saldhiga militari oo ah goobtii ay u adeegsan jireen kaydka militariga ka dagaalamaya magaalada Aleppo.
Dagaalkii shalay halkaasi ka dhacay ayaa ahaa mid xoog badan wuxuuna imaanayaa xili mucaaridka ay doonayaan inay la wareegaan dhamaan Airporada militariga iyo saldhiyada ku dhaw dhaw si ay u wiiqiyaan awooda ciidamada Basha Al Assad oo hada si weyn u adeegsanaya diyaaradaha dagaalka oo ay ku duqeenayaan magaalooyinka ay heystaan xoogaga mucaaridka ah.
Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com