Saturday, May 25th, 2013

Falaagada Al Shabaab Oo Lagala Wareegay Gacan Ku Haynta Degaanka Birtadheer Oo Ka Tirsan Gobolka Gedo.

Published on January 28, 2013 by   ·   1 Comment

Ciidamada-Dowlada-HowlgalGarbahaareey (AGGM): Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa Ethopia ayaa falaagada Al-Shabaab kala wareegay deegaanka Birtadheer oo 14 KM u jira degamada Garbahaareey ee xarunta gobolka Gedo kadib dagaal halakasi ka dhacay

Wararka yaa sheegaya in ciidamada dowladda iyo kuwa Ethopia ay dhaqdhaqaaqyo ka wadaan degaankii ay maanta qabsadeen iyo tuulooyinka ku dhow oo qaarkood ay ka taliyaan  falaagada Al-Shabaab

Saraakiisha Ciidamada dowladda ee gobolka Gedo ayaa inoo sheegay in hada ay isku diyaarinayaan duulaan ka dhan ah degmada Baardheere oo gacanta ugu jirta falaagada Al-Shabaab.

Gobolka Gedo ee Koofur Galbeed Somaaliya ayaa qeybo kamid ah waxaa maamula falaagada Al-Shabaab iyadoona dowladda Soomaaliya ay ku hanjabtay inay ka saari doonto degaanada ay wali gobolkaas kaga harsan yihiin falaagada Al-Shabaab.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com

Readers Comments (1)

  1. abdi says:

    Baardheere ma faanoolaa waxaan maqli jirey fari kama qodna faanoole, 2 bilood baa la lahaa berri baa la qabanayaa waa lagu durkay, waa lagu sii siqayaam, mise waxaa jooga kamaandoostii ninja yaasha masaakiinta madaxa ka jara, markey rag iska hor yimaadaanna sida shimbiraha u carari jirey?. shacabka baardheeroow iska cayriya askar sheydaanka haddii kale maalin walba waxaad maqli doontaa odey hebel,shiikh hebel, macallin hebel bay madaxa jareen.




Muuqaal

. .