Sir Alex Ferguson ayaa aaminsan in Manchester United ay mareyso meeshii ugu fiicneyd abid intii uu macalin u ahaa ka dib markii Red Devils ay garaaceen Fulham islamarkaana u gudbeen wareega 5aad ee FA Cup.
United ayaa hogaan u heysa Premier League, waxaana ay sidoo kale ku jiraan tartanka FA Cup iyo Champions League taasoo fursad u siineysa inay ku celiyaan seddexdii koob ee taariikhda u gashay ee 1999kii.
Furaha guushooda ayaa waxaa ah weeraryahano qaab ciyaareed fiican ku jira Robin van Persie, Wayne Rooney, Chicharito iyo Danny Welbeck, afartaan weeraryahan ayaana shaqadooda iyo hanjabaadooda gooldhalinta waxaa lala barbardhigay Andy Cole, Dwight Yorke, Teddy Sheringham iyo Ole Gunnar Solskjaer 14 sanno ka hor.
“Marka aaad fiiriso wiilasha afka hore inoo jooga, hadii midkiiba uu 20 gool dhaliyo, xaqiiqdii koobab ayaan sameyneynaa.” ayuu Sir Alex Ferguson u sheegay suxufiyiinta.
“Meel walba dooqyo kala duwan ayaan u heysanaa, hadii qof walba uu taam sii ahaado, waa kooxdii ugu fiicneyd ee aan tababaro intii aan Manchester United joogay.”
United ayaa habeenka arbacada ciyaar horyaalka Ingariiska ah wajihi doona Southampton, waxaana ay dib u bilaabi doonaan Champions League iyagoo wareega 16ka lugta hore wajihi doona Real Madrid 13ka Febraayo.
Waxaana xalay isku aadka wareega 16ka ee FA Cup ay ku soo aadeen kooxda Reading oo booqasho ugu tagi doonta Old Trafford.
Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com