Allgalgaduud News

War Deg Deg Ah: Falaagada Al Shabaab Oo Sheegtay Weerarki Hubeysanaa Ee Xarunta UNDP Ee Magaalada Muqdisho.
Muqdisho (AGGM):Falaagada Al Shabaab ayaa wuxuu goor dhaw sheegtay Masuuliyada weerarka hubeysan ee maanta lagu qaaday Xarunta Hay’adda UNDP, ay ku lee dahay Magaalada Caasimada ah ee Muqdisho.

Rag hubeysan oo ka tirsan Ururka Al Shabaab, ayaa waxay maanta xoog ku galeen Dhismaha Xaruntaan, waxayna ka geysteen qaraxyo, dilal iyo dad ay ku dhaawaceyn.

Raggaan ayaa waxaa lagu soo waramayaa inay si xoog leh ay ku jabiyeen irida hore ee laga galo Xarunta UNDP, ka gadaal markii mid kamid ah uu ku burburiyay gaari laga soo buuxiyay walxaha qarxa.

Falaagada Al Shabaab ayaa waxay ku faantay inay iyadu ka dambeysay qaraxaan, sida ay ku sheegtay bogga ay ku lee dahay Internet-ka, iyadoo ku goodisay inay sii wadi doonto weerarada noocaanoo kala ah.

14-kii bishii April ee sanadkaan ayay ahayd, markii Al Shabaab ay weerar kanoo kala ah ay ka geysatay Xarunta Maxkamada Gobolka Banaadir, oo ku taala Degmada Xamar Weyne ee Gobolka Banaadir.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media

allgalgaduud@gmail.com

War Deg Deg Ah: Falaagada Al Shabaab Oo Weerar Hubeysan Ku Qaaday Xarunta UNDP Ee Magaalada Muqdisho.
Muqdisho (AGGM): Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya Weerar is qarxin iyo rasaas xoogan oo ka dhacday gudaha Hay’adda UNDP ee Magaalada Muqdisho Maleeshiyaad ka tirsan falaagada Al shabaab ayaa gudaha u galay Xarunta UNDP oo ku taala agagaarka Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Muqdisho.

Wararka hadda iska soo daba dhacaya ayaa sheegaya in maleeshiyada falaagada Al Shabaab ay ku soo galeen Labo Gaari oo aad u hubeysanaa.

Wararka ayaa intaasi waxa uu ku darayaa in weerar Ismiidaamin ah uu ka dhacay afaafka hore ee Xarunta UNDP oo ku yaala agagaarla Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho iyadoo sidoo kale gudaha Xarunta ay ka dhacday rasaas is weydaarsanayan ilaalada Xarunta iyo kooxihii weerarka soo qaaday.

Wararkii ugu dambeeyay waxaa ay sheegayan in 3 nin oo hubeysan oo shabaab ah ay ku jiraan gudaha xarunta sidaas darteedna ay adag tahay in la ogaado khasaaraha ka dhacay weerarkan.

Wariyaasha waxay sheegayan in laga yaabo in weerarkan oo abaabulanaa uu sababay dhimasho iyo dhaawac saraakiil UNKa tirsan.

Dhinaca kale waxaa soo baxaya warar sheegaya in AMISOM iyo Laamaha Sirdoonka UNka lagu war geliyay in weerarkan maalmo ka hor balse ay is dhigeen oo aan waxba ka soo qaadin warbixinta Sirdoonka ee laga helay al shabaab.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media

allgalgaduud@gmail.com

Dagaalo Culus Oo Xalay Dhexmarey Ciidamada Dawlada Ee Gobolka Hiiraan Iyo Kooxda Alshabaab
Muqdisho(AGGM) Duleedka Magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka hiiraan ayaa la sheegayaa in dagaalo culusi ka dhaceen xalay kuwaasi oo u dhexeyey ciidamada dawlada oo kaashanaya kuwa Amisom iyo Falaagada Alshabaab,waxaana la sheegayaa in dagaaladaasi khasaare sababeen.

Goob Joogayaal diiday in Magacooda loo adeegsado saxafada  u sheegay in dagaalkaasi uu ka dhashay Khasaaro xoogan oo soo kala gaaray labad dhinac iyadoo Goobihii xalay lagu dagaalamay lagu soo warramayo in saaka ay degenyihiin. Waxaana weerarkan yimid ka dib markii Alshabaab wareereen fariisimaha ciidamada dawlada iyo Amisom.

Labada dhinac ee dagaalamay ayaa kala sheeganaya inay guulo kala gaareen,waxaana Sarkaal u hadlay ciidamada dawladu shaaciyey in dagaaladaasi ahayeen kuwo ay ka war hayene isla markaasna u sii diyaar garoobeen,waxaana uu shaaciyey in ciidamadoodu guul la taaban karro ka soo hooyeen dagaalkaasi oo ay ku dileen tiro Alshabab ah.

Sidoo kale waxaa uu sheegey inay kooxdii weerarka soo qaaday ay dib ugu laabteen farisiimihii ay ka soo duleen,waxaana uu shaaciyey in ciidamada dawladu dhawaan weeraro culus ku qaadi doonaan fariisimaha ciidamada Alshabaab ee ku yaala duleedka Magaalada Baladweyne,waxaana uu sheegey in kala wareegi doonaan.

Ugu dambeyntii weerarkan xalay ayaa imaanaya xilli dhawaan ciidamada dawlada oo kaashanaya kuwa Amisom ay la wareegeen degaano dhawr ah oo Alshabaab ku sugnayeen,waxaana talaabadani imaanaysaa xilli saraakisha dawlada iyo Amisom sheegeen inay dhawaan la wareegi doonaan degmada Buulo berde ee gobolka hiiran halkaas oo ay ku xoogan yihiin Alshabaab.

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com

Dawladda Mareykanka Iyo Ururka Daalibaan Oo Wada Hadallo U Furmayaan
London(AGGM) Saraakiil sar sare oo ka tirsan aqalka cad ee maraykanka ayaa ku dhawaaqay in Dowlada Maraykanka ayaa wada hadalo toos ah oo nabadeed dalka Qadar kula yeelaneyso ururka Taliban. Kulanka u horeeya ayaa la filayaa in uu maalmaha soo socda ka dhaco Magaalada Dooxa ee caasimadda dalka Qadar,halkaasi oo ururka Taliban ay ka furteen xafiiskoodii ugu horeeyay oo rasmi ah.

Madaxweynaha Dalka Afghanistan Hamid Karzai ayaa sheegay in dowladiisa wafuud u direeyso dalka Qadar si ay wada hadal ula yeeshaan ururka Taliban. Ku dhawaqista wada hadalka tooska ah ee u bilaabanaya maraykanka iyo ururka Taliban ayaa yimid maalin ka dib markii ciidamada Nato ay guud ahaan amaanka dalka Afganistan ku wareejiyeen ciidamada dalka Afganistan.

Saraakiisha maraykanka ayaa sheegay in waxyaabaha ay labada dhinac ka wada hadli doonaan ay ka mid tahay isweydaarsiga maxaabiista ay kala haystaan labada dhinac.laakiin todobaadyada ugu horeeyay waxaa wada hadalada diirada lagu saari doonaa in la isdhaafsiga ajendayaasha..

Si kastaba ha ahaatee waxaa wada hadalladda dhax mari doona labada dhinac ku xiran shuruud ah in ururka Taliban ay joojiyana qalalaasaha,islamarkaana ay jaraan xiriirka ay la leeyihiin urur weynaha Al-Qaacid,tixgaliyaana dastuurka dalka Afganistan oo ay ku jiraan xuquuqda haweenka iyo dadka tirada yar.

Saraakiisha maraykanka ayaa intaasi ku daray in toobaadka soo socda uu kulanka ugu horeeya ee u dhaxeeya maraykanka iyo Taliban uu ka dici doono magaalada Doxa ee caasimadda dalka Qadar. Heerka xiriirka is aaminaada ee u dhaxeeya dowlada Afganistan iyo ururka Taliban ayaa lagu tiriyaa in uu yahay mid aad u hooseeya.

Ururka Taliban ayaa dhowr jeer horoy u diiday in ay la kulmaan madaweyne Karzai ama dowladiisa iyagoo ku eedeeyay in uu daacad u yahay dowlada maraykanka.

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com

Warbixin: Xaalada Kismaayo Oo Allow Sahal Ah & Maleeshiyooyin Wado Kasta Xirtay
Kismaayo(AGGM) Xaalada magaalada Kismaayo ayaa maalintii labaad ah meel kala xiran isla markaasna ma jiraan wax isu socod ah oo ka jiraa magaalada kismaayo,waxaana sidoo kale xiran dhamaan meheradaha qanacsiga iyo dhamaan dukaamadii yar yaraa ee ku yaalay xaafadaha magaalada kismaayo iyadoo xilli kasta la filan karro dagaalo qarxa.

Magaalada inta badan waxaa gacanta ku haya kooxaha ka soo horjeeda Jabhadda Raaskambooni,waxaana la sheegayaa in ciidamada Raaskambooni ay ku sugan yihiin meelo kooban sida guriga Madaxtooyada u ah oo ay difaac kaga jiraan & garoonka diyaaradaha iyo dekedda oo ay la joogaan ciidamada kiiniya.

Boqolaal Maleeshiyaad ah oo aad u tiro badan ayaa lagu arkayaa wadooyinka Magaalada kismaayo kuwaasi oo celinaya cid kasta oo isku dayda inay wadooyiinkaasi adeegsadaan,waxaana dadka ay ku amrayaan inay dib ugu laabtaan meeshii ay ka yimaadeen, ma jiraan wax gaadiid ah oo magaalada u kala gooshayaa,waxaana arrintaasi ka dambeysay iska hor imaadyo kooban oo ka dhashay dhaawacii Yaasiin Raadeer.

Wado kasta oo magaalada kismaayo ah waxaa Saaran Liif qori,waxaana maleeshiyooyinkani yihiin kuwo doonaya inay dagaal galaan sida ka muuqata,waxaana ay ku dadaalayaan sidii dagaalo logu hoobto uga dhici lahayeen magaalada Kismaayo iyadoo dagaalo maalmihi la soo dhaafay ka dhacay kismaayo ay ku dhinteen in ka badan 30 ruux oo isugu jira shacab iyo kooxihi dagaalamayey iyo tiro badanina ku dhaawacantay.

Dhinaca kale waxaa Magaalada laga maqlayaa Idaacada Radio Jubba oo dhawaan hawada soo gashay isla markaasna xaalada Magaalada ka hadlaysa isla markaasna ugu baaqeysa dhinacyada isku haya siyaasada Magaalada kismaayo inay shacabka ka dayaan dagaalada isla markaasna joojiyaan colaada.

Ma jiraan cid isku hawshay daminta xiisadaha ka taagan Magaalada kismaayo,waxaana nin kastaa isku dayayaa sidii uu uga badbaadi lahaa dagaalada kismaayo kuwaasi oo ah dagaalo aan cidna loo tuureyn hadii ay qarxaan,waxaana qof kasta oo aan ka tirsaneyn kooxaha dagaalamaya uu ku jira gurigiisa isagoo naawilaya meesha xaaladu ku dambeyn doonto.

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com

Col Maxamed Buule ” Yaasiin Radeer Waxaa Dhawaacay Kooxduu Ka Tirsanaa Ee Raaskambooni ”
Kismaayo(AGGM) Taliska ciidamada Federaalka ee gobollada Jubooyinka ayaa saaka ka hadlay dhaawacii shalay loo geystey Col Yaasiin Nuur Gaas waxaana ay sheegeen in falkaasi ahaa mid u dhexeyey kooxda Raaskambooni,waxaana saraakishu shaaciyeen inay dhaawaca sarkaalkaasi ka dambeeyeen maleeshiyaad ka tirsan raaskambooni oo isbaaro dhigtey.

Col Maxamed Buule oo ka mid ah saraakisha ciidamada dawlada ee kismaayo ku sugan ayaa ka jawaabay hadal ka soo yeerey Cabdulahi Shiikh Ismaaciil Fartaag oo ah ku xigeenka Jabhada Raaskambooni,waxaana Fartaag sheegey in dilkaasi ay ka dambeyeen kooxo kale isla markaasna laga soo abaabulay meel ka baxsan magaalada kismaayo.

Col Maxamed Buule oo hadalkaasi ka jawaabayey ayaa sheegey inaysan jirin cid soo abaabushay dhaawaca Yasiin Radeer isla markaasna ay dhaawaceen Maleeshiyaad ka tirsan kuwa Raaskambooni oo  isbaaro dhigtey wadada isku xirta Dekadda Iyo magaalada Kismaayo,waxaana Col Buule sheegey inuu Yaasiin ku mashquulsanaa qadista isbaaradaasi balse ay rasaas ku fureen ciidamadii isbaarada dhigtey.

Col Buule waxaa uu sheegey in Jabhada Raaskambooni ay yihiin kuwo dhibaato ka wada gudaha kismaayo isla markaasna ay dhibaatadii iyaga ku laabatey,waxaana uu sheegey inay maleeshiyaadka raaskambooni aysan lahayn dhaqan ciidan balse u muuqdaan dad miyi laga soo aruuriyey oo qoryo loo qaybiyey.

Sidoo kale waxaa uu sheegey in kooxda dhaawaca geysatey ay beel ahaan ka soo jeedaan dhinaca Axmed Madoobe isla markaasna qaarkood ay shalay geeriyoodeen markii ay rasaas is waydaarsadeen ciidamadii ilaalada u ahaa Yaasiin raadeer markii uu dhaawacmay.

Ugu dambeyntii waxaa uu sheegey sarkaalkan in xaalada Magaalada kismaayo Maalintii labaad qasan tahay isla markaasna magaalada wado kasta ay u xiran tahay maleeshiyooyin kala ujeedooyin duwan isla markaasna qolo kastaa dhinaceeda ku sugan tahay,waxaana uu sheegey in dhawaan ciidamada dawladu talaabo adag qaadi doonaan oo ay kaga sifeyn doonaan kooxaha ku sugan kismaayo.

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com

Daawo: Ka Shifaad Cabdi Ilay Oo Toos U Qiraya Inay Wali Gumeysi Ku Jiraan,Shacabkana Been U Sheegaan
Kismaayo(AGGM) Waxaanu Halkan Idiinku Soo  Gudbinaynaa Muuqaal Vidoe Si Sir ah Looga Duubay Madaxwaynaha Dawlad Degaanka Soomaalida ee Ethopia ay Gumaysato. Muuqaalkan ayaa Madaxwayne Cabdi Iley wuxuu Ku Beeninayaa inay Jiraan wax Horumar ah oo ay Sameeyeen, Isagoona Sheegaya In Marar Badan ay Been sheegeen Horumarna aanu Jirin. Muuqaalkan ayaa waxaa soo Bandigay Tv Udooda Dadwaynaha Soomaaliyeed ee Dalka Ethopia Islamarkaana Lagu Magacaabo Ilays TV.

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com

Col Yaasiin Radeer Oo La Keenay Nairobi Iyo Xaaladiisa Oo Soo Hagaageysa
Kismaayo(AGGM) Xaalada Col Yaasiin Nuur Gaas ( Col Radeer) ayaa ah mid soo hagaageysa,waxaana mardhaw la keenay Magaalada Nairobi halkaasi oo lagu daawayn rabo,waxaana la sheegayaa in dhaawaciisu uu yahay mid aad u soo raynaya marka la barbar dhigo markii maanta dhaawacu soo gaaray oo uu xaalad adag galay.

Col Yaasiin Radeer waxaa maanta dhaawac soo gaarsiiyey koox ka tirsan jabhadda raaskambooni oo uu isagu ka tirsanaa,waxaana la sheegay inuu damcay inuu ka qaado isbaaro ay dhigteen wadada gasha dekedda halkaasi oo ay ku doonayeen inay lacago baad ah kaga qadaan gaadiidka galay dekada kana soo baxa.

Xaalada sarkaalkan ka tirsan jabhadda Raaskambooni ayaa caawa la sheegaya inay tahay mid aad u wanaagsan isla markaasna ay wali fadhido xabadii ku dhacday taasi oo kaga dhacday ISHA hoosteeda,waxaana la sheegaya in wali xabadii ku jirto isla markaasna aysan ka bixin oo dhex fadhido.

Isbitaal ciidamada kiiniya ku leeyihiin Magaalada Kismaayo gaar ahaan garoonka diyaaradaha ayaa la tacaalayey xaaladiisa caafimaad,waxaana ay ku guuleysteen inuu ka baxo Koomadii uu ku jiray isla markaasna uu soo miyirsado,waxaana caawa dhaawaciisa la soo gaarsiiyey isbitaal ka mid ah kuwa Magaalada Nairobi.

Dhinaca kale waxaa wali ka taagan gudaha Magaalada Kismaayo Xiisado dagaaal oo iyadoo caawa Isbitaalka Magaalada Kismaayo nawaaxigiisa lagu dilay laba askari oo ka tirsan kooxda Raaskambooni isla markaasna laga qaatey qoryihii ay wateen,waxaana magaalada ka jirta xiisad dagaal iyadoo magaaladu u kala xiran aag aag kooxo kala feker ahi ku kala sugan yihiin.

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com

Xog: Itoobiya Oo Sheegtey Inaysan Casuumad U Fidin Horjoogayaasha Raaskambooni (Sawiro)
Addis Ababa(AGGM) Wasaarada arrimaha gudaha dawlada federaalka ee Itoobiya ayaa maanta si rasmi ah u shaacisay inaysan dawladoodu wax qaabilaad ama casuumad ah u fidin kooxo maalmahan ku sugnaa Magaalada Addis Ababa isla markaasna ka tirsanaa Kooxda Raaskambooni,waxaana wasaaradu sheegtey inay ku yimaadeen Addis Ababa booqasho caadi ah oo aysan dawlada itoobiya ku lug lahayn.

Warkan oo galabta laga soo daayey RadioFana ee dalka Itoobiya waxaa shaaciyey Kaaliyaha Wasaarada Arrimaha Gudaha dawlada itoobiya,waxaana uu sheegey inaysan dawlada federaalka ahi aysan wax casuumad ah u fidin Axmed Madoobe iyo kooxda la socota oo maalmahan saxafada soomaalidu sheegeysay inay casuumad ka heleen dawlada itoobiya.

Masuulkan ayaa shaaciyey in dawladda Itoobiya ay xiriir wanaagsan la leedahay dawlada Federaalka ah ee soomaaliya,waxaana uu sheegey inaysan jirin cid ka socota dawlada federaalka ee soomaaliya oo hadda ku sugan magaalada Addis Ababa,waxaana uu sheegey inaysan tageersaneyn amase aysan tageersanayn maamul aan dawlada federaalka ah ee soomaaliya aysan aqoonsan.

Dhinaca kale waxaa warbixintan maanta ka soo baxday wasaarada arrimaha gudaha itoobiya sheegtey in kooxda Raaskambooni ay magaalada Addis Ababa booqasho caadi ah ku yimaadeen isla markaasna dawladu ka war hayso oo aysan jirin  cid ka tirsan dawlada federaalka ah ee itoobiya oo la kulmay.

Hadalkan waxaa ku cadeeynaya Sawiradii dhawaan laga soo qaaday Axmed Madoobe iyo kooxdiisa markii ay Addis Ababa ka dageen iyadoo ay halkaas ku soo dhaweyeen shacab beeshiisa ka tirsan balse aysan ka dhex muuqan cid ka tirsan Masuuliyiinta dawlada itoobiya mid Sare iyo Mid Xil hoose hayaa toona. Dhinaca kale Axmed Madoobe iyo kooxdiisu waxay ka dageen TERMINAL -ka LOCAL-ka loogu tallo galay Ee Terminal 3 halkaasi oo ay ka degaan dadka caadiga ahi oo aan loola dhaqamin sidii VIP-da.

Dhinaca kale kooxdan ayaa la sheegaya inay dhex degan yihiin huteel ku yaala Magaalada Addis Ababa gaar ahaan Xaafada Booli Makayl,waxaana ay kulamo la qaadanayaa jaaliyada soomaalida Kilinka 5-aad ee Addis Ababa degan iyadoo laga filayo inay waydiisan doonaan dhaqaale. Madaxda waxa lagu yaqaan inay degaan hutellada sida Hilton,Shariton & Intercontinental oo madaxda lagu ilaaliyo balse kuwan waxay dhex joogaan dad nooc kasta leh.

Ugu dambeyntii Masuuliyiinta Raaskambooni ayaa waji gabax kala kulmay Magaalada Addis Ababa Mana jiraan masuuliyiin dawlada itoobiya ah oo u qorshaysan inay la kulmaan. Dhinaca kale Madaxda Maamulada Puntland Iyo Somaliland waxa si diiran u soo dhaweya madaxda dawlada itoobiya iyadoo Lagu soo dhaweeyo qolka VIP-da isla markaasna loo soo galibiyo huteelo loogu tallo galay balse kuwan ma helin.

Isha Hay Allgaldaduud

Allgalgaduud@gmail.com

Dawladaha Masar Iyo Itoobiya Oo Ku Heshiiyey Arrintii Webiga Nile
Addis Ababa (AGGM) Murankii aadka u balaarnaa oo maalmaha ka dhex oognaa Dawladaha Masar iyo Itoobiya ayaa si wanaagsan maanta loo soo afjaray,waxaana labada dal ku heshiiyeen murankii Webiga Nile ee ka dhex aloosnaa labada dal. Maanta waxaa shir jaraa’id Magaalada Addis Ababa ku qabtey labada wasiir arrima dibeddeed ee dalalkaasi.

Wasiirka arrimaha dibedda dalka Masar Dr Mohamed Kamal Omar oo maalmaha ku sugnaa Magaalada Addis Ababa isla markaasna kulan la qaadanayey Madaxda Dalka Itoobiya ayaa shaaciyey in murankii siyaasadeed ee ka dhex taagnaa Labada dal ay soo afmeereen isla markaasna sidii hore ee loo wada isticmaali jirey wabiga Nile loo wada isticmaalo.

Dr Mohamed Kamal Omar Iyo Wasiirka Arrimaha dibedda dalka Itoobiya Tedros Adhanom oo shir jaraa’id galabta ku wada qabtey magaalada Addis Ababa ayaa sheegey in marka hore wabige Nile sidiisi hore loo wada isticmaali doono marka xigana lagu sameyn doono darasaad ku aadan saameynta biyaha qulqulka ku tagaa dalka Masar ku yeelan karaan hadii biyo ay leexsato dawladda itoobiya.

Labada Masuul Waxa ay hoosta ka xariiqeen in labada dal ay yihiin walaalo, islamarkaasina si nabdoon ku dhamaynayaan wax kasta oo khilaaf ah oo u dhaxeeya.Waxaana ay sheegeen inaysan jirin wax colaad ah oo ka dhex abuurmi karaa labada dal ee walaalaha,waxaana ay shaaciyeen inay ka wada shaqeyn doonaan arrimo badan.

Ugu dambeyntii Heshiiskan labada dal maanta kala saxeexdeen ayaa noqonaya mid baajiyey dagaal lagu hoobto oo ka dilaaca Afrika maadama labada dawladood yihiin laba dawladood oo awood leh isla markaasna dagaalami kara,waxaana laga cabsi qabay in dagaalo dhex mara Masar iyo itoobiya dhibaato ka soo gaarto dalka Soomaaliya.

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com