DEG DEG+DHAGEYSO:- 23 Maalmood kadib qadka Internet-ka Koonfurta Somaliya oo dib loo helay

Muddo 23 maalmood kadib ayaa waxaa qadka internet-ka dib looga helay Koonfurta Somaliya, kadib markii Fiiladii Internet-ka 24-kii Bishii hore uu jaray markab.

Maqnaanshaha Qadka Internet-ka ayaa wuxuu saameyn ballaaran ku yeeshay shaqooyin badan oo dadka ay qabsan lahaayeen, waxaana taasi ay keentay in gaab ay ku yimaadaan shaqooyinkaasi.

Dowladda Somaliya oo juhdi badan ku bixisay sidii loo sameyn lahaa qadka Internet-ka ayaa ugu dambeyn maanta oo Isniin ah waxa ay ku guulaysatay sameynta Qadka Internet-ka inkastoo uusan aheyn sidii hore.

Shaqooyinka muddadii uu maqnaa qadka Internet-ka gaabka galay waxaa ka mid ah, bixinta Baasaboor Somaliga oo adeega Internet-ka lagu bixin jiray, shaqooyinka xawaaladaha, Idaacadaha iyo Hay’adaha NGO-yada ah.

Dadka ku nool Koonfurta Somaliya ayaa isugu hambalyeynaya dib u helida addeega Internet-ka ee Xawaaraha dheereeya oo muddo 23 maalin ah ka maqnaa Koonfurta iyo Bartamaha Somaliya.

Internet-ka ayaa ka mid noqday waxyaabaha dadka aduunka ku nool hadda ay toos ugu wada xiriiraan, maadaama aalado kala duwan oo casri ah lagu isticmaalo sida Facebook, Viber, IMO iyo qadad kale oo Bulshada ay ku wada xiriiraan.

Hoos ka Dhageyso Codka:-

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media

allgalgaduud@gmail.com


Fikradaha Akhristayaasha (0)




Advertisement

Wararkii Ugu Danbeeyay

Maxay Adna Adan Ismaciil Ka aaminsan Tahay Somaliya iyo Somalida?
- Jul 27, 2017
Waxaa dhawaan Magaalda Hargaysa lagaga dhawaaqay in maamulka Siilanyo uu u magacaabay Marwo Adna ...
DHAGEYSO+SAWIRO:- Madax ka qeyb gashay Munaasabad tababar loogu soo xiray Ciidamo ka tirsan Dowladda
- Jul 27, 2017
Ciidamada katirsan militariga Soomaaliya ayaa tababara kor loogu qaadayay aqoontooda loogu soo geba gebeeyey ...
DAAWO:- Ra’isal Wasaaraha Somaliya oo Xafiiskiisa ku qaabilay Ergeyga cusub ee IGAD
- Jul 27, 2017
Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Ergeyga Gaarka ah ...
DHAGEYSO:- Wasiirka Qorsheynta iyo Safiirka Midowga Yurub oo gaaray Baydhabo
- Jul 27, 2017
Magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay oo ah xarunta KMG ah ee maamulka Koonfur ...
DF “Ciidamadeena ayaa waqti dhow la wareegaya guud ahaan dalka”
- Jul 27, 2017
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in ay isku diyaarineyso sidii guud ahaan dalka Soomaaliya ...
Maxaa ka socda Puntland? Barlamanka wasiiradii hore buu muxalal u raadinayaa.
- Jul 27, 2017
Waxa Puntland ka socda cid kasta waa argataa waana ogtahay laakiin waxoogaa sharaxaad iyo ...