DHAGEYSO:- Maamulka Gobolka Gedo oo ku dhawaaqay qorshe Halis ku ah Al-Shabaab

Maamulka Gobolka Gedo ayaa sheegay in ay dhawaan bilaabaya howlgalo Al-Shabaab loogu saarayo guud ahaan degaanada ay hada kaga sugan yihiin Gobolka Gedo.

Maamulka Gobolka Gedo ayaa sidoo kale sheegay in ay socdaal diyaarinta Ciidamadii Al-Shabaab ka saari lahaa Gobolka Gedo.

Guddoomiye ku xigeenka dhanka Amniga ee Maamulka Gobolka Gedo Cismaan Nuur Xaaji ayaa sheegay in ay Weeraro joogto ah ku qaadaan degaanada ay ku xoogan yihiin Al-Shabaab.

Waxa uu tilmaamay in ay xoojinaya howlgalada ay sameynayaan iyo Weerarada ay ku qaadayaan degaanada ay ku sugan yihiin Al-Shabaab.

Waxa uu xusay in aysan joojin doonin dagaalka ay kula jiraan Al-Shabaab inta amni buuxa laga helayo.

Al-Shabaab ayaa waxa ay ku sugan yihiin degaano iyo Tuulooyin ka tirsan Gobolka Gedo, waxa ay mararka qaar Weeraro ku qaadaan Xarumaha Ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo Kuwa Kenya ay ku leeyihiin Gobolkaasi.

Sidoo kale diyaaradaha dagaal ee dowladda Kenya ayaa duqeymo waxa ay u geystaan degaanada ay Al-Shabaab kaga sugan yihiin Gobolka Gedo.

Hoos ka Dhageyso Codka:-

 

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media

allgalgaduud@gmail.com


Fikradaha Akhristayaasha (1)

  1. c/qani says:

    KENYA IYO ITOOBIYA WAA LABA DAL OO SOOMAALIYA DAL KAHAYSTA?

    WAA SOOMAALI GALBEED IYO NFD”

    MAAMULKA XAMAR KA ARRIMYAA WAXAY DOORASHADA KUSOO GALEEN IN DHULKA MAQAN* EE SOOMAALIYA LAGA XOREEYNAAYO SHACABKA SOOMAALIYEEDNA WAXAY SUGAYEEN?

    ERYA ERYA XABASHIDA, IYO KENYA” ERYA ERYA?

    MAXAY TAHAY SABABTA WAX LOOGU YEERO!1MAAMULKA GOBOLKA AMA GUDOOMIYE GOBOL OO LAWDA OGYAHAY INUU AXMAARADA (TAANGIGEEDA) DHEX SEEXDA? AMA UU “CEERIINKA) LACUNO!!

    SABATA WAX LOOGA DHAGAYSANAYO? WAABA MAXBUUSE? WAXAASI WAA BEEN ABUUR IYO DULI LADHIIRIGALINAYO??




Advertisement

Wararkii Ugu Danbeeyay

Maxay Adna Adan Ismaciil Ka aaminsan Tahay Somaliya iyo Somalida?
- Jul 27, 2017
Waxaa dhawaan Magaalda Hargaysa lagaga dhawaaqay in maamulka Siilanyo uu u magacaabay Marwo Adna ...
DHAGEYSO+SAWIRO:- Madax ka qeyb gashay Munaasabad tababar loogu soo xiray Ciidamo ka tirsan Dowladda
- Jul 27, 2017
Ciidamada katirsan militariga Soomaaliya ayaa tababara kor loogu qaadayay aqoontooda loogu soo geba gebeeyey ...
DAAWO:- Ra’isal Wasaaraha Somaliya oo Xafiiskiisa ku qaabilay Ergeyga cusub ee IGAD
- Jul 27, 2017
Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Ergeyga Gaarka ah ...
DHAGEYSO:- Wasiirka Qorsheynta iyo Safiirka Midowga Yurub oo gaaray Baydhabo
- Jul 27, 2017
Magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay oo ah xarunta KMG ah ee maamulka Koonfur ...
DF “Ciidamadeena ayaa waqti dhow la wareegaya guud ahaan dalka”
- Jul 27, 2017
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in ay isku diyaarineyso sidii guud ahaan dalka Soomaaliya ...
Maxaa ka socda Puntland? Barlamanka wasiiradii hore buu muxalal u raadinayaa.
- Jul 27, 2017
Waxa Puntland ka socda cid kasta waa argataa waana ogtahay laakiin waxoogaa sharaxaad iyo ...