Faa’iido intee le’eg ayaa DF iyo dalka ugu jirta dhismaha maamul goboleedka Khaatumo iyo Maakhir si loo ilaaliyo midnimada dalka ?

Sidan balanqaadayba, Waxaan qormadan kaga hadli doonaa haddii uu Rabbi idmo qormo aan cinwaan uga dhigay: Faa’iido intee le’eg ayaa Dowladda Federaalka iyo dalka ugu jirta dhismaha maamul goboleedka Khaatumo iyo Maakhir si loo ilaaliyo midnimada iyo wadajirka dalka. Arintan, Ayaa igu dhalatay ka dib markii aan arkay halis weyn oo ku soo socota midnimada dalkeenna oo runtii macno weyn noogu fadhida. Walaalayaal, Dal horumarkisu waxa uu ku xiran yahay hadba inta ay la eg tahay midnimadiisa iyo waliba baaxadda dhulkiisa oo lagu daro tirada dadkiisa.

Inta aanan u galin dulucda qormadeyda, Aan marka hore waxooga ka waramo macnaha ay xanbaarsan yihiin erayada khaatumo iyo Maakhir iyo dadka ay matalaan. Sidoo kale, Aan ka waramo nidaam dowladeedka ka jira Soomaaliya iyo sida uu xaqa u siinayo dadweynaha Soomaaliyeed ee ku dhaqan 18-ka gobol ee ay ka gooban tahay Jamhuuriyadda Soomaaliya ee aan rajeynayo in dhawaan ay biiri doonto dowladda Jabuuti, Si loo baadigoobo labadii maqneyd. Ka hadalka labadan masalo, Waxa ay na siinayaan faham guud oo ku saabsan dulucda qormadeenna.

Soomaaliya, Waxaa loo sameeyey dastuur ku dhisan nidaamka loo yaqaanno federaal, inkastoo aan wali loo codeyn. Nidaamkani, Waxa uu abuurayaa dowlad dhexe iyo dowlad goboleedyo iska hoos shaqeeya, Kaasi oo howlaha dowliga u kala qeybinaya labo qeybood. Qeyb ay la gaar tahay Dowladda Dhexe sida difaaca, xiriirka arimaha dibadda, sameynta lacagta iyo waliba arimaha la xariira jinsiyadda iyo socdaalka, halka uu dhinaca kale dastuurkaasi siinayo dowlad goboleedyada waxooga awood ah waa marka u dhismaan si waafaqsan dastuurka dalke.

Dastuurkani, Waxa uu u ogolaanayaa in dadweynaha Soomaaliyeed ee ku dhaqan 18-ka gobol in ay dhisan karaan maamul goboleedyo marka ay isu tagaan labo gobol iyo wax ka badan. Waxa uu sidoo kale Dastuurkaasi dhigayaa in Dowladda Dhexe ay sii maamuleyso gobolkii aan wali ku biirin gobol kale ama maamul goboleed kale. Fursadan dastuuriga, Ayaa waxa ay jaanis siineysaa gobol kasta sida Awdal oo kale, Kaasi oo aan wali go’aansan cidda uu ku biirayo.

Hadaba, Iyadoo laga duulayo xuquuqdaasi dastuuriga ee uu bixinayo Dastuurkan qabyada ah, Ayaa waxa ay xaq u leeyhiin bulshada Soomaliyeed ee ku abtirsata maamulada Khaatumo iyo Maakhir in ay helaan maamul goboleed Iyaga u gaar ah, Iyadoo aan arinkaasi wax ogolaansho ah looga raadineyn maamulada la dariska ah sida Soomaaliland iyo Buntland oo kale. Kuwaasi oo ay horboodayaan siyaasiyiin ka soo jeeda beelaha Majeerteen iyo Isaaq oo aad mooddo inayan wax ixtiraam ah u haynin beelaha Soomaaliyeed ee la dariska ah.

Haddii aan u imaado wax ka tilmaamidda dadka ku abtirsada labadaasi maamul oo runtii ay ka buuxaan dad ay ka go’an tahay ilaalinta midnimada iyo wadajirka dalka iyo dadka Soomaalida. Walaalayaal, Waxaa maamuladaasi ku abtirsada beelaha kala ah Dhulbahante iyo Warsangeli oo dhamaantood ka wada tirsan beelweynta Daarood ee inta badan degta dhulalka ay Soomaalidu ku leeyihiin Bariga Afrika. Labadan beelood ee faca-weyn, Ayaa dega dhul ballaaran oo ku yaallo Waqooyiga dalkeenna, gaar ahaan gobolada Sool, Sanaag, Togdheeer iyo waliba gobolka Bari.

Waxgaradka ku abtirsada labadan beelood, Ayaa doonayo in ay dhistaan maamul goboleed Iyaga u gaar ah, kaasi oo laga dhiso deegaanada ay ka dagaan gobolada afarta ee aan soo sheegay, Maadaama ay Soomaaliya qaadatay nidaam federaal inkastoo ay wax badan ka haleysan yihiin. Waana sababtaasi sababta loo doortay Madaxweyne Farmaajo oo la filayo in uu la yimaado isbadal dhab ah oo wax ka badala xaalka Soomaaliya ee hadda u muuqda mid xun, ka dib markii ay ku cayaareen siyaasiyiin aragti gaaban, Islamarkaana ka fog dhaqan dowladnimo.

Walaalayaal, Muwaadiniinta ku abtirsata Maamuladaasi waxa ay xaq u leeyihiin in ay helaan maamul goboleed wax ka qabta dhibaatooyinka ka jira deegaanadooda, gaar ahaan dhinacayada amniga, waxbarashada, caafimaadka, dhaqaalaha iyo waliba waxa ka qabashada xaalufinta lagu hayo badaha iyo bariga oo runtii ah dhib weyn oo maanta ka jira dalkeenna. Waxaa kaloo ay xaq u leeyihiin in Iyagu ay maamushaan deegaanadooda, sida ay dadka kaleba ay sameeyaan, gaar ahaan kuwa la dariska ah.

Dadkani fac weyn, Ayaa leh taariikh ka dhex muuqata dadka Soomaalida, gaar ahaan dhinaca Waqooyiga. Tusaale ahaan, Dhulbahantaha oo kale, Waxa ay ahaayeen gacantii midig ee halgankii Daraawiisheed, Kaasi oo suurageliyey inaanu gumeysiga ku fikirin in uu sii haysan karo dhulka Soomaalida ee midka ahaa Isaga hortii. Waxa uu sidoo kale halgankaasi keenay in ugu danbeyn uu gumeysigu ka guuro dhulka Soomaalida, Walow uu si sharcidaro ah u bixiyey dhul Soomaaliyeed oo aanu Isagu lahayn, kaasi oo ilaa maanta gacanta ugu jira maamulada Xabashida iyo Kiikuuyada.

Walaalayaal, Anigu waxaan qabaa runtii in la joogo waqtigii aan dib u milicsan lahayn taariikhdeena dahabiga, Islamarkaana aan da’yarteena bari lahayn, Si aysan u khaldin kuwa taariikhda ka been sheega ee waayadan aad mooddo inay soo bateen. Waxaan kaloo qabaa in la joogo waqtigii laga sheekeyn lahaa wixii dhulkan ka jiray intaanu imaan gumeysigii Ingiriiska, Talyaaniga iyo waliba Faransiiska. Ma waxa aan ahayn labo dal oo jaar ah sida ay sheegaan taageerayaasha SNM-ta, Mise waxa aan ahayn dad ku nool dhul ballaaran oo ay leeyihiin, Kaasi oo dhinac walba isaga furan ?

Ma waxan lahayn labo dowladood oo ka kala jiray koonfur iyo Waqooyi intaanu gumeysiga imaan ? Haddii aan lahayn labo dowladood, Hadabo Yaa madaxweynayaal u ahaa ? Calamaduse sidee bay u ekaayeen ? Hadii Waqooyigu uu ahaa dal madaxbanaan intaanu gumeysiga Ingiriiska imaan ? Hadabo lacagteebuu isticmaali jiray ? Muxuuse ahaa dastuurkii uu ku dhaqmi jiray ? Haddii Koonfur ay dal gaar ahayd, Yaa madaxweyne u ahaa ? Tan kale, Daliil ma laga dhigan karaa taariikh ka dhalatay ficil gumeysi ?

Hadii aan u soo laabto nuxurka qormadeyda oo aan maanta cinwaan uga dhigay: Faa’iido intee le’eg ayaa Dowladda Federaalka ugu jirta dhismaha maamul goboleedka Khaatumo iyo Maakhir si loo ilaaliyo midnimada iyo wadajirka dalka ? Anigu, Waxaan qabaa runtii in ay faa’iido badani ugu jirto Dowladda Federaalka iyo dalkaba dhismaha maamulkaasi madaama uu caqabad dhuleed iyo mid maamuleedba ku noqonayo maamulka Soomaaliland oo doonayo in uu ka go’o Soomaaliya inteeda kale waaba haddii laga aqbalee.

Sidan soo sheegayba, Anigu waxaan aaminsanahay in ay faa’iido badani ku jirto dhisamaha maamul goboleed ka kooban Khaatumo iyo Maakhir, Maadaama uu maamulkaasi dhacaayo deegaano ay daneynayaan maamulka Soomaaliland. Waxaan kaloo aaminsanahay in dhisamaha maamulkaasi uu wax badan ka tari doona nolasha dadka Soomaaliyeed ee ku dhaqan gobolada Sool, Sanaag iyo deegaanada ku xeeran oo maanta loo yaqaano dhulka lagu muransan yahay, Ka dib markii ay isku qabsadeen maamulada Buntland iyo Soomaaliland.

Walaalayaal, Maxaa ka fiican in maamul goboleed loo dhiso dadka ku dhaqan deegaanadaasi, Si loogu soo dhaweeyo adeegga ay u baahan yihiin iyo waliba maamul wanaagsan oo Iyagu ay hormuud u yihiin ? Maxaase ka fiican in Iyagu ay maamushaan deegaanadooda maadaama la qaatay nidaam federaal ah oo dadka xaq u siinayo in ay is maamulaan ? Mise dadka qaar ayaan xor ahayn ? Tan kale, Yaa u fiican Iyaga inay si toos ah u hoostagaan Hargeysa mise Muqdisho. Muqdisho mise Garoowe ? Midda kale, Nin baahan wax ma loogu dhiibi karaa nin gaajeysan ?

Haddii deegaano badan laga dhisay maamul goboleedyo dadka u soo dhaweeya adeegga ay u baahan yihiin. Maxaa dadkan ka soo uray oo loogu diidayaa inay dhistaan maamul Iyaga u gaar ah, islamarkaana wax ka qabta dhibaatooyinka ka jira deegaanadooda? Tan kale, Sow wax lala yaabo ma’ahan in maalin walba la buunbuuniyo, Islamarkaana la kobciyo kii doonaayey in uu dalkan kala gooyo ? Maxaase ka muhiimsan in la taageero kan doonaya midnimada iyo wadajirka dalka iyo dadka Soomaalida ? Mise meesha waxaanan ka jirin cadaalad iyo sinaan ?

Mar haddii aan soo tilmaanay faa’iidada ku jirto dhismaha maamul goboleedkaasi. Hadabo sidee loo dhisayaa, Yaase dhisayo ? Anigu, Waxay ila tahay in Dowladda Federaalka looga fadhiyo in Iyadu ay abaabusho shirar looga tashaanayo dhismaha maamulkaasi, Iyadoo u mareysa Odoyaasha Dhaqanka iyo siyaasiyiinta ka soo jeedda deegaanadaasi, gaar ahaan kuwa horbooda maamulada Khaatumo iyo Maakhir. Waxaan kaloo qabaa in Dowladda looga fadhiyo in ay la timaaddo dhiiranaan iyo geesinimo, Si loo dhiso maamulkaasi laf-dhabarka u ah midnimada iyo wadajirka.

Waa muhiim runtii in mar walbo mudnaan gaar ah la siiyo midnimada iyo wadajirka dalka iyo madaxbanaanidiisa, Maxaa yeelay waxaa cunsuradaasi ku xiran nooca horumar ee la doonayo. Waana sababtaasi sababta loo teegeero isbadalkii ka dhashay 8-dii feebaraayo 2017, Oo runtii bog cusub u furay Soomaaliya iyo Soomaalida maanta nool. Isbadalkaasi uu hormuudka u yahay Madaxweyne Farmaajo, Ayaa looga fadhiyaa in uu mudnaan gaar ah siiyo wuxdada iyo madaxbanaanida dalka, Si looga baxo dhibaatooyinkan ka dhashay khilaafkan daakhilga iyo faragelintan shisheeye.

Tan kale, Waa in Dowladda Federaalku ogaataa ineyan dadka Soomaaliyeed diyaar u ahayn iibsashada lugooya danbi iyo dal kala qeybsan, Kaasi oo ay ku cayaaraan siyaasiyiin ku xiran dalal shisheeye. Kuwaasi oo dhaqan ka dhigtay inay dalaalaan boobka ku socda kheyraadka dalkeenna. Waa inay sidoo kale ogaataa in uu imaan karo kacdoon aan u bixiyey gugii Soomaalida oo bilaaban kara marka uu baxo askariga ugu danbeeyo ee shisheeye, Waa haddii aan la sixin khaladaadka maanta ka jira dalkeenna ee ay sababta u yihiin kuwa sheegta siyaasiyiinta.

Ugu danbeyntii, Haddii aan mar kale isweydiinno su’aashii aan cinwaanka uga dhignay qormadeena oo ahayd: Faa’iido intee le’eg ayaa Dowladda Federaalka iyo dalka ugu jirta dhismaha maamul goboleed ka kooban khaatumo iyo Maakhir, si loo ilaaliyo midnimada ? Jawaabtu, Waxaan leenahay, Waxa ku jira dhismaha maamulkaasi faa’iido badan, Maxaa yeelay waxa uu caqabad ku noqonayaa maamulka Soomaaliland oo doonayo in uu ka go’o Soomaaliya inteeda kale, maadaama maamulkaasi uu ka dhismayo deegaanada ay Soomaaliland sheegato. Waxa uu sidoo kale dhismaha maamulkaasi faa’iido u yahay dadku ku nool gobolada Sool, Sanaag iyo deegaanada ku xeeran.
Xusuusin: Qormadeyda danbe, Waxaan kaga hadli doona haddii uu Rabi idmo qormo aan cinwaan uga dhigay: Maxaa ka jiray dhulka Soomaalida intaanu imaan gumeysigii reer Yurub ? sida meeqa dowladood, meeqa calamood, meeqa madaxweynayaal, meeqa dastuur, meeqa xuduudood iyo waliba halgankii daraawiisheed.

W/Q: Maxamed Ibrahim (RAGOW)
Ragow1960@hotmail.com

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media

allgalgaduud@gmail.com


Fikradaha Akhristayaasha (0)




LATEST NEWS

HRW: Ethiopia’s refugees unsafe in Kenya
- Sep 21, 2017
Wako” fled Ethiopia for Kenya in 2012, after his release from prison. He had ...
AMISOM ends training for Somali security officers
- Sep 21, 2017
The AU Mission in Somalia has trained sixty officers from the Somali security forces ...
Museveni rallies UK to join fight against Al-Shabaab
- Sep 21, 2017
President Yoweri Museveni has called for more support to Africa as the continent moves ...
EUCAP Somalia Maritime Law and Crime Workshop in Garowe
- Sep 21, 2017
UCAP Somalia organised a Maritime Law and Crime Workshop for judges, prosecutors and police ...
200 Somali refugees detained in Yemen
- Sep 21, 2017
Detainees later sent to refugee camp in Yemen’s southern Shabwa province, local authorities say20.09.2017 Scores ...

Wararkii Ugu Danbeeyay

DHAGEYSO: Wasiirka Amniga oo sheegay inaan Shacabka Muqdisho la weydiin doonin Kaarar Aqoonsi ay ku maraan Wadooyinka Muqdisho
- Sep 21, 2017
Wasiirka Amniga Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Abuukar Isloow Ducaale oo hadal kooban ka jeediyay munaasabad ...
DAAWO: 4-Sano ka dib Shabaab oo runta ka sheegay tirada raggii fuliyay weerarkii Westgate
- Sep 21, 2017
21-kii September 2013-kii Afar sano ka hor maanta oo kale waxaa dhacay weerarkii lagu ...
WARBIXIN+SAWIRRO : Shirka Golaha Wasiirada oo looga hadlay Mowqifka Soomaaliya ee Arrimaha Khaliijka, Arrimaha Amniga, Miisaaniyada 2018 iyo arrimo kale.
- Sep 21, 2017
Golaha Wasiirada ee Xukuumada Federaalka Soomaaliya ayaa maanta yeeshay kulankoodii caadiga ahaa oo uu ...
WAR CUSUB+DHAGEYSO: Al-Shabaab oo shaaciyay iney dilayaan ninkii u gefay Nabi Maxamed (NNKH)
- Sep 21, 2017
Ururka Xiriirka la leh Al-Qaa’ida ee Al-Shabaab ayaa war ay soo saareen waxay ku ...
Galmudug oo faraha kula jirta Qorshe ina ka badan 100-dhalinyaro ah farxad gelin doona
- Sep 21, 2017
Maamulka Galmudug sheegay in shaqo abuur ay u sameyn doonaan in ka badan 100 ...
DHAGEYSO: Ciidamada Dowladda oo Howlgal Amniga lagu sugayo ka sameeyay Shabeellaha Hoose
- Sep 21, 2017
Ciidamda Xoogga dalka Soomaaliya ayaa Saacadihii la soo dhaafay waxa ay howlgallo kala duwan ...