Dowladda Soomaaliya oo qalab Casri ah lagu Wreejiyay iyo Hormar balaaran oo Dekeda Muqdisho ka socda

Shirkadda Al-bayrak ayaa maanta Dowladda Soomaaliya ku wareejisay qalab loogu tala galay Dekeda Muqdisho, kaasi oo isugu jira qalabka rarida iyo dejinta.

Qalabkan oo si gaar ah loogu wareejiyay Wasiirka Dekadaha Soomaaliya Maryan Aweys ayaa isugu jira Wiishas, agab lagu qaado xamuulka, Cagaf-cagaf iyo qalab kale.

Wasiirka Wasaarada Dekadaha Xukuumada Soomaaliya Maryan Aweys oo warbaahinta kula hadashay gudaha Dekada ayaa waxa ay sheegtay qalabkan in uu muhiim u ahaa Dekada, wax badan uu ka tari doono.

Waxa ay sheegatay muhiim in ay aheyd qalabkan in mar hore la keeno, laakiin howlo badan oo jiray awgeed ay dib u dhaceen, balse wixii hada ka dambeeya lagu fududeyn doono shaqada Dekada.

Maryan Aweys ayaa u mahadcelisay shirkadda Albayrak, waxayna ka codsatay in ay kordhiyaan dadaalka ay wadaan oo ay ku hormarinayaan dib u dhiska dalka.

Sidoo kale Wasiir Maryan ayaa sheegtay Dekada in ay tahay laf dhabarta dalka, lana rabo in howlaheedii ay sii socdaan oo aysan hakad gelin.

Dhanka kale Axmed Saami oo ah masuulka shirkadda Albayrak ee Dekada ayaa sheegay hadii ay yihiin shirkadda Al-bayrak in ay ku dadaalayaan mar walba in ay keenaan wax walba oo looga baahan yahay.

Wuxuu kaloo sheegay Axmed Saami qalabkan ay keeneen in uusan halkan ku ekaan doonin oo agabyo kale ay keeni doonaan, isaga oo Alle ka baryay qalabkan in uu noqdo mid ummadda Soomaaliyeed ay ku faa’idaan.

Shirkadda Albayrak ayaa ah shirkada gacanta ku heysa Dekada Muqdisho, waxaana ay ka qeyb ka aheyd shirkadihii ka qeyb qaatay in ay wax ku bixiyaan Abaaraha ku dhuftay Soomaaliya.

 

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media

allgalgaduud@gmail.com


Fikradaha Akhristayaasha (0)




Advertisement

Wararkii Ugu Danbeeyay

Maxay Adna Adan Ismaciil Ka aaminsan Tahay Somaliya iyo Somalida?
- Jul 27, 2017
Waxaa dhawaan Magaalda Hargaysa lagaga dhawaaqay in maamulka Siilanyo uu u magacaabay Marwo Adna ...
DHAGEYSO+SAWIRO:- Madax ka qeyb gashay Munaasabad tababar loogu soo xiray Ciidamo ka tirsan Dowladda
- Jul 27, 2017
Ciidamada katirsan militariga Soomaaliya ayaa tababara kor loogu qaadayay aqoontooda loogu soo geba gebeeyey ...
DAAWO:- Ra’isal Wasaaraha Somaliya oo Xafiiskiisa ku qaabilay Ergeyga cusub ee IGAD
- Jul 27, 2017
Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Ergeyga Gaarka ah ...
DHAGEYSO:- Wasiirka Qorsheynta iyo Safiirka Midowga Yurub oo gaaray Baydhabo
- Jul 27, 2017
Magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay oo ah xarunta KMG ah ee maamulka Koonfur ...
DF “Ciidamadeena ayaa waqti dhow la wareegaya guud ahaan dalka”
- Jul 27, 2017
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in ay isku diyaarineyso sidii guud ahaan dalka Soomaaliya ...
Maxaa ka socda Puntland? Barlamanka wasiiradii hore buu muxalal u raadinayaa.
- Jul 27, 2017
Waxa Puntland ka socda cid kasta waa argataa waana ogtahay laakiin waxoogaa sharaxaad iyo ...