DAAWO SAWIRRADA:- Wasiir Xoosh “Safar hawleedkii aan ku tagnay Cadaado waxa uu ku soo dhamaaday guul”.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dastuurka Mudane Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil ayaa ka warbixiyay safarkii wafdi uu hogaaminayay ay ku tageen magaalada Cadaado ee caasimadda KMG ah ee dawlad goboleedka Galmudug.

Mudane Xoosh ayaa sheegay in ay kulan ay la yeesheen Ku-Simaha Madaxweynaha Galmudug, Wasiiro iyo Xildhibaano katirsan Galmudug.

“Shirarkii aan ku galnay Cadaado waxaa ugu horeeyay mid aynu la yeelanay Ku-simaha Madaxweynaha Galmudg iyo Xubno katirsan labada Gole ee Galmudug, waxa ay ina la wadaageen talooyinkoodii ku aadanaa Qorshaha Guud ee aan diyaarineyno si Geedi-Socodka dib-u-eegista Dastuurka uu ugu soo dhamaado guul” ayuu yiri AVV Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil.

Dhanka kale, Wasiirka ayaa ka hadlay kulan kale oo muhiim ahaa oo ay Wasaaradda u qabatay Ururada Bulshada Rayidka ee Galmudug.

“Waxaa kaloo jiray shir muhiim inoo ahaa oo aanu la yeelanay Bulshada Rayidka ee Galmudug, iyaga oo talooyin wax ku ool ahaa ka bixiyay Qorshaha Guud; waxa uu inoo ahaa kulan kale oo inagu dhiirageliyay in aanu shacabkeena marwalba talooyinkooda ku shaqeeyno tasoo ka dhigan in safarkeenii uu ku soo dhamaaday guul” ayuu yiri Wasiir Cabdi Xoosh.

Wafdiga ka socday Wasaaradda ayaa sidoo kale booqday xarunta Wasaaradda Arrimaha Dastuurka iyo Dib u heshiisiinta Galmudug, iyaga oo kulan la qaatay Wasiirka Galmudug Mudane Cismaan Maxamed Cali iyo qaar kamid ahaa shaqaalaha Wasaaradda Dastuurka ee Galmudug, waxa ayna labada dhinac ku ballameen in wadashaqayn joogta ah la yeesho.

Gunaanad, Wasiir Cabdiraxmaan Xoosh iyo wafdigiisa ayaa dib ugu soo laabtay caasimadda dalka ee Muqdisho iyaga oo maalmaha soo socda u ambabixi doona caasimadaha kale ee dawlad goboledyada dalka si loo gaarsiiyo kulamada wadatashiga.

—–DHAMAAD—–

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media

allgalgaduud@gmail.com


Fikradaha Akhristayaasha (0)




Advertisement

Wararkii Ugu Danbeeyay

Maxay Adna Adan Ismaciil Ka aaminsan Tahay Somaliya iyo Somalida?
- Jul 27, 2017
Waxaa dhawaan Magaalda Hargaysa lagaga dhawaaqay in maamulka Siilanyo uu u magacaabay Marwo Adna ...
DHAGEYSO+SAWIRO:- Madax ka qeyb gashay Munaasabad tababar loogu soo xiray Ciidamo ka tirsan Dowladda
- Jul 27, 2017
Ciidamada katirsan militariga Soomaaliya ayaa tababara kor loogu qaadayay aqoontooda loogu soo geba gebeeyey ...
DAAWO:- Ra’isal Wasaaraha Somaliya oo Xafiiskiisa ku qaabilay Ergeyga cusub ee IGAD
- Jul 27, 2017
Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Ergeyga Gaarka ah ...
DHAGEYSO:- Wasiirka Qorsheynta iyo Safiirka Midowga Yurub oo gaaray Baydhabo
- Jul 27, 2017
Magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay oo ah xarunta KMG ah ee maamulka Koonfur ...
DF “Ciidamadeena ayaa waqti dhow la wareegaya guud ahaan dalka”
- Jul 27, 2017
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in ay isku diyaarineyso sidii guud ahaan dalka Soomaaliya ...
Maxaa ka socda Puntland? Barlamanka wasiiradii hore buu muxalal u raadinayaa.
- Jul 27, 2017
Waxa Puntland ka socda cid kasta waa argataa waana ogtahay laakiin waxoogaa sharaxaad iyo ...