DHAGEYSO+SAWIRRO:- Ra’isal Wasaaraha oo Koomeeray Xarunta Wasaarada Arrimaha Gudaha

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa maanta galinkii dambe kormeer ku tagay Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Soomaaliya waxuuna kula kulmay Wasiir Dowlaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha,Wasiir ku xigeenka Wasaarada iyo qaar kamid ah agaasimayaasha oo ku howlnaa diyaarinta hindiso sharciyeedyo dhowr ah kuwaasoo oo ay ka mid ahaayeen Hindise Sharciyeedka Xaduudaha, Axsaabta, Jinsiyadaha, Doorashooyinka iyo sharciga Dowlada Hoose oo qaar kamid ah loo gudbiyay xukuumada Soomaaliya si ay u meel mariyaan ka dibna loo gudbiyo Baarlamaanka dalka si loo ansixiyaan sharciyadan.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa ka waraystay madaxda wasaaradda waxyaaabihii u qabsoomay mudadii ay shaqada wadeen iyo sida ay ugu diyaar garoobayaan in dalka ay ka qabsoonto doorasho Qof iyo Cod ah si loo helo madax ay soo doorteen shacabka Soomaaliyeed.

Wasiir Dowlaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha Cabdullahi Weheliye ayaa sheegay inay ku mushquul sanyihiin sidii ay u diyaarin lahaayeen nooca doorasho ee dalka ka dhici karta iyo qaabka ugu haboon ee loo qaban karo. Wuxuuna cadeeyay inay bilaabayaan Goloyaasha deegaanka ee degmooyinka Soomaaliya si loo helo bulsho u diyaarsan in loo qabto doorashooyin.

Ra’iisul Wasaaraha oo ku dheeraaday sida loogu baahan yahay in loogu diyaar garoobo hanaan doorasho ayaa yiri “Waa in la sameeyaa dood ku salaysan Khibrad,aqoon iyo caqli si qof walba oo Soomaaliyeed looga faa’idaysto aqoontiisa iyo aragtidiisa.

“Waxaana lagama maarmaan ah in dowadladdu ay soo dhawaysato shacabkeeda si dadka Soomaaliyeed fursad loogu siiyo inay ka aragti dhiibtaan sida loo qabanayo doorashooyinka” ayuu yir Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya.

Waxuuna sidoo kale kula dardaarmay inay ukala hormariyaan shaqooinka sida ay ukala muhiimsan yihiin.

Hoos ka Daawo Sawirada:-

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media

allgalgaduud@gmail.com


Fikradaha Akhristayaasha (0)




LATEST NEWS

HRW: Ethiopia’s refugees unsafe in Kenya
- Sep 21, 2017
Wako” fled Ethiopia for Kenya in 2012, after his release from prison. He had ...
AMISOM ends training for Somali security officers
- Sep 21, 2017
The AU Mission in Somalia has trained sixty officers from the Somali security forces ...
Museveni rallies UK to join fight against Al-Shabaab
- Sep 21, 2017
President Yoweri Museveni has called for more support to Africa as the continent moves ...
EUCAP Somalia Maritime Law and Crime Workshop in Garowe
- Sep 21, 2017
UCAP Somalia organised a Maritime Law and Crime Workshop for judges, prosecutors and police ...
200 Somali refugees detained in Yemen
- Sep 21, 2017
Detainees later sent to refugee camp in Yemen’s southern Shabwa province, local authorities say20.09.2017 Scores ...

Wararkii Ugu Danbeeyay

DHAGEYSO: Wasiirka Amniga oo sheegay inaan Shacabka Muqdisho la weydiin doonin Kaarar Aqoonsi ay ku maraan Wadooyinka Muqdisho
- Sep 21, 2017
Wasiirka Amniga Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Abuukar Isloow Ducaale oo hadal kooban ka jeediyay munaasabad ...
DAAWO: 4-Sano ka dib Shabaab oo runta ka sheegay tirada raggii fuliyay weerarkii Westgate
- Sep 21, 2017
21-kii September 2013-kii Afar sano ka hor maanta oo kale waxaa dhacay weerarkii lagu ...
WARBIXIN+SAWIRRO : Shirka Golaha Wasiirada oo looga hadlay Mowqifka Soomaaliya ee Arrimaha Khaliijka, Arrimaha Amniga, Miisaaniyada 2018 iyo arrimo kale.
- Sep 21, 2017
Golaha Wasiirada ee Xukuumada Federaalka Soomaaliya ayaa maanta yeeshay kulankoodii caadiga ahaa oo uu ...
WAR CUSUB+DHAGEYSO: Al-Shabaab oo shaaciyay iney dilayaan ninkii u gefay Nabi Maxamed (NNKH)
- Sep 21, 2017
Ururka Xiriirka la leh Al-Qaa’ida ee Al-Shabaab ayaa war ay soo saareen waxay ku ...
Galmudug oo faraha kula jirta Qorshe ina ka badan 100-dhalinyaro ah farxad gelin doona
- Sep 21, 2017
Maamulka Galmudug sheegay in shaqo abuur ay u sameyn doonaan in ka badan 100 ...
DHAGEYSO: Ciidamada Dowladda oo Howlgal Amniga lagu sugayo ka sameeyay Shabeellaha Hoose
- Sep 21, 2017
Ciidamda Xoogga dalka Soomaaliya ayaa Saacadihii la soo dhaafay waxa ay howlgallo kala duwan ...