Wada hadalka Britain iyo Yurub oo maanta furmaya iyo qodobo Xasaasi ah oo laga hadlayo

Maanta oo Isniin ah waxaa magaalada Brussels ka furmaya shirkii ugu horreeyay ee dalka Britain uu rasmi ahaan kaga baxayo ururka MIdowga Yurub. Waxaa kulankaas ka qayb gelaya wasiirka dowladda UK u qaabilsan ka bixidda Midowga Yurub iyo wakiilka Midowga Yurub u xilsaarteen wada xaajoodka labada dhinac.

Wada xaajoodka rasmiga ah ee ka bixidda Midowga Yurub waxaa marka ugu horreysa diiradda lagu saarayaa arrimo ku saabsan sidii dalka UK uu uga guuri lahaa ururka Midowga Yurub, sida uu sheegay ururkaasi inuu jecel yahay inay u dhacaan wada xaajoodyadu iyadoo xiriirka mustaqbalka ee labada dhinac lagaga hadli doono kulammada dambe.

Waaxda dalka Britain u qaabilsan ka bixidda Midowga Yurub waxay sheegtay inay weli ku dheggan tahay aragtida ah in la isku barbar wado bixitaanka iyo xiriirka mustaqbalka sida uu noqonayo.

Wada hadalka maanta ka dhacaya Brussels waa kan keliya ee toddobaadkan la isugu imanayo, iyadoo wada hadallada loogu talagalay in la qabto bil walba inta lagu jiro xilligan kulaylaha oo dhan.

Midowga Yurub waxay sheegeen in loo baahan yahay in arrimaha kala bixidda sida xuquuqda muwaadiniinta iyo waajibaadka maaliyadeed ee dalka UK laga rabo inuu bixiyo lagaga doodo qaybta 1aad ee wada hadallada xiriirka ah.

Hase yeeshee wasiirka maaliyadda ee Britain, Philip Hammond, waxaa uu BBC-da u sheegay in loo baahan yahay in UK ay xoogga saarto ilaalinta shaqooyinka, koritaanka dhaqaalaha iyo barwaaqada dalka.

Midowga Yurub waxay rajeynaysaa in wixii heshiis ganacsi ku saabsan laga wada hadlo bisha Oktoobar haddii horumar laga gaaro kala bixidda.

Wada hadallada maanta Brussels ku dhexmaraya wasiirka Britain ee ka bixidda EU, David Davis iyo wakiilka ururkaas u qaabilsan wada xaajoodka, Michel Barnier, waxay la xiriiraan kulan hordhac ahaa oo saraakiil labada dhinac ku dhexmaray Brussels.

 

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media

allgalgaduud@gmail.com


Fikradaha Akhristayaasha (0)




Advertisement

Wararkii Ugu Danbeeyay

DAAWO:- Qabiil kamid ah Qabiilada dalka Liibiya oo ku taliyay in talada dalkaas loo dhiibo Sayf Islaam Qadaafi.
- Jun 26, 2017
Ahmad al-Shalahli oo ka soo jeeda qabiilka al-Sayan ayaa ku taliyay in hogaanka dalka ...
DAAWO:- Dabaaldagii 26-ka Juun Iyo Khudbadii Madaxweyne Farmaajo maanta ka jeediyay taalada Daljirka Dahsoon ee magaalada Muqdisho.
- Jun 26, 2017
Ciidamo dhalinyaro boolis ah ayaa roondo iyo dhoolatus ka sameynayay xuska 57 sano guuradii ...
DHAGEYSO:- Shacabka Laascaanood oo Hambalyo iyo Fariin u diray Dawladda Soomaaliya sheegayna inay muqadas tahay midnimada Soomaaliya.
- Jun 26, 2017
Shacabka magaalada Laascaano ee xarunta gobolka Sool, ayaa cadeeyay midnimada Soomaaliya inay tahay mid ...
XOG:- Lataliyihii Ammaanka Qaranka Ee Madaxweyne Farmaajo oo Xilkii laga qaaday.
- Jun 26, 2017
Wararka maanta laga helayo ilo wareedyadeena u dhuun daloola Villa Soomaaliya Xarunta Madaxtooyada ayaa ...
DHAGEYSO:- Taliyaha Ciidamada Puntland Gen. Saciid Dheere oo ka warbixiyay dagaal dhexmaray Ciidamadooda iyo kuwa Daacish.
- Jun 26, 2017
Taliyaha ciidamada maamulka Puntland Jeneral Saciid Maxamed Xirsi (Saciid Dheere), ayaa ka warnbixiyay weerar ...
DAAWO:- Taaladii Dhagaxtuur ee magaalada Muqdisho oo boorka laga jafay.
- Jun 26, 2017
Maamulka degmada Waaberi ee gobolka Banaadir ayaa mudo dheer kadib ku guuleystay in dib ...