TOP DHAGEYSO:- Madaxweynaha Maamulka Hirshabeelle oo ka hadlay Wax ka bedelka Dastuurka

Madaxweynaha Maamulka Hirshabeelle Cali C/llaahi Cosoble ayaa sheegay in shaqo badan ay u baahan tahay wax ka badal in lagu sameeyo Dastuurka Maamulka Hirshabeelle.

Cosoble ayaa sidoo kale sheegay in aysan sahlaneyn wax ka badalka Dastuurka isla markaana ay u baahan tahay waqti badan iyo dadaal dheeri ah.

Waxa uu sheegay in Xildhibaano dano gaar ah wata in ay doonayaan in ay bilaabaan qorshe wax loogu badalayo Dastuurka Maamulka Hirshabeelle balse arrintaasi aysan suurta gal ahayn.

Waxa uu tilmaamay in Maamulka Hirshabeelle uusan la mid ahayn Maamulada kale ee dalka ka jira, loona baahan yahay sida uu sheegay in Xildhibaanada aysan ku dayan maamuladaasi.

Dhawaan ayay ahayd markii Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Maamulka Hirshabeelle ay soo jeediyeen in wax ka badal lagu sameeyo Dastuurka Maamulka Hirshabeelle.

HALKAAN KA DHAGEYSO

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media

allgalgaduud@gmail.com


Fikradaha Akhristayaasha (1)

  1. Eerible Faranfar says:

    WALLEE HAAKAH LAGUMA YIRAA DASTUUR UU ALKOLIISTE XOOSH DIYAARIYAY.

    KHAMRI IYO DASTUUR QOROOW, HAL QOL MA WADA QAADO E.




Advertisement

Wararkii Ugu Danbeeyay

WAR DEG DEG: Wasiiru Dowlaha Arrimaha dibadda Ingiriiska oo soo gaaray Muqdisho
- Aug 19, 2017
Wafdi uu hoggaaminayo Wasiiru dowlaha Arrimaha dibadda ee dowladda Britain ayaa maanta soo gaaray ...
Maxaa Kusoo Kordhay Xaaladda Deegaanka Bariire Ee Sh/hoose?
- Aug 19, 2017
Degaanshiyo ayaa laga dareemayaa deegaanka Bariire ee gobolka Shabellaha Hoose, halkaasi oo saakay ay ...
AKHRISO:- Maxaa ka cusub Dagaalka Buuhoodle?
- Aug 19, 2017
Faah faahin dheeraad ah ayaa laga helayaa dagaal khasaare geystay oo maanta ka dhacay ...
Qaramada Midoobe oo u Digtay Somalia iyo Syria
- Aug 19, 2017
Qaramada Midoobe ayaa shaaca ka qaaday in ay ka walaacsan tahay Askareynta Caruurta aadka ...
AKHRISO:- Magacyada Musharixiinta Gudoomiye ku xigeenka Koowaad ee Golaha Wakiilada Somaliland
- Aug 19, 2017
Xogheynta Golaha Wakiilada Maamulka Soomaaliland ayaa soo saaray Liiska Musharixiinta u taagan qabashada xilka ...
DHAGEYSO:- Dad Xoolo dhaqato ah oo lagu dilay Gobolka Mudug
- Aug 19, 2017
Wararka aan ka heleyno deegaanka Qarqoore ee Gobolka Mudug ayaa waxa ay sheegayaan in ...