Shacabka Muqdisho oo caqabad weyn la soo gudboonaatay

Iyadoo maalmahan Magaalada Muqdisho dadka si weyn ay isugu diyaarinayaan Ciida oo suuqyada Magaalada ay buux dhaafiyeen dadweyne kala duwan oo ka yimid xaafaddaha Magaalada, ayaa shacabka waxaa haysata caqabad weyn oo masuuliyadeeda ay leedahay dowladda Federalka Somaliya.

Habeen hore ayaa Magaalada waxaa ka bilowday hawlgal wado jaris ah oo guud ahaan lagu goynaayay jidcadyaasha dhexmara xaafaddaha Magaalada Muqdisho dhexdeeda, waxaana hawlgalkaasi fulinaayay ciidamada NISA.

Hawlgalka ayaa waxaa laga bilaabay Isgoyska Danwadaagta Degmada Wadajir, waxaana guud ahaan la jaray wadooyinka Jidcadyaasha ee xaafadda Buulo Xuubey ka soo baxa, kadibna sida tooska ah ugu dhaca laamiga.

Dhagxaan waaweyn ayaa lagu jaray, taasi oo aanan saamaxeyn gaadiidka inay maraan iyo sidoo kale Mootooyinka, tani waxa ay muujinaysa cunaqabateyn dadban inay tahay, sababtuna waxa ay tahay qof xanuunsan oo aanan socon karin gaadiid in aanan gurigiisa looga soo qaadi karin.

Hadal hayn kala duwan ayaa Magaalada ka bilaabatay, iyadoo dadka tusaale u soo qaadanaya balan qaadkii ahaa Madaxweyne Farmaajo ee furista wadooyinka xiran dhamaan, xilligii ololaha doorashada ayuu sameeyay balan qaadkaasi, laakiin hadalkaasi wuxuu isku bedelay mid sii xiray wadooyin horay u furnaa oo shaqeynaayay.

Bulshada Magaalada Muqdisho ayaa muujinaysa walaaca ka haysta hab dhaqanka cusub ee dowladda, laguna cunaqabateynaayo Bulshada ku nool caasimadda dalka ee u baahan helida amni buuxa.

Hay’addaha ammaanka dowladda ayaa lagu dhaliila inay la yimaadaan fikrado aanan macno badan ku fadhin oo ay ku sheegaan inay ku sugayaan ammaanka, laakiin sida hadda ay wax ku socdaan ayaa u muuqda iska hor keenida shacabka iyo dowladda.

Shacabka ayaa waxa ay ugu baaqeen Dowladda Somaliya inay furto wadooyinka ay xirtay dowladda si bulshada ay u helaan adeegyada aas-aasiga ah ee ay u baahan yihiin.

 

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media

allgalgaduud@gmail.com


Fikradaha Akhristayaasha (2)

  1. Eerible Faranfar says:

    KHAMRI IYO QORID DASTUUR MEEL ISLA MA GALAAN.

  2. Eerible Faranfar says:

    INTA DHAB LOOGA HESHIINAYO, DAAROOD MACAL FARMAAJAHOODA MARTI BUU KU YAHAY MUQDISHO.

    DAGAAL BAA LAGU KALA TEGEY.

    HAWIYE ISAGAA DALKII U HARAY.

    MA JIRTO CID LAGU GAADI KARO HUB KA DHIGIS

    IYO DIBU-HESHIISIIN GACAN KU RIMIS AH.

    DAROOD HA ISA SOO DHIIBO AMA DAGAAL HA SOO

    QAADO DAGAA BAREER AH OO HA U AARSADO

    SIDII NIN RAG AH.

    BARYOOTANKA IYO KHAYAANADA UU DAAROOD ISKU

    DHEX WADO HA KALA DAAYO.

    HUB KA DHIGIS IYO DIBU-HESHIISIIN GACAN

    KU RIMIS AH HAWIYE LAGUMA GAADAYO.

    DAAROOD HA LA YIMAADO AMA AF GAALO AMA AF

    MUSLIN.




Advertisement

Wararkii Ugu Danbeeyay

DAAWO:- Qabiil kamid ah Qabiilada dalka Liibiya oo ku taliyay in talada dalkaas loo dhiibo Sayf Islaam Qadaafi.
- Jun 26, 2017
Ahmad al-Shalahli oo ka soo jeeda qabiilka al-Sayan ayaa ku taliyay in hogaanka dalka ...
DAAWO:- Dabaaldagii 26-ka Juun Iyo Khudbadii Madaxweyne Farmaajo maanta ka jeediyay taalada Daljirka Dahsoon ee magaalada Muqdisho.
- Jun 26, 2017
Ciidamo dhalinyaro boolis ah ayaa roondo iyo dhoolatus ka sameynayay xuska 57 sano guuradii ...
DHAGEYSO:- Shacabka Laascaanood oo Hambalyo iyo Fariin u diray Dawladda Soomaaliya sheegayna inay muqadas tahay midnimada Soomaaliya.
- Jun 26, 2017
Shacabka magaalada Laascaano ee xarunta gobolka Sool, ayaa cadeeyay midnimada Soomaaliya inay tahay mid ...
XOG:- Lataliyihii Ammaanka Qaranka Ee Madaxweyne Farmaajo oo Xilkii laga qaaday.
- Jun 26, 2017
Wararka maanta laga helayo ilo wareedyadeena u dhuun daloola Villa Soomaaliya Xarunta Madaxtooyada ayaa ...
DHAGEYSO:- Taliyaha Ciidamada Puntland Gen. Saciid Dheere oo ka warbixiyay dagaal dhexmaray Ciidamadooda iyo kuwa Daacish.
- Jun 26, 2017
Taliyaha ciidamada maamulka Puntland Jeneral Saciid Maxamed Xirsi (Saciid Dheere), ayaa ka warnbixiyay weerar ...
DAAWO:- Taaladii Dhagaxtuur ee magaalada Muqdisho oo boorka laga jafay.
- Jun 26, 2017
Maamulka degmada Waaberi ee gobolka Banaadir ayaa mudo dheer kadib ku guuleystay in dib ...