MAQAAL:- Maxay Culimada iyo Odayaasha Dhaqanka Soomaaliyeed u daawanayaan heyb-sooca iyo dulmiga lagu hayo qaar ka mid ah beelaha Soomaalida?

Marka hore waxaan idn leeyahay Ramadaan kariin. Marka xiga, Waxaan qormadan kaga hadli doonaa haddii uu Rabbi idmo mawduuc aad ugu muhiimsan bulshada Soomaaliyeed ee Muslimka ah. Mowduucan, Ayaa ku saabsan xaqiraadda, heyb-sooca iyo waliba dulmiga lagu hayo qaar ka mid ah beelaha Soomaalida oo waayadan dulmigoodu uu noqday wax iska caadi ah sida aad Adinkuba ka warqabtaan. Inta aan ku gudajiro qormada, Waxa aan ka hadli doonaa sababaha keenayo in Culimada iyo Odayaasha Dhaqanka ay daawadaan dulmiga baaahsan ee lagu hayo dadkaasi walaalaha ah.

Balse Inta aanan u galin dulucda qormada, Aan marka hore ka waramo dowrka Culimada iyo Odayaasha Dhaqanku ay ku leeyihiin Bulshadeena, Anigoo waliba mid mid uga hadli doona haddii uu Rabbi idmo. Walaalayaal, Sida aad ka warqabtaanba, Culimadeennu waxa ay leeyihiin dowr aad u weyn, Kaasi oo uu Sharcigu tilmaamay. Tusaale ahaan, Nabigeennu waxa uu leeyahay salalaahu calayhi wasalam “Culimadu waa kuwa dhaxlay Anbiyada” Xadiithkan, Waxa uu si dhab ah u cadeynayaa dowrkaasi weyn ee ay Culimadu leedahay ee maanta gaabiska ah.

Waxa uu sidoo kale Xadiithku tilmaamayaa in Wadaadadu ay yihiin hogaamiyaasha rasmiga ee mujtamic kasta oo Muslim ah zabankuu doonaba ha noolaadee, Mar haddii ay Culimadu yihiin kuwa dhaxlay Anbiyada iyo Rususha Alle. Walaalayaal, Culimadu waa lab-dhabarka mujtamicaadka Muslimiinta, maxaa yeelay waa Iyaga kuwa dadka diinta bara, Islmarkaana kheyrka ku towjiihiya. Sidoo kale, Wadaadadu waa kuwa Umadda ka reeba munkarka (wax kasta oo xun), Islamarkaana wanaagga (wax kasta oo wanaagsan) fara.

Arintan kuma koobna dadka Muslimiinta oo qura, Bal waxaa la wadaago dadyowga kale ee Dunida ku nool sida Yahuudda iyo Kirishtaanka oo kale, Kuwaasi oo Iyana leh wadaaddo ku towjiihiya mujtamicaadkooda waxyaabaha u wanaagsan bulshooyinkooda. Marka aad maanta isbarbardhigto xaaladaha ay ku kala sugan yihiin wadaadada Muslimiinta iyo wadaadada dadyowga kale, Waxaa runtii kuu soo baxayso farqi aad u weyn oo runtii aad la yaabto. Tusaale ahaan, Waxaad arkeysaa wadaadada dimaha kale oo la ixtiraamayo, Islamarkaana la dhageysanayo, halka kuwa Muslimiinta aysan taasi haysan cid kastaaba sabab ha u noqotee.

Haddii aan u imaado dowrka Odayaash Dhaqanka Soomaaliyeed, Waxan oran karaa waa qeybta labaad ee ku xigta Culimada marka aanu ka hadleyno hogaaminta Umadda iyo towjiihinteeda. Waxaan kaloo oran karaa dowrka Odayaasha waa lagama maarmaan, Maxaa yeelay, Bulshadeennu waa bulsho u dhisan hab qabiil oo mararka qaar uu qabiilku ka xoog badan yahay deegaan, xirfad iyo waliba is-kooxeysi ku dhisan aragti noocay doontaba ha noqotee. Odayaasha Dhaqanku, Waa kuwa hogaamiya beelaha iyo jilibyada uu ka kooban yahay qabiilkan na wareeriyey ee sida xun loo isticmaalayo.

Walaalayaal, Dowrka Odayaasha Dhaqanku waa mid muhiim ah, gaar ahaan marka la doonayo in wax la saxo, maadaama ay Iyagu yihiin kuwa matala qabaa’ilada aan magacyadooda maqalno sida Daarood, Hawiye, Isaaq iyo kuwa la midka ah. Sidoo kale, Dowrka Odoyaasha waa lagama-maarmaan marka lala dagaalamayo qabyaaladda iyo xaqiraadda lagu hayo beelaha qaar. Sedexda qabiil ee aan magacyadooda soo sheegay waa kuwa masuulka ah dhibaatadii dalkan ka dhacday iyo wixii ka dhashayba sida faragelinta shisheeyaha ee maanta taagan oo kale iyo boobka ku socda kheyraadka dalkeenna.

Inta aanan gelin dulucda qormada, Aan sidoo kale ka waramo waxa ay Diinta Islaamku ka qabto xaqiraadda, heyb-sooca, faquuqa iyo waliba dulmiga lagu hayo qaar ka mid ah beelaha Soomaalida ee Muslimiinta ah. Walaalayaal, Diinta Islaaamku waa ay reebtay in la is xaqiro, in la is heyb-sooco iyo waliba in la is dulmiyo, Taana waxaa daliil ah aayadda 11-aad ee suuratul Xujuraad iyo waliba Axaadiith kaloo fara badan. Aayadda aan soo sheegay, Waxa uu Alle ku reebay in dadka mu’miniinta ay is xaqiraan iyo in ay magacyo xun xun isugu yeeraan.

Dhanka Axaadiithta Iyagu tiro malahan, Waxaana ka mid ah xadiith uu warinayo Imaamu Muslim oo uu Nabigu leeyahay (scw) ” Qofka Muslimka waa walaalkii qofka kale ee Muslimka ah, Mana dulmiyo, Mana hoojiyo, Mana xaqiro. Qofka, waxaa shar ugu filan in uu xaqiro walaalkiisa Muslimka ah ” Waxaa kaloo jira xadiith kale oo uu warinayo Imaamu Muslim oo uu Nabigu (scw) leeyahay ” janada galimaayo qof uu qalbigiisa ka buuxo wax yar oo kibir ah” Markaasaa Rasuulka la weydiiyey waxa uu kibirku yahay. Wuxuuna ku jawaabay: Kibirku waa xaqa oo la iska weyneysiiyo iyo dadka oo la xaqiro.

Nusuusta aan soo sheegay iyo kuwa kale oo lagu darayba, Waxa ay dhamaantood noo cadeynayaan in dadka Muslimiinta ay ka reeban tahay in ay is heyb-soocaan. Waxaa kaloo ay nusuustaasi noo sheegeysaa in ay reeban tahay in xaqa la iska weyneysiiyo, gaar ahaan marka la isu sheego. Sidee xaq la isaga weyneysiin karaa Iyadoo la yahay bini’aadam daciif ah ? Sideese ku dhici kartaa in la faquuqo dad Muslimiin oo waliba Soomaali ah ? Aawayse walaalnimadii Islaamka iyo xaqii jaarka !!

Haddii aan dib ugu soo laabto dulucda qormadeyda oo aan maanta kaga waramayo Sababaha keenayo in Culimada iyo Odayaasha Dhaqanka Soomaaliyeed ay daawadaan xaqiraada, faquuqa, yasidda iyo waliba dulmiga lagu hayo qaar ka mid ah beelaha Soomaalida, halka dhinaca kalena maalin walba la soo dhaweysanayo, bal dhaqaalo bilaasha ah la siinayo cadowgii Umadda ee soo jireenka ahaa. Anigu, Markan isweydiiyey sababaha keenayo in Culimadu ay daawadaan dulmigan lagu hayo dadkaasi walaalaha, Waxaa runtii ii soo baxday in Wadaadadu ay cabsadeen, Islamarkaana ay go’aansadeen in ay ka fogaadaan meelaha ay isaga dhici karaan Iyaga iyo siyaasyiinta iyo waliba kuwa qabiilka ku shaqeysta.

Sidan soo sheegeyba, Culimada Soomaaliyeed waa ay baqeen sababo badan oo jira awgood, Waana middaasi midda keeneysa in ay ku dhiiran waayaan wax ka sheegidda dulmiga iyo faquuqa baahsan ee lagu hayo beelaha qaar. Tusaale ahaan, Maxaa lagu fasiri karaa marka dad Soomaali ah lagu dulminayo deegaanno ay joogaan Culimo badan oo Soomaaliyeed ? Maxaase Culimada u diidayo in ay qabtaan kulamo waa weyn oo lagu canbaareynayo dulmiga iyo heybsooca ka dhex jira Bulshada waa haddii aysan baqeynine ? Ma jiraa dulmi ka weyn in wiil Soomaaliyeed loo diido gabar qabiilka uu ka dhashay dartii ?

Haddii Culimadu aysan baqeynin may soo saaraan fatwooyin liddi ku ah kuwa caadeysta faquuqa iyo heyb-sooca ? Mise lama doonayo in beesha iyo maamul beeleedkeeda lagu soo jeediyo dadweynaha Soomaaliyeed ee sharafta badan? Sidee loo daawan karaa dulmi iyo heyb-sooc maalin walba taagan. Anigu, Waxaan ka mid ahay dadka taageera Culimada Soomaaliyeed, Islamarkaana dhegeysta tawjiihaadkooda, Laakiin waxaa waayadan ii muuqda dhaliilo fara badan iyo waliba gaabis aan cudur-daar la hayn.

Sidee Culimadeennu u daawan kartaa dulimiga iyo heyb-sooca ka jira deegaanada ay ka taliyaan maamulada kala ah Soomaaliland iyo Buntland oo ah meelaha ugu badan ee beelaha qaar lagu heyb-sooco ? Yeyse culimo u noqonayaan marka ay ka hadli waayaan dhibaato ka dhex jirta Bulshadeena ? Sideese loo aqbali karaa in wiil Soomaaliyeed loo diido gabar Soomaaliyeed oo uu gayaankeeda yahay ? Sow Nabigeenna ma oran “Haddii uu idiin yimaado qof aad ku raali tihiin diintiisa iyo akhlaaqdiisa u guuriya haddii aydan sidaasi sameyn waxa dhaceysa finto iyo fasaad badan.

Tan Odayaasha Dhaqanka, Anigu waxaan qabaa in Duqowda ay dayaceen howshii ay Bulshada u hayeen, Taana waxaa daliil u ah dhibaatada aannu maanta ka warameyno. Waxaa kaloo daliil u ah dhibaatooyinka kale ee maanta dadka Soomaalida ku haysta dal iyo dibadba. Odoyaasha Dhaqanku,, Waxa ay gacmo iyo af u noqdeen kuwa sheegta siyaasiyiinta iyo kalkaaliyaashooda ku qaraabta magaca qabiilka, Waana halkaasi halka ay ka dayaceen masuuliyaddii ay Bulshada u hayeen. Wali ma aragteen Odoyaasha Dhaqanka oo qabanayo shirar looga soo horjeedo heyb-sooca iyo dulimga ka dhex jira Bulshada ?

Anigu, Waxaan qabaa in Culimadeennu iyo Odayaasha Dhaqanka ay ka gaabiyeen sidii ay wax uga qaban lahayeen dhibaatadan baahsan ee maalin walba taagan. Waana arintaas arinta igu qasbeysa inaan qormadan qoro, Si aan Culimada iyo Odayaasha Dhaqanka ugu soo jeediyo in ay wax ka qabtaan musiibadan dhaawaceysa xariirka walaalnimo ee ka dhaxeeya dadweynaha Sooomaaliyeed maadaama ay Iyagu yihiin kuwa hogaamiya Bulshada Soomaaliyeed meel kastooy joogtaba. Runtii, Suuragal ma’ahan in la daawado dhibaato weyn oo ka dhex jirta Bulshadeenan Muslimka ah.

Walalayaal, Ficilkan fooshaxun ee heyb-sooca, Waxaa uu dhaqan u yahay dadka badowda ee aan waxba fahmin. Tusaale ahaan, Sidee qof wax bartay ama wax fahmay uu u cunsuriyeyn karaa qof bini’aadam oo Isaga la mid oo waliba la diin iyo dhaqan ah ? Waxa uu sidoo kale ficilkan caado u yahay dadka aan fahmin habka uu Alle u abuuray koonkan iyo ujeedada uu ka leeyahayba. Sow Allaah ma oran ” Dadow waxaan idinka abuurnay lab iyo dhedig, Waxaan idinka yeelnay qabaa’illo iyo shucuub si aad isugu garataan, Waxaana idin kugu karaamo badan Alle agtii kiina idinkugu cabsi badan”

Haddii aad u firsato deegaanada uu ka jiro heyb-sooca iyo faquuuqa lagu hayo beelaha qaar, Waxaa runtii kuu soo baxaysa in uu ficilkan shaniica ahi uu ku badan yahay deegaanada ay ku badan yihiin beelaha Isaaqa iyo Daaroodka, walow ay jiraan dad beelahaasi ka soo jeeda oo hadana dhaqankaasi diiddan. Waa ceyb iyo foolxumo runtii in dad Soomaali ah lagu xaqiro gudaha dalkooda hooyo bilaa sabab. Dadku miyaa laga diin badan yahay, mise weeyan hubeysneyn ? Miyaa laga qurux iyo qiimo badan yahay, Mise waxayan aqoonin sida shisheeyaha hub looga soo qaato ? Maxay dadkan geysteen oo loo hey-soocayaa !!

Walaalayaal, Waxaa maalin walba dhegeheenna ku soo dhacayo dhacdooyin xanuun badan oo uu heyb-soocu sabab u yahay sida tii ka dhacday deegaanada uu ka taliyo maamulka Soomaaliland oo kale, Halkaasi oo si xun loogu jirdilay gabar yar oo ka soo jeedda beesha Isaaq, ka dib markii ay guursatay wiil Soomaaliyeed oo Muslim ah oo ka soo jeeda beesha Gabooye. Dhibaatada gabadhaasi, Waxa ay marqaati u tahay badowtinimada iyo jahliga maanta ka dhex jira Bulshadeenna, Taasi oo runtii loo baahan yahay in la joojiyo dariiq kastaba ha loo maree.

Ikhwaanii, Bulshadeennu waxa ay qabtaa cuduro badan oo loo baahan yahay in laga daweeyo, Kuwaasi oo qeyrkeeda ka reebay. Waxaana cuduradaasi ka mid ah qabyaaladda, jahliga, heyb-sooca, laaluushka, eexda, balwadda, fudeydka, shaqooyinka qaar oo la isku caayo iyo waliba ixtiraam la’aan loo hayo taariikhda iyo sooyaalkeeda. Haddii aan la helin dad Soomaaliyeed oo mufakiriin ah, Kuwaasi oo u istaaga sidii ay wax uga qaban lahaayeen cudurada aan soo sheegay, Waxaa runtii dhici karta in ay qatar galaan midnimada iyo madaxbanaanida dalka oo macno badan noogu fadhida.

Gabogabadii iyo gunaanudkii, Waxaan soo jeedinayaa talooyin dhowr ah oo aan isleeyahay, Waxay ay wax ka qaban karaan dhaqankan fooshaxun ee ay badowdu caadada ka dhigatay. Waxaana talooyinkaasi ka mid ah kuwa soo socda oo aan rajeynayo in ay qaadan doonaan Culimada Soomaaliyeed iyo Odoyaasha Dhaqanka iyo waliba Madaxda dalka ka jirta sida Madaxweyne Farmaajo oo kale, oo aan runtii aaminsanahay in uu gacan ka geysan kara sidii loola dagaalami lahaa dhaqankan liita ee heyb-sooca.

1- In la qabto shirar waa weyn oo looga hadlayo sidii loo joojin lahaa heyb-sooca iyo faquuqa lagu hayo beelaha qaar.

2-In shirarkaasi lagu kala qabto magaalooyinka waa weyn ee dalka sida Muqdisho, Hargeysa, Garoowe iyo waliba Baydhabo oo kale.

3-In Warbaahinta iyo Masaajidda ay ka qeybqaataan sidii loola dagaalami lahaa dhaqankaasi fooshaxun.

4-In la soo saaro sharciyo danbi ka dhigayo heyb-sooca iyo faquuqa ka dhexjira Bulshada.

5-In la siiyo beelaha la heyb-sooca xilal waaweyn oo saameyntooda leh sida madaxweyne oo kale.

6-In guurka iyo xididtinimada loo isticmaallo aalad lagula dagaalamo heyb-sooca, Si loo helo bulsho is jecel oo caafimaad qabta.
W/Q: Maxamed (ragow)
Ragow1960@hotmail.com

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media

allgalgaduud@gmail.com


Fikradaha Akhristayaasha (0)




Advertisement

Wararkii Ugu Danbeeyay

DAAWO:- Qabiil kamid ah Qabiilada dalka Liibiya oo ku taliyay in talada dalkaas loo dhiibo Sayf Islaam Qadaafi.
- Jun 26, 2017
Ahmad al-Shalahli oo ka soo jeeda qabiilka al-Sayan ayaa ku taliyay in hogaanka dalka ...
DAAWO:- Dabaaldagii 26-ka Juun Iyo Khudbadii Madaxweyne Farmaajo maanta ka jeediyay taalada Daljirka Dahsoon ee magaalada Muqdisho.
- Jun 26, 2017
Ciidamo dhalinyaro boolis ah ayaa roondo iyo dhoolatus ka sameynayay xuska 57 sano guuradii ...
DHAGEYSO:- Shacabka Laascaanood oo Hambalyo iyo Fariin u diray Dawladda Soomaaliya sheegayna inay muqadas tahay midnimada Soomaaliya.
- Jun 26, 2017
Shacabka magaalada Laascaano ee xarunta gobolka Sool, ayaa cadeeyay midnimada Soomaaliya inay tahay mid ...
XOG:- Lataliyihii Ammaanka Qaranka Ee Madaxweyne Farmaajo oo Xilkii laga qaaday.
- Jun 26, 2017
Wararka maanta laga helayo ilo wareedyadeena u dhuun daloola Villa Soomaaliya Xarunta Madaxtooyada ayaa ...
DHAGEYSO:- Taliyaha Ciidamada Puntland Gen. Saciid Dheere oo ka warbixiyay dagaal dhexmaray Ciidamadooda iyo kuwa Daacish.
- Jun 26, 2017
Taliyaha ciidamada maamulka Puntland Jeneral Saciid Maxamed Xirsi (Saciid Dheere), ayaa ka warnbixiyay weerar ...
DAAWO:- Taaladii Dhagaxtuur ee magaalada Muqdisho oo boorka laga jafay.
- Jun 26, 2017
Maamulka degmada Waaberi ee gobolka Banaadir ayaa mudo dheer kadib ku guuleystay in dib ...