DAAWO SAWIRADA:- Wasiir Xoosh oo la kulmay Gudoomiyaha Guddiga Madaxabanaan ee Doorashooyinka

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dastuurka Mudane Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil ayaa maanta xafiiskiisa kula shiray Gudoomiyaha Guddiga Madaxbanaan ee Doorashooyinka Xaliima Ismaaciil Ibraahim, waxa ayna kawada hadleen sidii loo xoojin lahaa xiriirka iyo wadashaqaynta ka dhaxeeysa Wasaaradda iyo Guddiga.

Wasiir Cabdiraxmaan Xoosh oo shirka ay ku wehliyeen Agaasimaha Guud ee Wasaaradda iyo Qaar kamid ah La taliyayaasha Wasaaradda ayaa u ballanqaaday Guddiga in ay la yeellan doonaan wadashaqayn joogta ah.

“Wasaaradda iyo Guddiga waxa ay dalka u hayaan hawl muhiim u ah gaarista doorashada Qof iyo Cod ee la doonayo in dalka ay ka dhacdo 4ta sanno ee soo socota, waa inaan yeelanaa wadashaqayn joogta ah si aan uga soo dhalaalno waajibaadka ina saran ee shacabka Soomaaliyeed inaga sugayaan” ayuu yiri Wasiirka.

Ugu dambeyn, kulankan ayaa bilow u ah wadashaqeyn dhexmarta Wasaaradda iyo Guddiga maadaama Geedi-socodka dib u eegsita Dastuurka ee ay Wasaaradda hirgelineyso uu wadada u furayo gaarista doorasho Qof iyo Cod oo dalkeenna ka dhacda.

Hoos ka Daawo Sawirada:-

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media

allgalgaduud@gmail.com


Fikradaha Akhristayaasha (0)




Advertisement

Wararkii Ugu Danbeeyay

DAAWO:- Qabiil kamid ah Qabiilada dalka Liibiya oo ku taliyay in talada dalkaas loo dhiibo Sayf Islaam Qadaafi.
- Jun 26, 2017
Ahmad al-Shalahli oo ka soo jeeda qabiilka al-Sayan ayaa ku taliyay in hogaanka dalka ...
DAAWO:- Dabaaldagii 26-ka Juun Iyo Khudbadii Madaxweyne Farmaajo maanta ka jeediyay taalada Daljirka Dahsoon ee magaalada Muqdisho.
- Jun 26, 2017
Ciidamo dhalinyaro boolis ah ayaa roondo iyo dhoolatus ka sameynayay xuska 57 sano guuradii ...
DHAGEYSO:- Shacabka Laascaanood oo Hambalyo iyo Fariin u diray Dawladda Soomaaliya sheegayna inay muqadas tahay midnimada Soomaaliya.
- Jun 26, 2017
Shacabka magaalada Laascaano ee xarunta gobolka Sool, ayaa cadeeyay midnimada Soomaaliya inay tahay mid ...
XOG:- Lataliyihii Ammaanka Qaranka Ee Madaxweyne Farmaajo oo Xilkii laga qaaday.
- Jun 26, 2017
Wararka maanta laga helayo ilo wareedyadeena u dhuun daloola Villa Soomaaliya Xarunta Madaxtooyada ayaa ...
DHAGEYSO:- Taliyaha Ciidamada Puntland Gen. Saciid Dheere oo ka warbixiyay dagaal dhexmaray Ciidamadooda iyo kuwa Daacish.
- Jun 26, 2017
Taliyaha ciidamada maamulka Puntland Jeneral Saciid Maxamed Xirsi (Saciid Dheere), ayaa ka warnbixiyay weerar ...
DAAWO:- Taaladii Dhagaxtuur ee magaalada Muqdisho oo boorka laga jafay.
- Jun 26, 2017
Maamulka degmada Waaberi ee gobolka Banaadir ayaa mudo dheer kadib ku guuleystay in dib ...