DAAWO SAWIRADA:- Maxkamadda ciidamada oo xukun dil ah k u riday ninkii dilay Wasiir Cabaas Siraaji

Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ayaa xukun ku riday ragii loo haystay in ay ka dambeeyeen dilka Allaha Unaxariiste Marxuum Cabaas C/laahi Sh. Siraaji oo ahaa wasiiirkii hawlaha guud iyo dib udhiska xukuumadda Federaalka Somaliya.

Gudoomiyaha Maxkamadda darajada 1-aad ee Ciidamada Qalabka sida Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute ayaa ku dhawaaqay xukunka Maxkamadda.
“Taariikhdu markay ahayd 14/06/2017, Maxkamadda Darajada 1-aad Ciidamada Qalabka Sida waxay mar sadaxaad u fariisatay Dacwad Ciqaabeedkii loo haystay eedaysane Dable Xoogga Axmad C/laahi Cabdi (Caydiid) 29 jir ah ina Nadiifo Faarax Cabdi ku dhashay Galgaduud ka tirsan Ciidanka Badda XDS, Kaas oo Xafiiska Xeer Ilaalinta ciidamada qalabka sida ku soo eedeeyay dambiga ah dil bareer ah kadib markii uu 2(labo) xabadood ku riday gaari uu watay Marxuum Cabaas C/laahi Sh. Siraaji oo ahaa wasiirkii hawlaha guud iyo dib udhiska Xukuumada Federaalka hal xabad oo ka mid ahna ay wajiga kaga dhacday marxuumka sidaasna uu ku geeriyooday. 03/05/2017 abaaro 19:00 habeenimo ,sidoo kale waxaa lagu eedeeyay in Tr 28/04/2017 abaaro 15:00 galabnimo uu sameeyay isku day dil kadib markii asagoo saaran gaari qooqan ah uu ku qabtay qorigii uu watay taliyaha saldhiga Degmada Xamar jajab iyo askartii la socotay oo shaqo ka haayay Isgoyska ceel-gaab sidaasna looga qaaday Eedaysanaha qorigii uu watay.” Ayuu yiri Gudoomiyaha Maxkamada

Gudoomiyaha Maxkamada Darajada Koowaad ee ciidamada qalabka sida Soomaaliya ayaa intaasi hadalkiisa wuxuu ku daray.
“Markay aragtay cadaymaha la horkeenay maxkamada horteeda oo ay ka mid yihiin cadaymaha laga qoray markhaatiyaasha, sawirada laga qaaday baabuurta la isticmaalayay, cabirada laga sameeyay goobta uu dilku ka dhacay, qoraygii loo adeegsaday dilka, warqada cadaynta dhimashada marxuumka, iyo warbixinta ay soo gudbiyeen waaxda baarista cilmiyaysan markay dhagaysatay Doodii u dhaxaysay dhinacyada xeer-ilaalinta CQS iyo qareenada difaacayay eedaysanaha.

Sidaas darteed, Maxkamadda waxaa u caddaatay in Dable Xoogga Axmad C/laahi Cabdi (Caydiid), uu yahay dambiile galay dambiyada lagu soo oogay waxayna ku xukuntay Dil toogasho ah, oo ah qisaasta marxuum Cabaas C/laahi Sh. Siraaji Sidoo kale maxkamadu waxay Amraysaa in xabsiga laga siidaayo Cusmaan Salaad Barre oo ka tirsan Ciidanka Asluubta So0maaliyed, hadii aan loo haysan dambi kale Ciddii aan ku qanacsanayn xukunka Maxkamadda waxaa u furan Racfaan.”

Hoos ka Daawo Sawirada:-

  

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media

allgalgaduud@gmail.com


Fikradaha Akhristayaasha (1)

  1. Samadoon Yuusuf says:

    waa soo dhoweyneyaa xukunka maxkamada denbiilaha waa in lamariyaa xeer ciqabedkiisa




Advertisement

Wararkii Ugu Danbeeyay

SAWIRRO:- Ra’iisul Wasaare Kheyre oo shir guddoomiyey kulanka guddiga Amniga Badaha.
- Jun 28, 2017
Muqdisho, 28 June 2017----Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ...
XOG:- R/wasaare Kheyre oo Xilka ka qaadaya shan Wasiir.
- Jun 28, 2017
Wararka naga soo gaaraya Ilo wareedyadeena ku sugan magalaada Muqdisho ayaa waxa ay sheegayaan ...
TOP NEWS:-Dawladda Federaalka Soomaaliya oo markabkii sameyn lahaa Fiiladii Internet-kii go’ay ka dalabtay dalka Cummaan.
- Jun 28, 2017
Dowladda Soomaaliya ayaa markabkii sameyn lahaa Fiiladii Internet-ka Fibre Optic eek a go’ay Koofurta ...
DHAGEYSO:- Xildhibaan Cabdullaahi Goodax Bare “Majiraan Xildhibaano culeys weyn leh oo mooshin ka diyaarin kara xukuumada R/wasaare Xasan Cali Kheyre” iyo dalal shisheeye. (Waxbadan ogoow)
- Jun 28, 2017
Maalmahan ugu dambeeyay ayaa waxaa soo baxay Warar sheegay inay Jiraan Xildhibaano kasoo horjeeda ...
XOG:- Fu’aad Shobgole oo dawladda Federaalka Soomaaliya isu soo dhiibaya.
- Jun 28, 2017
Wararka maanta naga soo gaaraya ilo wareedyadeena ku sugan magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in ...
TOP NEWS:- Gobolada Koonfurta Soomaaliya oo Maalintii Afaraad weli ka go’an yahay Adeega Internat- ka.
- Jun 28, 2017
Adeegga Internet-ka Soomaaliya ayaa ka maqan gobollada koonfurta maalinkii afaraad oo xiriir ah, waxaana ...