CODSI:- Dawladda Soomaaliya waa inay sharciyo adag kasoo saartaa Wasiirada, Saraakiisha iyo Xildhibaanada Taagan Maalin Walba Safaaradaha Dawladdaha Sheeye ku leeyihiin Muqdisho.

Waxaa nasiib daro ah iyo Qiyaamo Qaran in maalin walba Wasiiro, Saraakiil sare iyo Xildhibaanada Dalka Soomaaliya ay har iyo habeenba ama xiligi ay doonaan taagan yihiin safaaradaha Dawladdaha Shisheeye ku leeyihiin magaalada Muqdisho taasoo qatar ku ah Ammniga Guud ee Qaranka Soomaaliyeed ama aan oran karo waa Qiyaamo Qaran.

Dawladda waa inay sharciyo adag kasoo saarto, islamarkaana talaabo ka qaado Wasiirada ka tirsan Xukuumada FS, Saraakiisha sare ee ciidamada XDS iyo Xildhibaanada Baarlamaanka FS ee sida joogtada ah u tagaya safaaradaha dawladdaha shisheeye dalkeena u jooga iyagoo aan ku guda jirin wax shaqo ah oo dawladda ay la og tahay.

Wasiirkii, Xildhibaankii ama Sarkaalkii sare ee ka tirsan Ciidamada XDS ee taga ama lagu arko safaaradaha dawladda shisheeye isagoo aan ku guda jirin hawlo shaqo oo ay la og yihiin hay’adaha dalwadda Soomaaliya ee kala gadisan waa in sharciga lala tiigsadaa oo ciqaab adag la mariyaa.

Dawladdaha Caalamka Wasiirkii, Sarkaalkii iyo Xildhibaankii aan ku guda jirin hawl dawladdiisa la og tahay ee taga safaarado dawladdo shisheeye waad garan kartaan ciqaabta uu muteysanayo, maxaa diidaya in xiligan adag ee aan ku jirnana Soomaaliyana ay sidaa iyo si le’eg ulla dhaqanto Wasiirada, Saraakiisha iyo Xildhibaanadeeda?

Sidaa awgeed waxaan ka codsanayaa Madaxda sare ee dawladda Federaalka Soomaaliya iyagoo garan kara xaalada dalka ku jiro iyo halka loo socdo waa inay si deg deg ah u soo saaraan sharciyo looga hortagayo arrinta qatarta ku ah Ammniga Guud ee Qaranka Soomaaliyeed.

Gabgabadii waxaan rajeenayaa in codsigaygaas oo ah Danta Dalka iyo Dadka Soomaaliyeed wax laga qaban doono, si dalka iyo dadka Soomaaliyeed loo sugo geedi socodka Ammnigooda iyo Horumarkooda.

Wa Bilaahi Tawfiiq

Ugaaska Ugaasyada Soomaaliyeed
Run Sheeg Waa Ceeb Sheeg!

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media

allgalgaduud@gmail.com


Fikradaha Akhristayaasha (0)




Advertisement

Wararkii Ugu Danbeeyay

WAR DEG DEG: Wasiiru Dowlaha Arrimaha dibadda Ingiriiska oo soo gaaray Muqdisho
- Aug 19, 2017
Wafdi uu hoggaaminayo Wasiiru dowlaha Arrimaha dibadda ee dowladda Britain ayaa maanta soo gaaray ...
Maxaa Kusoo Kordhay Xaaladda Deegaanka Bariire Ee Sh/hoose?
- Aug 19, 2017
Degaanshiyo ayaa laga dareemayaa deegaanka Bariire ee gobolka Shabellaha Hoose, halkaasi oo saakay ay ...
AKHRISO:- Maxaa ka cusub Dagaalka Buuhoodle?
- Aug 19, 2017
Faah faahin dheeraad ah ayaa laga helayaa dagaal khasaare geystay oo maanta ka dhacay ...
Qaramada Midoobe oo u Digtay Somalia iyo Syria
- Aug 19, 2017
Qaramada Midoobe ayaa shaaca ka qaaday in ay ka walaacsan tahay Askareynta Caruurta aadka ...
AKHRISO:- Magacyada Musharixiinta Gudoomiye ku xigeenka Koowaad ee Golaha Wakiilada Somaliland
- Aug 19, 2017
Xogheynta Golaha Wakiilada Maamulka Soomaaliland ayaa soo saaray Liiska Musharixiinta u taagan qabashada xilka ...
DHAGEYSO:- Dad Xoolo dhaqato ah oo lagu dilay Gobolka Mudug
- Aug 19, 2017
Wararka aan ka heleyno deegaanka Qarqoore ee Gobolka Mudug ayaa waxa ay sheegayaan in ...