HANAD HAYBAD LAA INOO KACAY 8.2.2017 WAA XILIGII WADANIGA SOOMAALIYEED.

Sawirkani waa madaxdii soomaaliyeed oo isku dhaarsaday in ay dalkooda badbaadiyaan.waxaan u aragnaa hadaanu nahay shacabkii soomaaliyeed inay yihiin s.y.l cusub oo dib u curatay.waa geesiyaal na iloowsiinaya gunimadii na daashatay hadaanu nahay soomaaliya.waa rag is waan saday xisaabtamay una istaagay difaaca diinta,dadka iyo dalka soomaaliyeed. waxay iska tuureen laba arimood oo hore inoola haray oo kala ah sidan soo socota.

1.Qabiil waa iska tuureen.

2.Shisheeye raacnimo iyo shilin aruursi

Waxay ku badasheen labadan
1. Qaranimay qaateen oo ku badasheen
2.Wadini raac amaano ilaalin difaac diinta dadka iyo dalka ayay ku badasheen iyo sharaf

Waa madax nasiib badan oo ku guulaystay inay galaan taariikhda soomaaliya baal dahab ah maa daama ay soomaaliya iyo aduunkii oo dhanba u muujiyeen oo tuseen inay daacad u yihiin bad baadinta dalkooda iyo dib u dhisid dawladii soomaaliyeed ee burburtay 1991dii.Waa wadaniyiin runta arkay oo baraarugay wax kasta oo soomaali halkaa dhigay oo baabi iyayna si qodo dheer u og oo u fahmay,kadibna go aan saday inay naftooda iyo maalkooda u huraan samata bixinta wadankooda hooyo.

Mudo dheer ayaa wadaniga soomaaliyeed fursad waayay

Soomaaliya 1991-7.2.2017 waxay ku jirtay ja hawareer iyo colaado aan u jeedo lahayn oo joogto ah.maamuladii mudo kolba mid la tijaabinaayay waxay wada noqdeen kuwo aan hana qaadin kuna guulaysan in ay dalka samato bixiyaan.waxa uugu wayn ee ay sidaasi ku dhacday ayaa ah dhawr arimood oo muhiim ah hayeeshee,si kooban hadaan u sheegno waxaa weeye sidan.

1.Hogaan jilicsan.(sharaxaad dheer ayuu rabaa intaas ayaan ku daynayaa)

2.Hogaan wadani aan ahayn .(sharaxaad dheer ayuu rabaa intaas ayaan ku daynayaa)

Kolhadii hogaanku sifahaas yeesho waxay noqonaysaa in uu isku kalsoonaan waayo,qabiilkashaqeeyo iyo nin jeclaysi,lacag uruursado,shisheeye iska maamuusho isna ku qanco adeege hooseeya,dadka uu isku diro khiyaano nolosha ku dhamaysto iyo hoog.aragti malaha iyo hadaf cad midna kolba qolaa meel u jiidata. hadaba wadaniga soomaaliyeed ariman raali kama ahayn marnaba laakiin ma haysan fursad. Maanta wadanigii soomaaliyeed waxa uu helay fursad uu kusoo baxo oo ku hanto dadkiisa iyo dalkiisa kana shaqeeyo dawladnimo iyo kala danbayn.

Mudane madaxwayneheena FARMAAJO oo ah hogaamiye leh aragti fog leh isku kalsooni ah geesi ah aqoon yahan ahna wadni soomaaliyeed oo buuxa.ayaa siiyay fursad in wadnigii soomaaliyeed ee jeclaa soomaalinimada jeclaa diinta jeclaa dalka iyo dadka jeclaa dawlad nimada iyo sharafka iyo kala danbaynta in uu soo istaagay oo uu diyaar u yahay in uu naf iyo maalba u huro sidii soomaaliya ku heli lahayd dawladnimo buuxda.sidii dadka soomaaliyeed ee walaalaha ah isku diin isku diir isku dadka ah loo midayn lahaa oo loo bad baadin lahaa.Farmaajo waa wadani qalbi saliim ah oo illaahay yaqaan iimaankiisuna buuxo maxaa yeelay iimaan laawe wadani ma noqonkaro,sidaas ayaa shacabkii soomaaliyeed ugu riyaaqeen una doorteen una jecelyihiin oo u garab taagan yihiin. waa hogaamiye bad baadinaya dalkeena.waxaana la shaqaynaya oo garbihiisa taagan wadaniyiin soomaaliyeed oo la mid ah ku fikir ah oo raba dalkooda iyo dadkooda.

Soomaaliya dib u noqon mayso hore ayay usoconaysaa qurux iyo dadnimo waxaan ku leenahay markaynu wada jiro oo dalkeena wada ilaashano.qabiil suuro gal maha in uu noqdo qaran iyo dawlad.waa cadaw soomaali curyaamiyay qabiilku.madaxdeena maanta inoo kacdayna waxaan ka aragnay haybad soomaalinimo iyo karaamo taasaan raacaynaa iyadaana nagu filan.soomaaliya way is badashay oo garatay dan teeda waa in aan caasimadeena nabadaynaa oo ceebta iska dhaqnaa.

Gunaanad

Maanta taariikh ayaa qof walba rag iyo dumar laga qorayaa,oo ah maxaad u qabatay dalkaaga hooyo oo wanaag ah? maxaad yeeshay oo dhib ah?
Maxaad aamin santahay oo ah dawlad doon ama dawladiid? waxa jira dad yar oo qabiilkasta oo soomaaliyeed leh oo aslanba aan ogolayn soomaali oo yeelata dawlad iyo sharaf!! iyagu waa dawlad diid.Hadaba hada waxaa kacay dal iyo dibadba shacabkii soomaaliyeed oo qabiil walba leh oo ah dawlad doon,markaa dagaalku waa intabadan oo ah dawlad doon iyo inyaroo ah dawlad diid.qofkasta oo soomaaliyeed labadan mid unbuu yahay dawlad doonka waxaa hogaaminaya FARMAAJO dawlad diidkana Ibliis. Waxaad fahmi kartaan nin ibliis dardaray oo hogaanka u qabtay oo daba kacay halka uu ku marti qaadayo oo uu gaynayo waa uun gurigiisa hadee guri ibliisna waa uun naartii jaxiima.
Nin walbaa hays eego labadan saf keebaad safahantaha?waxaa guulaysan dawlad doonka hayeeshee dawlad diid warmihii wadanigaa dulsaaran!

Waxaan u mahad celinayaa oo aan aaminay go aanka madaxdeena taariikhda gashay oo ah s.y.l cusub kadib markay muujiyeen ixtiraamka madax waynahooda dawlada fadaraalka FARMAAJO siiyeena xuquuqdii qaran iyo hogaan ee uu kulahaa tani waxay ka turjumaysaa inay kor uqaadeen sharafkii dalka,diinta,iyo dadka soomaaliyeed,waxay badalkeeda naga heleyaan in aan ku kalsoonaano oo aamino oo sharafno marwalba,waxay hor istaageen oo huf iyo baabah ka dhigeen cadawgii soomaaliyeed ee jeclaa kala qaybsanaanteena. akhyaartu waxay kalayihiin sidan hoos ku qoran.

1.Madaxwayne dawlad gobol Shariif Xasan
2.Madaxwayne dawlad gobol Dr Abdiwali gaas
3.Madaxwayne dawlad gobol Mudane Cosoble
4..Madaxwayne dawlad gobol Xaaf
5..Madaxwayne dawlad gobol Axmed madoobe

kolhadii madaxdeenu isjeclaato isku raacdo danta dalka,dadka iyo diinta ogaada shacabkuna waa is jeclaan oo gacmaha is qabsan guud ahaan kuligii.

Yuusuf Cumar
Email. Mashruuc5@hotmail.com

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media

allgalgaduud@gmail.com


Fikradaha Akhristayaasha (0)




Advertisement

Wararkii Ugu Danbeeyay

DHAGEYSO:- Midowga Yurub oo bixinaya Mushaarka Ciidanka Booliiska Somaliya
- Aug 16, 2017
Kulan uu soo qaban qaabiyay Xafiiska Hormarinta Midawga Yurub u qaabilsan Soomaaliya oo ay ...
DAAWO:- Madaxweynaha Turkiga oo waraaqaha aqoonsiga ka guddoomay Safiirka cusub ee Somaliya u fadhin doono Turkiga
- Aug 16, 2017
Madaxwaynaha dalka Turkiga Erdogan ayaa maanta Waraaqaha Safiirnimo ka Gudoomay Safiirka cusub ee Soomaaliya ...
Abuu Muscab oo sheegay inay shan askari ku dileen dalka Kenya iyo kuwo kalena ay..
- Aug 16, 2017
C/casiis Abuu Muscab, Afhayeenka Ciidamada Ururka Al Shabaab, ayaa waxaa uu sheegay inay shan ...
Xaaska Madaxweyne Mugabe oo Jir dil u geysatay Gabar 20 Jir ah iyo dacwad loo heysto
- Aug 16, 2017
Warbaahinta dalka Koonfur Afrika ayaa baahisay in dacwad lagu soo oogay Marwada koobaad ee ...
DAAWO:- Ra’isal Wasaaraha oo la kulmay Wafdi ka socda Midowga Yurub
- Aug 16, 2017
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre oo maanta kulan la qaatay ...
Raila Odinga oo War Cusub soo saaray,kuna dhawaaqay go’aanka uu ka qaatay doorashadii Kenya ka dhacday
- Aug 16, 2017
Hoggaamiyaha Mucaaradka Kenya Raila Odinga ayaa maanta ku dhawaaqay inuu Maxkamadda ugu sareysa dalkaas ...