Aqoonta aan u leeyahay Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Soomaalida Maanta Joogta.

Dhaliil walba oo jidha ama loo hayo qofka Mas’uulka ah ama Dawladda jidha markaas, haddana waxaa jira waxaan qofka Mas’uulka ah ama dawladda markaas jidha aan laga xasdi karin oo ay shaqsiyan ama dawlad ahaan yihiin, dhaqanka wanaagsan ee gobnimada Soomaalida waxa lagu yaqaanay waxaa ka mid ahaa xataa haddii aad diidan tahay ama aad kasoo horjeedo in wanaaga iyo xumaanta Mas’uuliyiinta ama Dawladda labadaba in la sheego, balse waayahan dambe Soomaali haddaan nahay dhan walbaa waan u dhaqan guurnay.

Haddii aan ka hadlo aqoonta shaqsiyeed ee aan u leeyahay Madaxweyne Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo waa shaqsi noocee ah?

1- Madaxweyne Farmaajo waa shaqsi wadaninimada dhab ay ka tahay.

2- Madaxweyne Farmaajo waa shaqsi aad u naxariis badan, gaar ahaan markuu arko waayeelka iyo caruurta iyo kuwa tabarta daran.

3- Madaxweyne Farmaajo waa shaqsi walaalkii la dhashay inta uu qadiyo qof kale oo Soomaali ah wax siinaya, waadna dareemi kartaa xiligan aan joogno shaqsi noocaas ah ama sidaa sameen kara Soomaalida waa uu ku yar yahay.

4- Madaxweyne Farmaajo waa shaqsi daacad ah oo aan iska ilaalin qofka Soomaaliga ah balse iska ilaaliya shisheeyaha xataa markay hadlayaan dhuuxa hadalkooda.

5- Madaxweyne Farmaajo waa shaqsi jecel dhageysiga aragtiyada qaybaha kala duwan ee bulsho weynta Soomaaliyeed.

6- Madaxweyne Farmaajo waa shaqsi neceb musuq maasuqa, laaluushka, eexda iyo qabyaalada, qofna kuma soo dhaweysto isku qabiil ayaa tihiin ee qof walbaa waxuu kusoo dhaweystaa isku aragti ma tihiin mase la jaan qaadi karaa aragtidaada.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo Lixdaas astaan ee aan kor kusoo xusay ayaan ku aqaan oo uu leeyahay.

Soomaali maanta joogta baanse aqaan oo waxay doonayaa Madaxweyne astaamahan hoose leh.

1- Madaxweyne aan wadani ahayn.

2- Madaxweyne aan naxariisan dalka unna naxariisan dadkiisa.

3- Madaxweyne Hantida qaranka jeebka uga buuxsha walaalkii iyo walaashiis.

4- Madaxweyne aan daacad ahayn oo u daran dadka Soomaaliga una dhago nugul shisheeyaha.

5- Madaxweyne aan jeclayn dhageysiga aragtiyada qaybaha kala duwan ee bulsho weynta Soomaaliyeed oo tiisa uun la quman tahay.

6- Madaxweyne musuq maasuqa hantida qaranka, daaro ka dhista laaluushka, kuna xeel dheer qabyaalada islamarkaana xafiiskiisa soo dhooba ama ka shaqaaleysiiya Qabiilkiisa kaliya.

Gabgabadii, ha dag dagin hana is oran ama ha u qaadan Ugaaska Ugaasyada Soomaaliyeed waxa uu qoraalkan usoo qoray waa reer Manchester, waa uu hiilinayaa Madaxweyne Farmaajo, balse waa xaqiiqda iyo aqoonta shaqsiyeed ee aan u leeyahay Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, Ha hilmaamin haddii maanta ay cid ama qabiilada Soomaaliyeed ay mudan tahay in ay saxaafada soo istaagaan oo ay ka cabtaan in awood qaybsigii Dawladda Federaalka Soomaaliya la baalmaray ama in la dulmay xuquuqdoodina ka maqan tahay waxaan qabaa xaqiiqdi oo mudan reer Manchester balse waxay ku gaabsadeen ama u aamuseen waa in la helo Qaran Soomaaliyeed oo xoog leh si sharaftii Soomaaliyeed u soo laabato ee ma’ahan inaysan xisaabta aqoon ama wax ka qaldan yihiin.

Wabilaahi Tawfiiq

Ugaaska Ugaasyada Soomaaliyeed
Nairobi, Kenya

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media

allgalgaduud@gmail.com


Fikradaha Akhristayaasha (0)




Advertisement

Wararkii Ugu Danbeeyay

DAAWO:- Qabiil kamid ah Qabiilada dalka Liibiya oo ku taliyay in talada dalkaas loo dhiibo Sayf Islaam Qadaafi.
- Jun 26, 2017
Ahmad al-Shalahli oo ka soo jeeda qabiilka al-Sayan ayaa ku taliyay in hogaanka dalka ...
DAAWO:- Dabaaldagii 26-ka Juun Iyo Khudbadii Madaxweyne Farmaajo maanta ka jeediyay taalada Daljirka Dahsoon ee magaalada Muqdisho.
- Jun 26, 2017
Ciidamo dhalinyaro boolis ah ayaa roondo iyo dhoolatus ka sameynayay xuska 57 sano guuradii ...
DHAGEYSO:- Shacabka Laascaanood oo Hambalyo iyo Fariin u diray Dawladda Soomaaliya sheegayna inay muqadas tahay midnimada Soomaaliya.
- Jun 26, 2017
Shacabka magaalada Laascaano ee xarunta gobolka Sool, ayaa cadeeyay midnimada Soomaaliya inay tahay mid ...
XOG:- Lataliyihii Ammaanka Qaranka Ee Madaxweyne Farmaajo oo Xilkii laga qaaday.
- Jun 26, 2017
Wararka maanta laga helayo ilo wareedyadeena u dhuun daloola Villa Soomaaliya Xarunta Madaxtooyada ayaa ...
DHAGEYSO:- Taliyaha Ciidamada Puntland Gen. Saciid Dheere oo ka warbixiyay dagaal dhexmaray Ciidamadooda iyo kuwa Daacish.
- Jun 26, 2017
Taliyaha ciidamada maamulka Puntland Jeneral Saciid Maxamed Xirsi (Saciid Dheere), ayaa ka warnbixiyay weerar ...
DAAWO:- Taaladii Dhagaxtuur ee magaalada Muqdisho oo boorka laga jafay.
- Jun 26, 2017
Maamulka degmada Waaberi ee gobolka Banaadir ayaa mudo dheer kadib ku guuleystay in dib ...