TOOS U DHAGEYSO:- Madaxweynihi hore ee Galmudug oo Sharci daro ku tilmaamay Xil ka qaadista ay ku sameeyeen Xildhibaanada

Madaxweynihii hore ee Galmudug Cabdikariim Xuseen Guuleed ayaa sheegay in ay sharci darro tahay fadhiga xildhibaano ka mid ah baarlamaanka Galmudug ay maanta ku sheegeen inay isaga xilka uga qaadaan.

Xubnaha maanta fadhiistay oo gaaraya illaa 54 mudane, ayaa waxaa shir guddoominayey guddoomiye ku xigeenka baarlamanka Galmudug, hase ahaatee Guddoomiyihii ayaa isagu ku maqan magaalada Muqdisho, isaga oo hore u sheegay inuu wakhtiga fasaxa u kordhiyey xildhibaannada, xaalado jira awgood.

Cabdikariim Xuseen Guuleed oo waraysi siiyay VOA-da ayaa sheegay in Baarlamaanka Galmudug uu yahay fasax muddo 45 cisho, gudoomiyaha baarlamaankana uu joogo magaalada Muqdisho.

Waxa uu sidoo kale sheegay in xildhibaanada maanta shiray ay ku kulmeen meel aan ahayn xarunta baarlamanka, taasina ay sharci darro ka dhigeyso kulankooda.

Cabdikariim Guuleed ayaa dhinaca kale sheegay in tallaabada xildhibaanada ay maanta qaadeen ay tahay mid qas looga abuurayo Galmudug, oo ay ka dambeeyaan dhinacyo kale oo uu sheegay inay kasoo horjeedaan jiritaanka Galmudug.

HALKAAN KA DHAGEYSO

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media

allgalgaduud@gmail.com


Fikradaha Akhristayaasha (0)




*

code

Advertisement

Wararkii Ugu Danbeeyay

XOG RASMI AH:- Al-Shabaab oo Bil kasta $80,000, ka hela Wadan Caan ah
- Jan 23, 2017
Wargeyska Walta Info,ayaa qoray maqaal dheer oo uu kaga hadlayay dhibaatada ku hareereysan Dowladda ...
TOP DHAGEYSO:- Meel ka mid ah Soomaaliya oo Laga Mamnuucay Raga iyo Dumarka in ay Gaari isla raacaan
- Jan 23, 2017
Taliyaha Boliska Degmada Galdogob  ee Gobalka Mudug Cabdi Xamiid Xuseen  oo Warbaahinta Ku hadalay ...
TOP DHAGEYSO:- Sidee looga Fogaan Karaa Khilaaf soo kala dhex gala Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare ?
- Jan 23, 2017
Guddoomiyaha Golaha aqalka sare ee dalka Cabdi Xaashi Cabdullahi,ayaa sheegay in doorashadiisa kaddib ay ...
TOOS U DHAGEYSO:- Ammaanka Muqdisho oo la adkeeyay iyo Ciidamo Gaara oo Wadooyinka lagu arkayo
- Jan 23, 2017
Ciidamada Booliiska Gobolka Banaadir ayaa si weyn u sugaya amaanka Muqdisho inta ay socdaan ...
XOG CUSUB:- Loolan hoose oo ka dhex socda musharaxiinta reer Puntland
- Jan 23, 2017
Murashaxiinta u tartamaya xilka madaxweyne ee Soomaaliya, kuwooda kasoo jeeda beesha reer Puntland ayaa ...
XOG XASAASI AH:- Maxaa kala qabsaday Michael Keating iyo Shariif Sheekh Axmed ?
- Jan 23, 2017
Ergayga gaarka ah ee QM u qaabilsan Arrimaha Somalia, Michael Keating oo kulan gaara ...