Mareykanka oo soo saaray Digniin ku socota Soomaaliya

Wasaaradda arrimaha dibedda Mareykanka ayaa muwaadiniinteeda ugu digtay inay u safraan dalka Soomaaliya sababo la xiriria dhaqdhaqaaqyada weli socda ee kooxda Al-Qacida xiriirka la leh ee Al-Shabaab.

Wasaaradda waxa ay sheegtay in muwaadiniinta Mareykanka ay ka warhayaan halista afduub ee ka jirta guud ahaan Soomaaliya, oo ay ku jiraan Puntland iyo Somaliland.

Waxay wasaaradda sheegtay in Soomaaliya aysan ku oolin safaarad Mareykanka oo muwaadniinta caawin karta.

Digniintan cusub ayaa baddeleysa tii wasaaradda ay horey usoo saartay ee ku taariikheysneyd 24 May 2016.

Digniintan ayaa lagu sheegay in si gaar ah ay halis argagixiso uga jirto goobaha dadka ay isugu yimaadaan iyo meelaha ay dadka Reer Galbeedka tagaan oo ay ku jiraan garoomada diyaaradaha, hoteelada iyo meelaha laga dukaameysto.

Waxaa sidoo kale muwaadiniinta Mareykanka looga digay inay ku safraan meelo ku dhow xeebaha Soomaaliya sababo la xiriira halista kooxaha burcad badeedda Soomaaliya.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media

allgalgaduud@gmail.com


Fikradaha Akhristayaasha (0)




Advertisement

Wararkii Ugu Danbeeyay

XOG:- Maxaa ka jira in Kheyre uu dib ugu laabanaayo Golaha Wasiirada ee la dhaliilay?
- Mar 27, 2017
Waxaa soo baxaaya warar hoose oo sheegaya in Ra’isul wasaaraha Xukuumada Somalia Xasan Kheyre uu ...
TOP+SAWIRRO:- Madaxweyne Gaas oo la Kulmay Wafdi Caalami ah
- Mar 27, 2017
Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta 27 March 2017 Xafiiskiisa ...
DHAGEYSO WAREYSI:- Faroole oo ka hadlay Mowqifkiisa ku aadan wasiirada cusub iyo waxa uu ka aaminsan yahay Farmaajo iyo Kheyre
- Mar 27, 2017
Cabdiraxmaan Maxamed Maxamuud Faroole ayaa si qalbi furnaan ah uga hadlay arrinta ku aadan Khilaafka ...
WAR DEG DEG:- Nin Xiran Xijaabka ay Dumarku qaataan iyo Indha-shareer oo lagu qabtay Gaalkacyo
- Mar 27, 2017
Wararka naga soo gaaraya Magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug ayaa sheegaya in Goor ...
XOG CUSUB:- Maxay tahay Sababta Safar Deg deg ah Shariif Xasan uu ugu yimid Magaalada Muqdisho?
- Mar 27, 2017
Madaxweynaha Koonfur Galbeed Shariif Xasan Shiikh Aadan ayaa maanta si deg deg ah uga soo ...
DHAGEYSO WAREYSI:- Aqoonyahan Falanqeeyay Ansixinta Golaha Wasiirada, Abaaraha, Amniga iyo caburinta Somaliland
- Mar 27, 2017
Aqoonyahan Cukaash Sugow oo ka mid ah Aqoonyahada Soomaaliyeed ee ku nool dalka Sweden ...