Mareykanka oo ka hadlay Duqeymo ay ka fuliyeen J/Hoose

Dowladda Mareykanka ayaa waxa uu ka hadashay weerar Diyaaradahooda Dagaalka ay ka fuliyeen Degaan Duleedka ka ah Magaalada Kismaayo.

Taliska Mareykanka uu ku leeyahay Qaarada Africa (AFRICOM) ayaa waxuu faah faahin dheeraad ah ka bixiyay Duqeymo Diyaaradaha Mareykanka ay ku fuliyeen Degaanka Buulo-Gaduud oo ku yaalla Duleedka Magaalada Kismaayo ee xarunta Gobolka Jubbada Hoose.

AFRCIOM ayaa waxa ay sheegtay in Duqeymahaasi diyaaradeed lagu caawinayay Howlgallo Ciidanka Dowladda Federaalka iyo kuwa AMISOM oo halkaasi ka waday howlgallo ka dhan ah Al Shabaaab.

Mareykanka ayaanan sheegin hadii ay jiraan khasaare dhimasho iyo dhaawac ah oo ay geysteen Duqeymaha ay Diyaaradahooda ka fuliyeen Duleedka Magaalada Kismaayo.

Shabaab ayaa 8-dii Bishan waxa ay la wareegeen Degaanka Buula Guduud oo qiysaastii 30-KM dhanka waqooyi uga beegan Magaalada Kismaayo ee xarunta Gobolka Jubbada Hoose

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media

allgalgaduud@gmail.com


Fikradaha Akhristayaasha (0)




Advertisement

Wararkii Ugu Danbeeyay

DHAGEYSO:-Barn. Dhacdooyinka Maanta Iyo Caabudwaaq. (Wararkii maanta ugu xiisaha badanaa).
- May 24, 2017
Caabudwaaq, 24 May 2017 --- Kulanti Wacan Dhagaysteyaal iyo Akhristeyaal Shabakada Caalamiga ah ee ...
SAWIRRO:- Madaxweyne Farmaajo Iyo Wafdigiisi oo caawa si qurux badan loogu soo dhaweeyay magaalada Doxa ee Dalka Qatar.
- May 24, 2017
Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa caawa si weyn loogu soo dhoweeyay ...
SAWIRRO:-Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo dhagax dhigey Mashruuc lagu Hormarinayo Garoonka Muqdisho.
- May 24, 2017
Muqdisho, 24-May-17-Ra’iisul Wasaaraha xukuumada Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa caawa dhagax dhigay leerarka iftiimiya ...
War-saxaafadeed+Sawirro:- Ra’iisul Wasaare Kheyre oo la dar-daarmay Ciidamadda Xoogga dalka Soomaaliyeed ee ku sugan Balli-doogle.
- May 24, 2017
Muqdisho, 24-May-17--Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaliya Mudane Xasan Cali Kheyre oo weheliyo ...
War-Saxaafadeed+Sawirro:- Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Soomaaliya oo ka qeyb galey Shirkii SDRF.
- May 24, 2017
Muqdisho, 24-May-17--Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed ayaa maanta ka qayb galey shir ...
Dowladda oo Amar deg deg ah lagu Siiyay iney Wada hadal la gasho Al-Shabaab
- May 24, 2017
Guddiga dib u heshiisiinta qaranka ayaa maanta kulan ay isugu yimaadeen magaalada Muqdisho waxay ...