MAQAAL:- Bal Da’da uu yahay uu Xamar u ooyaayo eega! W/Q.Khadar Aar.

Wakhtiyadan danbe Somaliland waxa ay noqotay mid kaanbayn siyasadeed laga dhigto ,xamar ayuu doonayaa ama xamar ayuu nagu wadaa,inkastoo markahoraba masaladaasi ay ahayd mid Dadka Somaliland aad ugu adag ,hadana hada waxa aad moodaa in sheekadu intii hore ay kasii badan tahay.

Hadii maanta adiga oo Somaliland gudaheeda jooga,dadka qof ka midii inta uu kugu qayliyo uu ku yadhaa “hayaaaaaaay” Xamar ayuu doonayaa,waxaa dhici karta in iyada oo aan laguba hubsan in dhirbaaxo iyo laad lagaala daalo.

NIn oday ah,oo ka yimi dhinacaa iyo Miyiga (baadiyaha) Somaliland ,ayaa waxoogaa xoolo ah usoo iibgeeyay ,Saylada Hargaysa ee adhiga lagu kala iibsado,markii adhigii sida uu filayay lacag fiican laga siistay, ayaa waxa uu usoo dhadhacay dhinaqa suuqwaynaha Hargaysa si uu iga iibsado wixii alaab reerkisii looga baahnaa.

Markii uu soo qaaday wadada dheer ee kasoo baxda,saylada hargaysa,soona dhex marta Beeraha ,ayaa waxaa markiiba arkay oo ka daba yimi niman tuug ah,kuwaasi oo tiradoodu ay gaadhayso Sadax nin.

Odaygii oo Ilahay dartii isaga socda *burkana aan bahalba ka filan,ayaa waxa markaliya,laga dhuftay go’ii uu sitay ee Lacagtuna ugu duubnayn,nimankii tuugta ahaa markiiba lacagtii ay odayga ka boobeen mid ka mida ayay u dhibeen,kiina waa uu la dhababaceeyay (cararay)

Waxa kaliya oo isku soo hadhay odaygii iyo tuugtii laba kamida oo uu odaygii darafka haysto,qayladii iyo sawaxankii odayga reer miyiga ah ka baxaayay ,ayaa dhamaan dadkii wadada maraayay ay kusoo leexdeen.

Markii ay nimankii tuugta ahaa ay arkeen,in dadkii wadada marayay ay kusoo yaceen ayay waxa ay tuugtii ku musanabeen “waar bal da’da uu yahay ee uu Xamar doonaayo eega”dadkii odayga usoo gurmadayna markii ay arkeen labada nin ee isu jiibinaaya ,hadalka ah in ninkani Xamar doonaayo,cadhadii qabatay markiiba iyaga oo aan wax hubsan ayay dhirbaxada iyo laadka dhinacooda kaga bilabeen.

Nimankii tuugta ahaa waxa ay odaygii u diideen ,jaanis uu dadka kula hadlo,kadibna sidii odayga loo garacayay,ayaa labadii nin ee tuugta ahaa ay hoosta ka siibteen,kagana dageen dadkii oo feedh iyo laad midkastaba uu la dhacaayo,korkiisana laga leeyahay “bal da’da uu yahay ee uu Xamar u ooyaayo eega.

Odaygii oo aan nafba ku noolayn,ay ku maqan tahayna feedhkii iyo laadkii ay labada nin ee tuugta ahi ay la dhacayeen,uguna darsan tay dadkuu hiilka ka sugayay oo hadalkii tuugta runmooday ,ayaa meeshii lagaga tagay isaga oo jiifa.

Wabilaahi tawfiiq.

khadar-aar.blogspot.com

facbook.khadaraar@hotmail.com

khadaraar101@gmail.com

WQ/Khadar Ibrahim Aar

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media

allgalgaduud@gmail.com


Fikradaha Akhristayaasha (0)




*

code

Advertisement

Wararkii Ugu Danbeeyay

XOG RASMI AH:- Al-Shabaab oo Bil kasta $80,000, ka hela Wadan Caan ah
- Jan 23, 2017
Wargeyska Walta Info,ayaa qoray maqaal dheer oo uu kaga hadlayay dhibaatada ku hareereysan Dowladda ...
TOP DHAGEYSO:- Meel ka mid ah Soomaaliya oo Laga Mamnuucay Raga iyo Dumarka in ay Gaari isla raacaan
- Jan 23, 2017
Taliyaha Boliska Degmada Galdogob  ee Gobalka Mudug Cabdi Xamiid Xuseen  oo Warbaahinta Ku hadalay ...
TOP DHAGEYSO:- Sidee looga Fogaan Karaa Khilaaf soo kala dhex gala Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare ?
- Jan 23, 2017
Guddoomiyaha Golaha aqalka sare ee dalka Cabdi Xaashi Cabdullahi,ayaa sheegay in doorashadiisa kaddib ay ...
TOOS U DHAGEYSO:- Ammaanka Muqdisho oo la adkeeyay iyo Ciidamo Gaara oo Wadooyinka lagu arkayo
- Jan 23, 2017
Ciidamada Booliiska Gobolka Banaadir ayaa si weyn u sugaya amaanka Muqdisho inta ay socdaan ...
XOG CUSUB:- Loolan hoose oo ka dhex socda musharaxiinta reer Puntland
- Jan 23, 2017
Murashaxiinta u tartamaya xilka madaxweyne ee Soomaaliya, kuwooda kasoo jeeda beesha reer Puntland ayaa ...
XOG XASAASI AH:- Maxaa kala qabsaday Michael Keating iyo Shariif Sheekh Axmed ?
- Jan 23, 2017
Ergayga gaarka ah ee QM u qaabilsan Arrimaha Somalia, Michael Keating oo kulan gaara ...