DHAGEYSO:- Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi “ Guddi dhex dhexaadin ah ayaa u direynaa Magaalada Cadaado, Cabashada Xildhibaanadana Waa la Xalinaya”..

Xildhibaan Axmed Macallin Fiqi oo ka mid ah Xildhibaanada ka soo galay Maamul Goboleedka Galmudug ayaa sheegay in ay Guddi u saarayaan khilaafka Siyaasadeed ee ka jira Galmudug kaas oo sababay in Xildhibaannada Galmudug ay xilka qaadis ku sameeyaan Madaxweyne Guuleed.

Fiqi oo ah Guddoomiyaha Xildhibaannada labada aqal ee ka soo galay Galmudug ayaa sheegay in khilaafka ka taagan Galmudug ay ka dambeeyaan Musharrixiin ku fashilmay in ay Galmudug ka soo galaan kaddib markii ay fashilmeenna ay billaabeen in ay bur buriyaan Galmudug.

Waxaa uu sheegay in Guddiga ay u dirayaan ay diyaariyeen islamarkaana ay tagayaan Cadaado si ay u dejiyaan xiisadda Siyaasadeed ee hadda ka aloosan Cadaado.

Xildhibaanno gaaraya 54  oo ka mid ah Galmudug ayaa shalay ku dhawaaqay in ay xilka ka qaadeen Madaxweyne Guuleed.

Hoos ka Dhageyso Codka:-

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media

allgalgaduud@gmail.com


Fikradaha Akhristayaasha (0)




Advertisement

Wararkii Ugu Danbeeyay

TOP NEWS:- R/wasaare Kheyre Oo Ku Guuleystay Inuu Kala Furfuro Xildhibaanadii Diidaan Golaha Wasiirada Cusub…
- Mar 25, 2017
Wararka naga soo gaaraya ilo wareedyadeena ku sugan magaalada Muqdisho ayaa waxa ay sheegayaan ...
TOP NEWS:- Madaxweyne Farmaajo Oo Kulan La Qaatay Madaxweynaha Uganda Museveni.
- Mar 25, 2017
Wararka naga soo gaaraya Magaalada Nairobi ee Dalka kenya ayaa waxaa ay sheegayan in ...
DHAGEYSO:- Madaxda IGAD oo Maanta ka shiraya xaal u helidda qaxootiga Soomaalida
- Mar 25, 2017
Madaxda dalalka xubnaha ka ah urur goboleedka IGAD ayaa maanta magaalada Nairobi ku leh ...
WAR DEG DEG AH:- In ka badan 20 Danjire oo gaaray Magaalada kismaayo
- Mar 25, 2017
Wakiillo ka socda Midowga Afrika iyo in kabadan 20 dajiryaal ayaa maanta gaaray magaalada ...
DHAGEYSO:- Dowladda Kenya oo loogu baaqay in ay furto xadka ay la wadaagto Soomaaliya
- Mar 25, 2017
Amnesty International iyo Human Rights Watch oo ka mid ah Hay’adaha u dooda xuquuqda ...
DHAGEYSO:- Madaxweynaha Maamulka HirShabeelle oo gaaray Magaalada baladweyne
- Mar 25, 2017
Madaxweynaha Maamulka Hirshabeelle Cali C/laahi Cosoble iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta waxa ay ...