DHAGEYSO:- Faroole oo ka hadlay Abaaraha ka jira degaanada Puntland, kuna baaqay in dadka dhibaateysan loo gurmado

C/raxmaan Sheekh Maxamed Faroole oo ka mid ah xubnaha xildhibaanada Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa waxa uu ka hadlay Abaaraha dalka ka jira iyo heerka ay gaarsiisan yihiin.

Waxa uu sheegay Abaaraha dalka ka jira in ay yihiin kuwo sii xoogeystay, oo si weyn u saameeyay dadka iyo duunyada ku nool Gobolada Dalka.

Senator C/raxmaan Sheekh Maxamed Faroole ayaa dadweynaha Soomaaliyeed ugu baaqay in ay u soo gar gaaraan walaalahooda dhibaateysan, si loo badbaadiyo.

Faroole ayaa si gaar ah ganacsatada ku nool Magaalada Muqdisho ugu baaqay in u soo gurmadaan shacabka dhibaateysan, isagoo sidoo sheegay Abaartan in ay mid daran.

Gobolada Dalka ayaa waxaa ka jira Abaaro aad u daran kuwaas oo saameeyay dadka iyo duunyada, waxaana Dowladda Federaalka iyo Maamul Goboleedyada ay wadaan dadaalo lagu badbaadinayo dadkan.

Hoos ka Dhageyso Codka:-

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media

allgalgaduud@gmail.com


Fikradaha Akhristayaasha (0)




*

code

Advertisement

Wararkii Ugu Danbeeyay

WAR DEG DEG AH:- Guddoomiyaha Xubnaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka oo la doortay
- Jan 22, 2017
Guddoomiyaha Xubnaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka ayaa waxaa ku guuleystay Senator Cabdi Xaashi C/laahi, ...
Madaxweyne Cosoble oo amar deg deg ah siiyay Ciidanka ammaanka ee Jowhar ku sugan
- Jan 22, 2017
Madaxweynaha Hirshabeelle Cali C/laahi Cosoble, oo ka hadlay dilka Taliyihii Ciidanka Booliska Gobolka Shabeelaha ...
WAR DEG DEG AH:- Doorahsada Guddoonka Aqalka Sare oo Muqdisho ka bilaabatay
- Jan 22, 2017
Magaalada Muqdisho gaar ahaan xarunta KMG ah ee Aqalka Sare waxaa ka bilaabatayDoorashada Guddoonka ...
Ciidamada Dowladda oo Saaka Baaritaano ka wada Magaalada Jowhar
- Jan 22, 2017
Ciidamada Dowladda Soomaaliya ayaa Saaka Baaritaano ka wada Xaafadda Kulmis ee Magaalada Jowhar ee ...
DHAGEYSO:- Guddoomiye Jawaari “Shacabka yaan la wareerin, Weli go’aan kama gaarin Xilliga ay doorashada dhaceyso”
- Jan 22, 2017
Guddoomiyaha Golaha shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa waxa uu ka ...
DHAGEYSO:- Faah faahino dheeraad ah oo ka soo baxaya dilkii Taliyaha Booliiska Gobolka Sh/Dhexe
- Jan 22, 2017
Qarax Bam gacmeed ayaa lagu weeraray goobtii uu ku sugnaa Taliyihii qeybta Booliska Gobolka ...